Hargaysa: Caways loogu Magacdaray u Hiilinta Afka hooyo Iyo Warar Kale
Hargaysa: Caways loogu Magacdaray u Hiilinta Afka hooyo oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Hargeisa
Hargeysa (TVSLE)Caways xiiso badan oo loogu magac daray U hiilinta Afka hooyo ayaa xalay lagu qabtay Hotel Emperial ee magaalada Hargeisa, Xafladaasi oo ay soo Qaban qaabiyeen Naadiga Akhriska hargeisa, Waxaa Daadihinayay Qoraaga Caanka ah ee C/raxmaan C/laahi (Ina Guri Barwaaqo).
Munaasibadaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka kala socota Jaamacada Hargeysa, Qorayaasha Caanka ah ee reer Somaliland oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Xasan Cabdi Madar, Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin(Dheeraad) iyo Yuusuf Cismaan Cabdille ( Yuusuf Shaacir) iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Barnaamijkaasi oo loogu magac daray Habeenka Aqoon-yahanka iyo Naadiga Akhriska ee Hargeisa waxa loogu talo galay in loogu hiiliyo afka Hooyo(Af soomaaliga),oo dhamaanba ay aqoonyahanadii iyo abwaanadii halkaa ka qayb galay ay isku raaceen inuu ku dhaw yahay dhimasho Af Soomaaligu sida afafkii hore ee dabar-go’ay oo bari dhaw la waayi doono hadii aan la helin Dawlada Adag oo illaalisa.
Madashaasi oo xiiso gaar ah lahayd waxaa ugu horayn hadal kooban ka jeediyay isu-duwaha NaadigaAkhriska Hargeisa Maxamed Dahir, waxaanu aad ugu mahadnaqay dadwaynihii ka soo qayb galay madashaasi iyo sida ay u soo ajiibeen ka soo qaybkeeda,
Maxamed daahir waxa uu Xusay in Dadwaynuhu ka dharagsanyihiin Asaaska naadiga iyo waxyaabaha uu ka shaqeeyo balse waxaa uu si qoto dheer ugu hadlay Sidii dhalin yarada wakhtigani ugu Hamiyi lahaayeen inay Badalaan jiilka ka horeeyay oo iyagu wakhtigoodii u huray Horumarinta Bulshada.waxaana uu ku booriyay Dadaalka iyo karti in looga baahanyahay Dhalinyaradda sanadkan Cusub kaalin wax ku ool ah ka qaadano.
Waxaa isaguna Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay Qoraaga Caanka ah ee Xasan Cabdi Madar waxaanu uga Mahad Naqay Qoraagu sida Fiican ee Dharka somalida ugu labisanyahay iyo sida uu ugu heelanyahay illaalinta iyo kor uqaadida Afka Somaliga.
Xasan Cabdi Madar Waxaa uu si gaar ah ugu Nuuxnuuxsada Kaalinta ay Buugta Qoraagu kaga jiraan Bulshada iyo u hiilinta Afka hooyo waxaa Tusaale usoo Qaatay oo uu tilmaamay in Dadku ay waydiiyaan Magac ay Caruurtooda u bixiyaan. Waxaanu kor u taagay Buug uu qoray Guri Barwaaqo oo magaciisu yahay (Magac Bilaash uma Baxo) kaasi oo uu tilmaamay inuu ka helo Magac kasta oo loo bixinayo Caruurta somaliyeed
Boobe Yuusuf Dacaale oo isagu hadal kooban halkaasi ka jeediyay isaga oo ugu Mahad naqay Naadiga akhriska Hargeisa Buugaagta Bil walba ay u soo bandhigaan bulshada Waxaa uu tilmaamay in ay laba arimood ugu Naxdin badan yihiin marka uu arko kuwaasi oo kala ah, Baabuurta Dhuxusha magaalada Dhex deeda sida ee soo jarta dhirta oo qoyan, iyo Magacyada Meheradaha oo qof waliba ula boxo Magaca uu doono kuwaasi oo u badan Magacyo Qalaad.Waxaana uu Dusha ka saaray Masuuliyada Arintaasi Dawlada hoose oo aan Xil iska saarin.
