Gudomiyaha Barlmanka SL Oo La Kulmey Wasarada Arimaha Dibeda SWEDEN
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo lagu qaabilyey Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden
Stockholm(TVSLE)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Abdirahman M Abdillahi(Cirro) ayaa bisha 3 february lagu qaabiley Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden. Gudoomiye Cirro waxa qaabiley Marika Fahlen oo ah Ergyga khaaska ah ee Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden. Waxa kale oo shirkaas goob joog ahaa. Anna Hamrell oo ah Madaxa waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debedda, Eidarus Sh Adan Wakiilka Somaliland ee Sweden iyo Xildhibaan Ibrahim Mahdi Bubu.
Waxa Ergayga Khaaska ahi ka warantay sida ay Dawladda Sweden u aragto horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Ergaygu waxa ay sheegtay in ay ka qeyb gashey shirkii Madaxweyayaasha Afrika ee dhowaan ka dhacay Addis Abeba, warbixina ayey ka bixisey sida ay Dawladda Sweden u aragto arrimaha siyaasada Geeska Afrika khaastan doorashooyinka ka dhici doona Somaliland, Itoobiya iyo Sudan. Ergaygu kahaaska ahi waxa ay sheegtay in ay Dawlada Sweden si toos ah ula shaqeyndoonta Somaliland arrimaha ku saabsan caawimaada iyo horuumarka Somaliland. Dawladda Sweden iyo adduunweynuhuna waxa ay diyaar u yihiin inay si hoog ah wax ula qabsadaan Somaliland marka ay doorashadu dhacdo ka dib. Gudoomiyaha Golaha Wakiiladuna waxa uu warbixin ku saabsan Somaliland siiyey Wasaaradda Arrimaha Debedda khaastan doorashada soo socota. Gudoomiye Cirro waxa uu u sheegay in ay Axsaabta oo dhami ay hadda heshiis ku yihiin habka doorashadu u dhici doonta iyo in Gudida Doorashaduna si fiican u shaqeynayaan. Wefdi ay hogaamineysay Marka Fahlen, Ergayga Khaaska ahi waxa ay Somaliland tagtey bishii maarso ee 2009. Shirku isafgarad ayuu ku dhamaaday. Gudoomiye Cirro iyo Ergayga Khaaska ahi waxa ay maalinta jimcaha ee bisha 5 february ka qeybgeli doonan siminaar ka dhici doona Barlamaanka Swden oo ku saabsan sidii dimuqraadiyada Somaliland hore loogu marin lahaa. Siminaarkaasna marka uu dhaco kadib ayaa waxa uu ku dhamaaday la idiin soo gudbin doona.