Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xaalada Laascaanood Iyo Warar Kale
Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xaalada Laascaanood Iyo Khadkii Is-gaadhsiinta Mobile-ka Oo La Fasaxay
Caynaba (TVSLE)- Waxaa maanta si rasmi ah loo fasaxay khadka is-gaadhsiinta Mobile-ka ah ee Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood, oo baryahan-ba ka xidhnaa.
Khadkan is-gaadhsiinta Mobile-ka, ayaa la xidhay, ka dib qaraxii lagu dhaawacay magaalada Laascaanood Gudoomiyaha Gobolka Md Saalax oo hada lagu daawaynayo Cisbitaalka Hargeysa, waxaana maanta si rasmi ah u shaqeeyey telefonka gacanta ee Mobile-ka.
Sida oo kale wararka aanu ka helnay magaalada Laascaanood, ayaa sheegaya in shalay lagu soo xidhay xabsiga dhexe ee magaalada Caynabo 65 qof oo ka mid ahaa dhalinyaradii shalay mudaharaadka rabshadaha wata ka dhigay magaalada Laascaanood, kuwaas oo la sheegay in hada baadhitaan xoog leh lagu hayo. Cidii dambi lagu helana waxaa la filayaa in maxkabad la horgeyn doono cidii lagu waayana la sii dayn doono.
Maxaabiistan ayaa iyagu iskugu jira dumar iyo dhalinyaro, kuwaas oo ay ciidanka amaanku ka qabqabteen gudaha magaalada.
WARKA 2AAD
Gudoomiyaha Guurtida Oo Ka Dhawaajiyey Inuu Soo Af-jarmayo Khilaafkii Ka Dhexeeyey Shir-gudoonka
Hargeysa (TVSE)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku dhawaaqay inay soo af-jarayaan khilaafkii u dhexeeyey shir-gudoonka Golaha Guurtida Somaliland.
Md Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaa uu sidan ka sheegay fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo ka qabsoomay xaruntooda Hargeysa, waxaa uu Gudoomiyuhu u sheegay mudanayaashii ka soo qaybgalay fadhigan in sida ugu deg deg badan ay u soo af-jarayaan khilaafka ka dhexeeya shir-gudoonka, kaas oo uu tilmaamay in Gole waynuhu ku soo riixay shir-gudoonka.
Gudoomiye Saleebaan waxaa uu dhammaan xildhibaanada Guurtida Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan maanta laga bilaabo danta qaranka ee ay umadu u igmatay.
Hargeysa (TVSE)- Munaasabad Balaadhan oo lagu Xusayay Sanad guuradii 37aad ee ka soo Wareegtay Geeridii Abwaankii Waynaa Alle ha unaxariistee C./laahi Suldaan Timacadde ayaa Xalay Lagu Qabtay Hotel Emperial ee Magaalada hargeisa,
Munaasabadaasi oo ay Soo Qabanqaabisay Shabakada Wararka ee Timacade News Network (TNN) ayaa waxaa ka soo Qayb galay, Seddexda Xisbi Qaran,Wasiirro, Abwaano,Qorayaal, Aqoonyahano, Salaadiin, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.
Ugu horayn Waxa halkaasi Hadal kooban ka jeediyay Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu si Qoto dheer uga hadlay Taariikhda iyo Suugaantii Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde waxaa uu Sheegay In C/laahi Suldaan sanadkii 1973-gii ku Geeriyooda Magaalada Kalabayd oo dhinaca galbeed ka xigtay Magaalada Gabiley “waxaan Xasuustaa C/laahi Suldaan wuxuu yaalay wakhtigaasi Tuulada Galoolay, Xaaskiisa Ardo Qalinle Alle ha unaxariistee ayaa noo timi Dhawr iyo Tobadan cisho ka hor, Markaasay tidhi ‘odaygii Xaalkiisu wuu xunyahay, maalmahaas halkaasaan joogay, C/laahi Suldaan kansar baa kaga dhacay Cunaha oo Dalooliyay” ayuu yidhi Boobe yuusuf Ducaale.
