news
all videos
Contact us
tvsle.com
Saturday, 6 February 2010
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Badbaadiyey Markab Xamuul
Markab weyn oo ah nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo MV Layla-S oo saaka waabarigii hore maraayey gacanka cadmeed ayaa waxaa weerar ku soo qaaday afar doonyood oo ay saarnaayeen budhcad badeed soomaaliyeed, waxaana ay isku wareejiyeen markabkaasi oo ay la socdeen 16 shaqaale ajaanib.

Saacad markii markabku u afduubna kooxdaasi balse aanay gudaha u gelin markabka ayaa waxaa goobta soo gaadhay laba doonyood oo ka tirsan ciidamadda Badda Somaliland oo wakhtigaasi maqlay qaylo dhaan uu markabku ku diray hoonka cida ah ee markabka, waxaana doonayahaasi ciidamadda Badda Somaliland ay rasaas oodda kaga qaadeen budhcad badeeda oo ka fakaday goobtaasi, waxaana u suurtagashay ciidamadda Badda Somaliland inay markabkaasi ammaankiisii la wareegaan isla markaana ay sababo ammaan dartood ugu soo xidheen dekedda magaalada Berbera sidaasina waxaa goor dhawayd shaaciyey wakaaladda Wararka ee lagu magacaabo phonophon post.

Markabka ayaa markii lagu soo xidhay dekedda Berbera saaka waxaa gudaha u gallay ciidamadda sirdoonka iyo kuwa ilaalada xeebaha Somaliland oo ku sameeyey baadhitaan, waxaana uu weli ku xidhan yahay markabkaasi Dekedda magaalada Berbera. waa markii labaad ee sidani oo kale ay ciidamadda Badda ee Somaliland u bad baadiyaan waxay ahayd uun dabayaqadii sannadkii hore markii markab laga lahaa dalka Shiinaha oo wadday shiidaal ayay ciidamadda Bedda somaliland bad baadiyeen.


published on Saturday, 6 February 2010
Source: tvsle
Headlines


Sept 2010 Wareysi Salmon Tomay Siyaasda Wabiga NIIL Ee Geska Africa





Muqaal Somaliland National Anthem



Ogs29MuqalTV Wareysi Amir Sidoo kale warar Sland Iyo Barnamuj Ramadan



22 Ogst-2010 Muuqaal Tv Axmed Silaanyo Oo Kawaramaya Tariikhdii SNM





Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira, by Bashir Goth


MAQAAL Gol-dalooloyinka Xukuumadda Cusub ee Somaliland


Birgitte Olsson Oo Caadeysatey Ka Beensheegida Siyaasada Sweden EE SL


Meedey Dumuqraadiyadii Xusbiga Kulmiye, Xilka Gudoomiye Ma Khasbashaa?


Shakiga Ethiopia, Xagu Ka Dashay Iyo Wax Ka Qabashadeeda.


Inauguration Of Somaliland President



Muqal Tv Mudaharaad ka dhacay Boorama Oo Kadhan Ah Xukumda Siilanyo



Muqaal Tv Kulankii Madaxda Africa Oo Lagag Doodayo Al-Shabab



Muuqal Tv Wareysi Madaxweyne Axmed Silaanyo Wakhtigii Ololaha.


MAQAAL-Taariikhda Yaan Laga Been Sheegin by Axmed Cali


Maqaal-"Haani Gun Bay Ka Tolantaa”"Cabdalla Xaaji Cusmaan.


Al-JaziraOo Soo Bandhigtey Jabhada SSC Oo Dagaal Kula Jirta Cidanka SL