Boobe waxaa uu aad ugu Dheeraada Qaladaadka Saxaadu ka samayso Qoraalka Afsomaliga isaga oo Xusay inaan Xil wayn la iska saarin Sixitaanka Afka hooyo,Boobe waxaa uu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu Arko Qoraa C/laahi Guri barwaaqo oo in badan ku maqnaa wadamada Qurbaha.
Intaa ka dib waxa Hadalka la wareegay Qoraaga C/raxmaan C/laahi Faarax( Ina Guri Barwaaqo) oo ahaa Shaqsiga Xallay Martida loo ahaa. Waxaa uu si Qoto dheer u gudo galay Mawduuc Balaadhan oo ugu Talo galay in uu ku dhiiri galiyo Dhalinyarada Reer Somaliland ee Xalay Madashaasi isugu timi. Waxaa uu Sheegay in Hargeisa oo ahayd Hoygii Fanka iyo Suugaanta la Dhaxal wareejiyay oo ay Noqotay Hoygii Aqoonta.
Waxaa uu ku dheeraaday oo uu sharaxaad ka bixiyay Ereyga AF: oo uu tilmaamay Baaq Codeed oo u jeedo Qeexan leh, waxaa uu tilmaamay in Af-ku dadka gaar u yahay, kana mid yahay Nimcooyinka illaahay ku manaystay Noolaha, waxaa uu xusay in noolaha kale ay hadlaan balse aanay isku af garan, Waxa kale oo uu sheegay Carabka oo ah saldhiga dhawaaqa hadalka oo inta xaraf ee aad ku hadlayso carabka ayaa suurtagelinaya in dhawaaqoodu soo baxo.Waxa uu aad u sharxay Ereyada Somaliga iyo kala duwanaanshahadooda. Waxa uu si kooban uga waramay Af ka Somaliga iyo Ilbaxnimadeena.Waxa uu Ereyada Afsomaliga u kala Qaybiyay laba Qaybood oo kala ah,Eray dhaqameedyo iyo erey Saleedyo.
Ina Guri barwaaqo Waxa uu Si faahfaasan u sharaxay Daawooyinka iyo Cudurada aynu iska Dawayn jiray wakhtiyadii hore isaga oo Arintaa ka hadlayana Waxa uu yidhi
“Daawada iyo Cudurada aynu iska dawayn jirnay. Dadkeenu waxa ay yaqaaneen Cudurada la iska dhaxlo o imika lagu barto Jaamacada Caalamka (Cudurada la iska dhaxlo). Dadkeenuna ay yaqaaneen cudurada ili ma qabatayga ah ee ay ka mid yihin indho Xanuunka. Sida Cuntada loo kaydsado.Hilibkeenu waa inagu filnaa, Hadhuudhka waa la qaadan jiray cuntadiisa ka sokaw Waa lagu safri jiray. Xanjada waan lahaan jirnay oo laga samayn jiray dhir ay ka mid ahaayeen Xangeeyada, Gacayrada, kidiga Xabagtiisa, Dhiig joojinta dhirta ayaynu ka samaysan jirnay (Homor, shan bogsiiye) ”.
Qoraagu waxa kale oo uu tilmaamay in Afkeen ka wanaagsanyahay Afafka Qalaad qaar badan oo ka mid.
Waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin sida ay Dadka qaarkii ku doodaan in aanu Afku dhimman hadii la qoro. Waxaanu xusay Qoraagu in ay dhinteen Afkii Faraaciinta iyo kii Sumayriyiinta Qoraalkoodiina uu yaalo Madxafyada Caalamka.