Boobe waxaa uu ku dheeraaday Shaqsiyada C/laahi Suldaan Timacadde iyo Suugaantiisa waxaanu Halkaasi ka tiriyay Maansadii labad ee C/laahi Suldaan Timacadde uu tiriyo.
Nimco Muxumed Ibraahin oo ah Madaxa Barnaamijyada Arimaha Bulshada ee Timacade News Network (TNN) oo Madashaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa faahfaahin ka Bixisay Taariikhda Shabada Wararka ee Timacadde oo soo Qaban qaabisay Xuska Sanad guurada 37aad ee Alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay ka warantay heerarkii kala duwanaa ee Shabakaddu soo martay, Iyada oo Xustay in Dhawaan dib u habayn lagu sameeyay oo Loogu Magacdaray Abwaanka Wayn ee C/laahi Suldaan Timacadde.
Nimco waxay kale oo ay xustay in aanay Noqon doonin markii ugu horaysay ee shabakadu Qabato Xuska Abwaan C/laahi Suldaan balse ay joogtayn doonaan, taasi oo ku tusaysa kaalinta uu ku lahaa Suugaanta Somalida.
Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo isaguna Halkaasi ka hadlay , waxaa uu ka waramay Suugaantii C/laahi Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida..
Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo ka waramay Suugaantii C/laahi Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida{C/laahi Suldaan Timacadde ayaa waxa uu yidhi “ Waa Abwaanka Kaliya Ee Maanta Idfaal Lagu Yahay.,Qofka kalliya ee Soomaali Heshiisku Tahay Waa Abwaan Timacadde,Walaa Siyaasibaan Heshiis Lagu Ahayn, Walaa Halgamaabaana Maanta Heshiis Lagu Ahayn,Walaa Sheekhbaana Heshiis Lagu Ahayn.,Lakiin C/laahi Suldaan Timacadde Qofkasta Oo Soomaaliyeed Ixtiraamgaar ah ayuu u hayaa” ayuu yidhi Axmed Aw geedi
Waxaa isaguna Madashaasi ka hadlay Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)- waxaana uu halkaasi ka jeediyay Maanso la yidhaando Hal-Abuur oo uu kaga hadlayay Qiimaha uu hal abuurku leeyahay.
“Waxaa ina kulmiyay Cabdillahi Suldaan Timacadde, Xaaladan oo kale marka laga hadlayo Qofkii dhintay la xusayo, qofna qoysbaa xusa, Ninna Qaranbaa Xusta, Malaha Caawa Cabdillahi Suldaan Timacadde waa loo dhan yahay” ayuu yidhi, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi)
Maryan Cabdillahi Suldaan Timacadde oo iyaduna Hadal kooban Munaasibaasi ka jeedisay ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay Xuska loo sammeeyay Aabaheed, Maryan waxay ka hadashay Taariikh nololeedkii aabeheed intii ay ka soo gaadhay iyada oo Boobe yuusuf ducaale ku amaanta kaalina uu ka qaatay soo ururinta Taariikhda aabeheed.
Maryan C/laahi Suldaan waxay ku Canaanatay Xukuumada maanta jirta in Looga Baahanyahay Dadka qiimaha Wayn ku dhex lahaa Qaranka iyo Bulshada Reer somaliland oo uu ka mid ahaa Abeheed in Dadkii uu ka tagay wax loo qabto, iyada oo tilmaantay in 41 qof ay ka joogaan tafiir C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay si gaar ah usoo qaadatay Afar wiil oo ay hooyo u tahay oo ku sugnaa Madasha in Dawladu ushaqaalaysiiso.
Guddoomiaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo isaguna Xuskaasi ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Marxuum Timacadde uu ka soo qayb qaatay halgankii Dalka kaalin muhim ahna uu kaga jiray.
