Muqdisho: Dufcaddii 15aad Oo Ka Qalin-jebisay Jaamacadda Muqdisho

Muqdisho (Tvsle)- Arday dhan 430 arday oo noqonaysa dufcaddii 15aad ee ka qalinjebisa jaamacadda Muqdisho, ayaa xaflad ballaadhan oo ay ku qalinjebinayeen loo qabtay.

IMG_9564

Xafladda ardaydaasi ku qalinjebinayeen ayaa waxa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida bahda waxbarashada, ganacsatada, isgaarsiinta, waalidiin, maamulka, macalimiinta iyo ardayda jaamacadda muqdisho.

IMG_9423

Xafladan ugu horeyn waxa ka hadlay masuulka tirsan masuuliyiinta jaamacada muqdisho kana mid ah gudiga qabanqaabada xaflada ustaad cali daahir maxamed  waxa uuna halkaasi ka sheegay in ardayda manta qalinjebisay ayka koobanyihiin laba qeybood oo kala ah  shahaadada koobaad oo ay ka qalinjebiyeen arday gaareysa 430 arday ooka qalinjebiyey 7 todobada kulliyadood oo ka mid ah sagaalka 9 kulliyadood oo ay ka koobantahay jaamacadda muqdisho iyo shahaadada labaad ee masterka oo ay ka qalinjebiyeen 98 oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba.

IMG_9316(1)

Dr-cali baashi cumar oo kamid ah gudiga sare ee jaamacadda ayaa halkaasi ugu soo jeediyey hambalyo ardayda qalin jebisay  waxa uu sheegay ( ummadi waxay ku hormartaa cilmiga waana tan maanta aan ujoogno iyo horumarka ay sameysay jaamacadda muqdisho).

IMG_9404(1)

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay hormuudka daraasaadka sarre ee jaamacadda muqdisho Dr-cilmi dhuxulow gacal ummadaan waa la soo hagi jiray laakiin maanta idinka ayey  hagid iyo hoga tusaale idiinka fadhidaa waana waxa la idiin baray hgaamintaa quruxda badan .

IMG_9406

Gudoomiyaha jaamacadda banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka Somali RAN oo ah Dallada waxbarashada iyo cilmi barista soomaaliyeed ooay ku mideysan yihiin qaar kamid ah jaamacadaha soomaalida  Dr-c/risaaq  dalmar waxa uu sheegay injaamacadda muqdisho ay kamid tahay dalladaan Somali RAN kuwooda ugu fir fircoon kana mid ahayd aas aasayaashii, waxaa kale oo ku amaanay inay ahayd jaamacaddii ugu horeysay ee dagaaladii sokeeya ka dib la furay ayna jaamacadaha dalka unoqotay mid lagu daydo, waxaa kale oo uu uhambalyeeyey ardayda manta qalinbadalaneysa.

IMG_9409

Ugu danbeyntii waxaa xaflada soo gunaanaday gudoomiye kuxigeenka arimaha maamulka Dr- ibraahim maxamed mursal ayaa ka sheekeeyey marxaladihii ay soo martay jaamacadda muqdisho iyo mustaqbalka waxa ay tiigsaneyso.

Waxa ay jaamacadda muqdisho shacabka soomaaliyeed u abuurtay waxbarasho kusaleysan dhaqankooda iyo diintooda.

In la is ogoleysiiyo dhaqan ku saleysan diin iyo cilmiga horumaray.

In la soo saaro dhalinyarosoomaaliyeed oo ka dhisan diintooda kartina uleh inay wax badalaan.

Iyo tacliin ay lasocoto akhlaaq aad usareysa iyo iimaan wanaagsan.

Waxyaabaha ay jaamacadda tiigsaneyso waxaa kamid ah

1)      Tayada inay kor uqaado

2)      Istiraatiijiyada udegsan jaamacadda waa 25ka sano ee soo socda  inay BHD  noqdaan macalimiinteeda

3)      Manhajka waxbarashadana waa in kor loo qaadaa

4)      Ummadaha waxay ku hormaraan waa cilmiga dadka cilmiga lehna waa in lakaraameeyaa.

Wuxuuna ardayda qalin jebisay kula dardaarmay inay cilmigooda sii wataan.

IMG_9278 IMG_9316  IMG_9404     IMG_9424 IMG_9487 IMG_9498 IMG_9514 IMG_9537 IMG_9538 IMG_9553  IMG_9578 IMG_9601 IMG_9617 IMG_9666

Tvsle.net

2 Comments on Muqdisho: Dufcaddii 15aad Oo Ka Qalin-jebisay Jaamacadda Muqdisho

  1. I am really enjoying the theme/design of your blog.
    Do you ever run into any internet browser compatibility issues?
    A small number of my blog readers have complained about my blog not operating correctly in Explorer but looks great in Firefox.
    Do you have any advice to help fix this issue?

Leave a comment

Your email address will not be published.




You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.