C/raxmaan, mar uu sharxayay sida uu ay Afafku u dhintaan waxa uu yidhi “ haday ereyadu dhintaan oo aad halkoodii mid kale galiso waa dhimanayaa. Hadii afafku ay walaalo yihiin dhibi ma jirt. Laakiin, ereyada oo dhalan rog lagu sameeyo ayaa dhibta keenaya Ilbaxnimooyinka oo la isk a moosi waayo ayaa iyaduna ka mid ah waxyaabaha keena dabar go’a Afka. Dadka lehi hadii ay wax u arki waayaan in afkoodu qiimo leeyahay. Maamul jira hadii uu dar yeeli waayo. Dadka oo bara kaca kuna biira qowmiyad kale.” waxa uu u soo jeediyay guud ahaanba Dadka Somalida ahi in aanay Afkoodu ku darin kalmado kale. Waxaanu intaasi ku sii daray “ Wax lala yaabo ah in hargeysa Meheradoodu leeyihiin Magacyo ajnabi oo aadan moodaynin Magaalao soomaali.
Waxa uu si baaxad leh u sharxay Magacyada Somalidu ay la baxaan iyo siyaabaha loogu bixiyo iyo sidoo kale,
Waxa uu shegay in Wargeysyada Somaliga wax ku qora in ay sameyaan Khaladaad tiro badan.
Mar uu si gaar ah ula Bahda War-baahinta waxa uu u soo jeediyay in ay Xil gaar ah iska saaraan Waxa ay qorayaan oo ay dhawraan milgaha iyo qiimaha uu leeyahay Afka Somaliga. In Hal tabintu ay wariyaha Muhim u tahay ayuu sheegay.
Waxa uu si wayn u canaantay Nin qoray buug uu ku soo qaatay qaar ka mid ah ereyada aalada Kombuyuutarka, taasi oo uu sheegay in Ninkaasi uu qoray wixii ay la noqotay isaga oo aan u eegin Miisaanka Hab-qoraalka iyo Macnaha dhabta ah ee uu leeyahay Somaligu.
C/raxmaan C/laahi Faarax( Ina Guri Barwaaqo) waxa oo qoray Buug uu ugu Magac daray Erey Bixinta Aalada Kombuyuutarku waxa uu sheegay in Qoraalka Buugaasi uu qoraalkiisa dhammays tiray 1988-kii hasa yeeshee, uu daabacay Toban sanno ka dib taasi oo ku beegnayd 2007, Mudada intaasi le’egna uu ka dhur sugayay in uu helo kalmado kaga haboon Ereyada oo diyaarsaday.
Waxa uu sheegay in af somaligu qabyo ahayn, laakiin, Hab qoraalku uu khaldami karo.
Si looga hor tagi karo dhibaatada ku sii kordhaysa Luuqada Afka Somaliga wax uu xusay in lagu daayo kaliya intii ay sameeyeen Guddidii Afka Somaligu.
Waxa uu Qoraagu halkaasi ka akhriyay Maanso uu ka sameeyay dhibta haysata Luuqada Somaliga.
Ugu danbayntii waxa iyaguna halkaasi kalmado kooban ka yidhi Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Yuusuf Shaacir) iyo Muuse cabdi Cilmi oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacada Hargeysa kana mid ahaa Guddidii qortay Afka Somaliga waqtigii uu soo baxay.
Waxa ugu danbayntii halkaasi lagu waydiiyay Su’aalo tiro badan oo arintaasi la xidhiidha iyada oo dhammaantood uu Qoruhu ka jawaabay.
Xafladan ayaa ahayd mid aad u qiimo badan oo dhammaanba ka soo qayb galayaashu ay si wayn ugu bogeen.
Qoraha oo isagu Muddo Soddon Sanno ka badan Dalka ka maqnaa ayaa mudadaaba ku hawlanaa daryeelka Afka Somaliga. Waxaanu qoray Buugaag ay tiradoodu gaadhayso ilaa Sideed Buug oo dhammaantood la xidhiidha Daryeelka Afka Somaliga.
