news
all videos
Contact us
tvsle.com
Tuesday, 2 February 2010
Xus Loo Sameeyey Sanad Guradii 16-naad Ee Cidanka S-Land Iyo Wararkale
Hargaysa: Xus Loo Sameeyey Sannad Guuradii 16-naad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

Hargeysa (TVSLE)- Munaasibad aad u balaadhan oo lagu xusayey Sannad guuradii 16-naad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay taliska guud ee ciidanka qaranka ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo si weyn loo agaasimay waxaa ka qaybgalay Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirku xigeenka Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Guud ee ciidamada Qaranka, Asluubta iyo Booliska , Saraakiil ka kala tirsan ciidamada qalabka sida iyo cutubyo ciidanka milateriga ah oo iyagu salaan ku siiyey halkaas masuuliyiinta.

Xuskan oo sannad kasta la qabto 2/2, ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyey isaga oo ku hadlaya af-ka Madexweynaha Somaliland, Wasiirka Madextooyada Md Xasan Axmed Ducaale [Xasan-macalin], waxaana uu hambalyo u diray guud ahaan ciidanka qaranka Somaliland iyo xaasaskooda munaasibadan awgeed, isla markaana waxaa uu ciidanka qaranka ku sifeeyey geesiyeyaal sugay amaanka xuduudaha dalka Somaliland.

Sida oo kale taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Col: Nuux Ismaaciil Taani, oo isna xuskan ka hadlay ayaa sheegay in ay ciidanka qaranka Somaliland ku caan-baxeen akhlaaq iyo geesinimo.

Taani waxaa kale oo uu sheegay in wakhtigan ciidanka qaranka Somaliland meeshii ugu fiicnayd uu marayo, isla markaana ay diyaar u yihiin sugida amaanka xuduudaha dalka.

Munaasibadan ayaa iyadu la mid ahayn kuwii hore loogu qaban jiray taliska guud ee ciidanka qaranka ee caasimada Hargeysa, waxaa laga dareemayey in uu hooseeyo qaabka loo agaasimay iyo masuuliyiinta ka soo qaybgashayba.

Munaasibadihii nooceeda oo kale ahaa, ayaa waxaa ka soo qaybgali jiray, Madexweynaha Somaliland oo ah masuul wadanka ugu sareeya, lamana garanayo sababta uu uga baaqsaday in uu maanta xuska aasaaska ciidanka qalabka sida uga soo qaybgali waayey.

WARKA 2AAD

Gudoomiyaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB Oo Ka Xog-wamay Safar Uu Ugu Maqnaa Wadanka Itoobiya

Hargeysa(TVSLE)- "Waxan kula kulmay dhowaan Dalka Ethiopia Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dr, Tekeda Alemu, Waxan uga mahad celiyey doorkii ay ka qaateen xalinta khilaafkii siyaasadeed ee xisbiyada dalka ee doorashada madaxtooyada ” sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Siyaasadda ee Xisbig UDUBa Cumar Jaamac oo Maaanta Shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargaysa

Md. Cumar Jaamac waxa uu halkaas ka akhriyay warsaxaafadeed u dhignaa sidan“Waxan kula kulmay dhowaan Dalka Ethiopia Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dr, Tekeda Alemu,. Waxan uga mahad celiyey doorkii ay ka qaateen xalinta khilaafkii siyaasadeed ee xisbiyada dalka ee doorashada madaxtooyada ee dib u dhacday iyo sida ay u danaynayeen xasiloonida Somaliland inaanay khatar gelin. iyadoo aanu ka wada hadalay xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa iyo iskaashiga dhinacyada siyaasada iyo nabad gelyada.

Dr. Tekeda Alemu waxu iiga waramay walaaca beesha caalamku ka qabto xasiloonida gobolka iyo in lala sameeyo iskaashi buuxa dhinaca xoojinta nabad gelyada iyo xasiloonida ee Somaliland. Dr. Tekeda Alemu waxu xusay khudbadii u danbaysay ee golaha ammaanka in Xoghayaha guud ee qaramada midoobay warbixintiisii ugu danbaysay ku xusay inaan indhaha laga qarsan Karin xasiloonida ka jirta Somaliland, gacana lagu siiyo xaqiijinta amnigeeda iyo xasiloonideeda.

Dr. Alemu waxu sheegay inay ka shaqaynayaan sidii Somaliland looga qayb gelin lahaa shirarka caalamiga ah iyo iskaashiga gobolka oo ay ka noqoto xubin buuxda. Xasiloonida Ethiopia, Djibouti iyo Gacanka cadmaeed waxay ku xidhan tahay nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland. Nabad ku naaloon maynu haddii aanaan taageerin xasiloonida iyo qadiyada Somaliland.