WARKA 2AAD
Aqoonyahanada, Dhalinyarada Iyo Waxgaradka Tog-Wajaale oo Baaq u soo Jeediyey Xukuumadda Somaliland
Wajaale (TVSLE)- Aqoonyahanada, waxgaradka iyo dhalinyarta Degmada Wajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley, ayaa ka dayriyey maamul xumadda ku habsatay degmadooda, iyaga oo xusay in loo soo magacaabay maamul aan aqoon iyo khibrad u lahayn xilka loo dhiibay.
Sidaana waxa lagu sheegay baaq ay dadkaasi xalay ka soo saareen Wajaale oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Jamhuuriya, kaasi oo lagu sheegay in maamulka degmadda Tog-wajaale uu kala qaybqaybin iyo isku dir kula kacay bulshadda walaalaha ah ee reer Wajaale, iyaga oo xukuumadda ka codsaday in looga soo gurmado dhibaatadda maamulkaasi ku hayo dadweynaha.
“Waxay dhalinyarada, waxgaradka iyo aqoonyahannada degmada Tog-wajaale baaq ay soo saareen kaga hadleen ayaan-darrada ka dhalatay maamul xumada ku habsatay degmada Tog-wajaale, iyada oo maamulka degmada loo soo magacaabay aanu wax aqoon iyo khibrad ah u lahayn xilka loo dhiibay, taasina waxay keentay in uu bulshadii uu xukumayey kala qaybiyo, isaga oo adeegsanaya jilibyo hoose, isla markaana uu abuurayo, kana shaqaynayo iska hor imaadyo ka dhaca bulshada dhexdeeda, taasi oo sababtay dhimashadii magaaladda ka dhacay, isaga oo qaybo ka mid ah magaaladdana ku tilmaamay inay tahay furin. Waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu iskaga hor keeni lahaa ciidanka booliska iyo dhalinyarada ku nool magaaladda.
Tusaale ahaan, wuxuu gudoomiyaha degmadu u gudbiyey ciidanka bilaysku dhalinyaro badan oo ka mid ah taageerayaasha xusbiga UDUB ugu cadcad, isaga oo ku tilmaamay waxaanay gayin taasi oo ay markii ciidamada ammaanku daba galeen la waayey oo uu ku fashilmay dhibaatadii uu la doonayey dhalinyarada, iyada oo dhibaatadda uu guddoomiyuhu bulshadda ku hayaana la kawsatay maalintii uu xilka qabtay.
Hadaba waxaan xukuumadda iyo hoggaanka xisbiga UDUB ka codsanaynaa in dhibaatadan haysata bulshada reer Tog-wajaale looga soo gurmado intaanu rabshad kale ka dhex ridin bulshada dhexdeeda.
Waxaan mar labaad ka codsanaynaa badhasaabka gobalka, wasiirka arrimaha gudaha, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB iyo madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, inay uga soo gurmadaan maamul xumada ku habsatay Wajaale iyo dagaalka lagula jiro xisbiga UDUB.”
Magacyada dhalinyaradda baaqa soo saaray;
1- Maxamuud Sheekh Muuse Bookh
2- Yuusuf Aleel Jibriil
3- Xasan Axmed Cali
4- Cabdikariim Cali Caydiid
5- Yaasiin Sheekh Maxamed Xuseen
6- Cabdi Cumar Askar
7- Axmed Maxamuud Aw Daahir
8- Cabdillaahi Maxamed Jaamac iyo
9- Axmed Cabdi Cige.
WARKA 3AAD
Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo Diidaay Inuu u Hoggaansamo Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland + Gudoomiya Golaha Wakiilada Oo Diginiin Culus U Diray
Hargeysa (TVSLE)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi u gudbiyey qoraal culus oo xambaarsab digniin, cannaan iyo awaamiir culus xambaarsan u diray, isla markaana ka dalbay inuu golaha hor yimaado maalinta sabtida ah ee fooda inagu soo haysa.