Waxan kale oo aan kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Safiir ku xigeenka Dawladda Ingiriiska u jooga Ethiopia, H. E Mr. John Marshall, waxanu ka wada hadalay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka, Xasiloonida iyo iskaashiga labada dal. Waxan u xaqiijiyey inaanu waqtiga doorashada ka sugeyno GDQ diyaar aanu u nahay doorasho xor ah oo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka waqtiga lagu dhawaaqo doorasho. Waa dhammaatay sheeko danbe oo lagaga hadlo iyo dib u dhaceeda, waxanu ixtiraamaynaa heshiiskii aanu la galay xisbiyada kale ee beesha caalamkuna goob jooga ka ahayd.

Safiirku waxu sheegay marka laga yimaado aqoonsi caalami ah dawlado badani waxay Somaliland u arkaan dawlad jirta, oo maamusha xuduudaheeda, waxa Somaliland ka jira dawlad iyo maamul wanaagsan. Safiirku waxu sheegay inay Somaliland la lee yihiin xidhiidh wanaagsan lana lee yihiin iskaashi dhinaca nabad gelyada iyo dhinaca horumrintaba ah xoojinta dimoqraadiyadaba. Waxanu safiirka isla qaadanay inaan beesha caalamku aqbalayn dib u dhac danbe oo ku yimaada doorashada Somaliland, marka GDQ waqtiga qabtaan si hufana aanu ula shaqaynayno GDQ. Waanu sii wadaynaa xiidhiidhka iyo iskaashiga aanu la leenahay Somaliland anagoo kordhin doona caawimada aanu u marino UN, INGO’s and EU. Waxu kaloo xusay safiirku inay sii kordhinayaan kaalmadooda doorashada ka dib.

Waxa nasiib darro ah in qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradku ka shaqeeyaan markay dibada u baxaan inay beesha caalamka u sheegaan warar ka fog xaqiiqada sida inay u sheegaan dhowaan kulmo ka dhacay Ethiopia in qaraxyada ka dhaca Somaliland ay ka danbayso xukuumadu, wararkaas oo ah kuwa ay kaga hadlaan mafrashyada qaadka oo ay la tagaan marka ay la kulmayaan dawladaha jaarka ah. Waa nasiib darro arrintaasi, waxan mucaaradka u soo jeedin lahaa inaynu u tartamayno sidii Somaliland aan qadiyadeena uga iibin lahayn caalamka mase aha inaynu fagaarayaasha la tagno waxa aynu halkan kaga wada hadalo. Waxan u soo jeedinayaa inaynu meel iska dhigno ku jiqsiida, aynuna barano in lala shaqeeyo maalinba cidda xilka qaranka haysa. Ilaahay ha ina waafajiyo talada toosan, Somaliland ha noolaato”.

WARKA 3AAD

“Waxaan doonayaa inaanu shacbiga Somaliland ka wacyigelino kaGanacsiga dadka"Wasiirka Qoyska Ee S-land

Hargeysa(TVSLE)- Wasiirka Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta bulshada Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan, ayaa shaaca ka qaaday inay loo baahan yahay sidii looga hortegi lahaa dadka caadaystay ka ganacsiga dadka ee beryahan ku soo badanayaa Somaliland.

Wasiiradu waxa ay sidan ku sheegay shirjaraa’id oo ay maanta ku qabatay xafiiskeeda waxaanay tidhi“Waxaan maanta idinku yeedhay arrin khatar ah oo aan doonayo inaanu shacbiga Somaliland ka wacyigelino runtii way inagu cusub tahay Somaliland, hase yeeshee waxay ka dhacdaa meelaha burburka iyo dagaaladu ay ka dhaceen arrintaasi waa ‘Ganacsiga dadka’ inaga wixii dadkeenu u dhibaatoodeen waa tahriibka oo badda isugu biimeeyeen.”

Waxaana ay intaa raacisay oo ay tidhi “Arrintan iyo tahriibku way kala duwan yihiin, waxaan u mahadnaqayaa dawlada Jabaan oo gacan ku siisay Hay’ada IOM ee caalamiga ah sidii ka ganacsiga dadka looga hortagi lahaa dadkana shirar badan oo lagaga digaayo loogu qabanayo. Labadii bilood ee u dambaysay aad iyo aad ayaa arrintaasi looga wacyigeliyay bulshada Somaliland.”