Tallaabadan ayaa ka dambaysay kadib markii uu Wasiirku iska dhego-maray qoraallo ay dhawr jeer hore u direen guddi-hoosaadka dhaqaalaha wakiillada si ay wax uga weydiiyaan arrimo la xidhiidha cashuuro wasaaraddiisu ka qaado dhoofka xoolaha nool.
Qoraalka Md. Cirro u diray Dr. Idiris oo ku taariikhaysan 1 January 2010, kuna beegan Axaddii toddobaadkan ka hor intii aannu guddoomiyuhu u ambabixin socdaal uu ugu kicitimay dalka Sweden oo uu kaga qaybgelayo shir caalami ah, waxa uu Wasiirka Xannaanada Xoolaha ku adkeeyey inuu Sabtida foodda innagu soo hayso hortago Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada si uu tafaasiil uga bixiyo lacago aan sharci ahayn oo wasaaraddiisu ka qaado xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera, isla markaana masuuliyadooda hore wasaaradda maaliyaddu hore isaga fogaysay.
Qoraal guddida dhaqaaluhu 30 January 2010 ku socodsiiyeen Guddoomiyaha Wakiillada oo aanu helnay nuqul ka mid ah, ayaa lagu sheegay in wasiirka xannaanadda xooluhu diiday inuu u hoggaansamo dastuurka Somaliland, kadib markuu si badheedh ah u diiday inuu horyimaad guddida dhaqaalaha sida uu waajibinayo qodobka 53aad ee dastuurka qaranku.
Qoraalka guddida dhaqaaluhu u gudbiyeen guddoomiyaha Golaha waxa uu u qornaa sidan; “
Guddoomiye, waxaan suurtogalayn hawlgudashada guddida haddii aan hawlwadeennada xukuumaddu ku dhaqmayn Distoorka Qaranka.
Waxa Guddoomiye, qoraallo iyo xidhiidho badan oo aannu la sameynay Wasiirka Xannaanada Xoolaha, taas oo keentay in Wasiirku si cad oo badheedha u diiday inuu guddida horyimaaddo, si guddidu u waydiiso xogta ku saabsan takaaliifta iyo lacagta laga qaado xoolaha dhoofaya, taas oo sababtay cuno-qabatayn iyo takoor ganacsatada dhexdooda ah, iyadoo xaqii ganacsiga xooluhu gacanta u galay cid gaara ah amma kooto (Monopoly).
Haddaba, Guddoomiye arrinka Wasiirka iyo xogta ganacsiguba waxay ku xidhan tahay tallaabada Goluhu ka qaado.”
Hadaba markii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) arkay warqadda guddida dhaqaalaha, waxa uu wasiirka xannaanadda xoolaha u diray qoraal uu ku xasuusinayo in masuulkasta oo marka loo yeedho Golaha horiman waayaa uu ka baydhay haybada iyo hannaanka dawladnimo, isla markaana uu si caddaan ah u baalmaray dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal, isaga oo wasiirka ka dalbaday inuu guddida horyimaado maalinta Sabtida ee taarikhdu tahay 6 February 2010.
Warqadda canaanta iyo digniinaha is-huwan ah ee Guddoomiye Cirro u qoray wasiirka, ayaa sida qoraalka ka muuqata ka dambaysay qoraal guddiga dhaqaalaha ee Wakiilladu guddoomiyahooda kaga codsadeen 30 Janu 2010 inuu Dr. Idiris ku amro inuu horyimaad, kadib markii uu dhegaha ka furaystay inuu u hoggaansamo ilaa shan qoraal oo guddi-hoosaadka dhaqaaluhu kaga codsadeen inuu horyimaad si ay wax uga weydiiyaan lacago aan qaadisteedu ansaxsanayn, isla markaana ku jirin miisaaniyadda dawladda oo Wasaaradda Xannaanada Xooluhu ka qaaddo xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera.
Qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu si kulul ugu canaantay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay, waxa uu ku wargeliyey wasiirka hadduu ka baaqsado inuu guddiga dhaqaalaha hortago Sabtida in Golaha Wakiilladu ka qaadi doono tallaabada ku habboon ee sharciga ah, waxaannu dalbay inuu u hoggaansamo shuruucda dalka u yaal.
Qoraalka Guddoomiyaha Wakiilladu u qoray wasiirka waxa uu u dhignaa sidan; ““Mudane Wasiir, aniga oo tixraacaya warqadda tirsigeedu yahay GW/G/19/18/2010, kuna taariikhaysan 30/01/2010, taas oo guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu iigu soo wargeliyeen in aad ka baaqsatay kulamo shaqo oo guddidu kuugu yeedhay. Qoraalladaas oo dhammaantood ogaysiin ay guddidu hore ii siisay oo aan ka warqabay.
Haddaba, sida ku cad dastuurka qaranka qodobkiisa 53aad, farqadihiisa 6aad iyo 7aad oo qeexaya in golaha iyo guddiyada goluhuba ay awood dastuuriya u leeyihiin inay u yeedhaan masuuliyiinta qaranka si ay wax uga waydiiyaan hawshalaha ay qaranka u hayaan.
Masuul kasta oo golaha hor ima waaya marka uu goluhu amma guddi u yeedho waxa uu si caddaana u baalmaray dastuurka iyo shuruucda qaranka u degsan, waxaannu ka baydhay haybadii iyo hannaankii dawladnimo, taas oo ay ka dhalanayso qawaaniin hor leh.
Sidaa darteed, waxaan kugu wargelinayaa in aad ka soo qaybgashid kulanka shaqo ee guddidu kaa dalbatay maalinta Sabtida 06/02/2010, 9:39am, si ummadda loogu wada adeego qaranka loogu shaqeeyo.”
Dastuurka Somaliland oo dadweynuhu 31 May 2001 ku ansixiyeen 97%, ayaa waajibinaya in Golaha Wakiiladda iyo guddiyada Goluhu u yeedhi karaan wasiiradda ama madaxda dawladda si wax looga weydiiyo gudashadda xilkooda, iyada oo masuulkii arrintaa didaana jabinayo qodob dastuuri ah oo uu ku mutaysan karo maamuus ka xayuubin iyo in maxkamad la soo taago sida ku cad qodobka 96aad ee dastuurka.
Qodobka 53aad ee dastuurka qaranka ee ka hadlaya awoodaha iyo waajibaadka Golaha Wakiilladu, isla markaana awood u siinaya inay u yeedhi karaan masuuliyiinta dawladda, waxa uu u qoran yahay sidan;
“1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.
2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -ka¬sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.
3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo¬saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.
4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.
6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.
7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.”
Masuuliyiinta dawladda iyo xukuumadda talladda haysaa hadii ay u hoggaansami waayaan qodobka 53aad ee dastuurka iyo 7-da farqadood ee uu ka kooban yahay, waxay mutaysan karaan in lagu qaado qodobka 96aad ee dastuurka oo ka hadlaya eedaaynta iyo maamuus-ka-xayuubinta madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo wasiiradda.
“1. Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha lagu soo oogo dembiyada kala ah:¬
b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama
t. Ku xad gudubka Dastuurka.
Waxa ku soo oogi kara madaxweynaha ama/iyo madaxweyne-ku-xigeenka dambiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).
2. Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax¬bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.
3. Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.
4. Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.
5. Waxa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice), Maxkamadaas oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.”