“Dadku meelaha ay u tacabiraan ee ay is leeyihiin nolol ka raadsada ayaa waxa jirta dad isu tagay oo xirfad u leh sida dadka lacagta looga qaado, waxaanay ku yidhaahdaan shaqooyin ayaanu idin siinaynaa, waxa dhacda inay siiyaan wax yar dumarka oo kale waxay ku yidhaahdaan shaqo ayaanu idin siinaynaa ayaa haddana wax kale lagu sameeyaa. Xamar oo kale waxa dhacday in carruur la qaatay, ka dibna markii dibada la geeyey xubno jidhkooda ka mid ah lala baxay taasina waxay ka mid tahay ka ganacsiga dadka (Human Trafficking),” ayay tidhi Marwo Faadumo Suudi.

Marwo Faadumo waxay sheegtay in tahriibka iyo ka ganacsiga dadku ay iska shababahaan dhinaca khatarta qofka mudanayo. Waxaana ay ku baaqday in xukuumad iyo shacbiba la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa ka ganacsiga dadka. Marwo Faadumo Suudi, waxay saxaafada ugu baaqday inay ka ganacsiga dadka ka faaloodaan oo ay bulsho-weynta ka wacyigeliyaan halistiisa.

Wasiirka oo la weydiiyay inay sharaxaad ka bixiso qaabka dadka looga ganacsanayo waxay ku jawaabtay “Runtii ka ganacsiga, dadku waa wax dhegaha shacbiga Somaliland ku cusub, waxa weeye qofkii oo lagu yidhaahdo waa lagu dhoofinayaa inta lacag iyo fiiseyaal macmal ah loo sameeyo gaar ahaan dhallinyarada ayay arrintani saamayn ku leedahay. Waxa ka dhacday in hablo la geeyey Suuriya oo dadkii kaxeeyayna intay guri u kireeyeen ka baxsadeen ka dibna arrimo kale oo ganacsi ah laga furay gurigii, hablihiina si dhaqanka suuban ka baxsan looga faa’iidaystay.

Inamadana inta lagu yidhaahdo waanu idin dhoofinaynaa oo lacag laga qaado ayaa jeel ay ku dambeeyaan oo la xidhaa inta dalalkoodii laga kaxeeyay.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska Md. C/raxmaan Maxamed Maal, ayaa isaguna ka hadlay faraqa u dhexeeya tahriibka iyo ka ganacsiga dadka waxaanu yidhi “Tahriibku waxa weeye qofkii isaga ayaa is-abaabula oo go’aansada ha ku dhinto ama ha ku noolaadee.

Ka ganacsiga dadku waa qofkii ayaa been loo sheegayaa oo la odhanayaa shaqo wanaagsan ayaa lagu siinayaa ama waa lagu dhoofinayaa ka dibna jidh ahaan iyo muruq ahaanba waa looga faa’iidaysanayaa oo si dhaqan xun ayaa looga faa’iidaystaa oo waxa lagu odhanayaa shaqadaas iyo lacagtaas yar haddii aad ku shaqayn weydo waa lagu mastaafurinayaa.”

published on Tuesday, 2 February 2010
Source: tvsle
Headlines


Sept 2010 Wareysi Salmon Tomay Siyaasda Wabiga NIIL Ee Geska Africa





Muqaal Somaliland National Anthem



Ogs29MuqalTV Wareysi Amir Sidoo kale warar Sland Iyo Barnamuj Ramadan



22 Ogst-2010 Muuqaal Tv Axmed Silaanyo Oo Kawaramaya Tariikhdii SNM





Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira, by Bashir Goth


MAQAAL Gol-dalooloyinka Xukuumadda Cusub ee Somaliland


Birgitte Olsson Oo Caadeysatey Ka Beensheegida Siyaasada Sweden EE SL


Meedey Dumuqraadiyadii Xusbiga Kulmiye, Xilka Gudoomiye Ma Khasbashaa?


Shakiga Ethiopia, Xagu Ka Dashay Iyo Wax Ka Qabashadeeda.


Inauguration Of Somaliland President



Muqal Tv Mudaharaad ka dhacay Boorama Oo Kadhan Ah Xukumda Siilanyo



Muqaal Tv Kulankii Madaxda Africa Oo Lagag Doodayo Al-Shabab



Muuqal Tv Wareysi Madaxweyne Axmed Silaanyo Wakhtigii Ololaha.


MAQAAL-Taariikhda Yaan Laga Been Sheegin by Axmed Cali


Maqaal-"Haani Gun Bay Ka Tolantaa”"Cabdalla Xaaji Cusmaan.


Al-JaziraOo Soo Bandhigtey Jabhada SSC Oo Dagaal Kula Jirta Cidanka SL