WARKA 4AAD
Xus Ballaadhan Oo Baroor-diiq Ah Oo Loo Sameeyey Xoghayihii Guud ee Hore Ee xisbiga UDUB
Hargeysa (TVSLE)- Xus baroordiiq ah oo loo sameeyey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay geeridii Xoghayihii Guud ee xisbiga UDUB Marxuun Maxamed Ismaaciil Bulaale, ayaa maanta lagu qabtay Hotel Imprial ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo si balaadhan loo soo agaasimay, isla markaana ka soo qaybgalayeen Wasiiro, Xildhibaano, Salaadiin, Abwaano, Masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB iyo marti sharef kale oo aad u tiro badan.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Md Siciid Sulub Maxamed oo ugu horeyn munaasibadan ka hadlay, ayaa tilmaamay in qofka dhinta uu xuskiisu yahay in loo duceeyo “Horta dhintay xuskiisu waxa weeye in loo duceeyo, oo maanta Bullaale waxaa aynu u tari karaynaa Ilaahay naxariistiisii janno ah ka waraabiyo, in Ilaahay dambigiisa dhaafo, in uu cadaabo qabriga ka bad-baadiyo” ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub.
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Marxuun Maxamed Ismaaciil Bulaale, waxaa uu ahaa nin qaran oo muu ahayn nin qoys iyo nin xisbi toona, ilaa inta uu nool ilaa maalinta uu geeriyooday intaaba hawl qaran ayuu ku jiray, markaa nin qaran ayuu ahaa mar ay Somali dhamayd iyo intay kala goosanay-ba”
Wasiir Siciid Sulub, waxaa uu ka dalbaday soo qabanqaabiyaashii xuska inay mar kale ku celiyaan munaasibad tan ka balaadhan oo lagu xusayo sannadguurada kowaad ee Marxuun Bullaale “Waxaan codsan lahaa qolodii xuskan soo abaabushay inay xus labaad sameeyaan, oo raggii marxuunka taariikhdiisa yaqaanay ay ka soo wadda qaybgalaan” ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo isna munaasibadan xuska ah hadalo ka jeediyey, ayaa ugu horeyn Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo Marxuunka, isla markaana waxaa uu halkaas ka jeediyey hadalo dhaliila oo xukumada dusha uga tuuray “Xukumadu inay fulin waydo wixii ay agoontii uu marxuunku ka tagay u balanqaaday. Madexweynaha waxaan ka codsanayaa inay agoonta uu ka soo bixiyo daynta lagu leeyahay oo ay naga hadho Allaabada la garaacayo” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Waxaana uu intaa ku sii daray “Dadku waxaa ay u dhibaatoonayaan oo ay u dhimanayaan inay nolol wanaagsan ku noolaadaan, Xisbiga UDUB-NA............. wuu gabay kaalintii kaga aadanayd iyo wixii u qaban lahaa marxuunka, cid aan wadan waxba ka soo noqon ayaa xilalka la doono loo magacaabayaa”
Waxaa iyaguna munaasibadan ka hadlay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Suldaan Aadan Yuusuf, Xildhibaan Cali Xaaji, Xildhibaan, Cambe Birdhiile, Abwaan Maxamed Jaamac Kayd iyo xubno kale oo dhammaantood ku nuux-nuuxsaday taariikhdii iyo miisaankii siyaasadeed ee uu Xoghayihii Guud ee xisbiga UDUB Marxuun Maxamed Ismaaciil Bulaale ku lahaa dalka, isla markaana waxay hoosta ka xariiqeen in uu marxuunku ahaa halyey qaran oo kaalin weyn kaga geedi u socodka siyaasadeed ee dalka, iyaga oo xusay in sida oo kale uu marxuunku ahaa Abwaan aad loogu yaqaanay curinta gabayada iyo maansooyinka, isla mar ahaantaana uu ka mid ahaa dad ehel diinka ah ee ka soo jeeda dariiqada Beerato ee deegaanka Oodweyne.