Gudoomiyuhu waxaa uu balan qaaday in dadka dalka usoo halgamay iyo inta Qiimaha leh ee ka baxday ay Ubadkooda wax uqaban doonaan hadii ay ku guulaystaan Doorashada soo socota oo ay hooska ka xariiqi doonaan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid ahna ku simaha Xisbiga Aaden Maxamed Mire (Waqaf) iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Fil Fil, waxaanay ka warameen kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu Ummada kaga jiray iyaga oo sheegay in uu ahaa Haylyay Somaliyeed oo qiimo Ummada Qiimo wayn ku dhex lahaa. Waxa ay xuseen in loo baahan yahay in Dadkii uu ka tagay la wanaajiyo oo wax loo qabto.
Waxa madasha Shahaadooyin lagu guddoon siiyay Dadkii ugu wax qabadka badnaa Sannadkii ina dhaafay ee 2009. kuwaasi oo isku jiray Abwaano, Salaadiin, Qorayaal, Ururo Bulsho iyo Shaqsiyaad kale oo Muhim ah.
3. Mulkiilaha Telefishanka Madaxa banana ee Horn Cable Tv
Farxaan Xaaji Cali Axmed
Madaxa Horn Cable TV
Ururada Bulshada ee Shahaadooyinka la guddoon siiyay:
1. Ururka Mutadawaciinta Havayoco
2. Ururka Gargaarka Masaakiinta Xaafada Xawaadle
3. Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo iyo
4. Naadiga Akhristayaasha Hargeysa
WARKA 4AAD
South Africa: Siyaasiyiin, Diblomaasiyiin Iyo Garyaqaano U Dhashay Koofur Afrika Oo Ku Baaqay In Caalamku Aqoonsado Somaliland.
Pretoria (TVSE)- Shan iyo labaatan [25] xubnood oo iskugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin hore xilal kala duwan u soo qabtay, garyaqaano caalami ah, khubaro ku takhasustay qaaradda afrika, iyo ganacsato waaweyn oo u badan kuwa iska leh shariikadaha caymiska iyo maraakiibta ka gooshta gacanka cadmeed oo tiradoodu gaadhaysay 25 ayaa shir balaadhan oo uga socday magaaada Pretoria ee dalka koonfur afrika waxay ka soo saareen baaq ay u jeedinayaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay iyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ay ugu baaqeen in furaha keliya ee xal u noqon kara xaaladda budhcad badeeda xeebaha beriga afrika ay tahay in aqoonsi buuxda la siiyo Somaliland si gacan loogu siiyo in ay xeebaha gacanka cadmeed Somaliland gacanta ugu dhigto isla markaana ay ugu soo celiso ammaan ay si nabad ah maraakiibta xamuulka qaada u mari karaan.
Kulankani oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale gebo-gebadiisii hadal dheer ka jeediyey haweenayda ah wasiirka gaashandhiga ee dalka koonfur afrika Ms Lindiwe Sisulu, waxaanay Marwo Sisulu aad u ammaantay madaxdani, waxay Ms Sisulu sheegtay in dalkeedu uu aad u danaynayo Somaliland oo ku soo biira ayey tidhi beesha caalamka waxaana ay sheegtay in xukuumadda koonfur afrika ay seddex sanno ka hor ka qayb gashay dood ay dalalka afrika ka yeesheen arrinta qaddiyadda Somaliland, waxay uga ballan qaaday ergooyinkaasi in ay farriintaasi gayn doonto shirka golaha wasiiradda ee dalkeeda.
Waxaa isaguna halkaasi hadal dheer ka jeediyey madaxa shariikadda caymiska ICEA ee xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya J. P. M. Ndegwa, wuxuuna aad ugu dheeraday daraasad balaadhan oo ay shariikadiisu ku samaysay ammaanka xeebaha beriga afrika, wuxuu soo jeediyey in haddii la waayey dawladdii Soomaaliya la helo xal kale, wuxuuna sheegay in ay awood saari doonaan sidii ay arrinta aqoonsiga iyo gacan qabashada Somaliland u gayn lahaayeen wuxuu ku tilmaamay albaabada adduunyada laga gallo.
Qoraalka baaqa ah oo lagu daabacay bogga internetka ee wasaaradda gaashandhiga dalka koonfur afrika ayaa wuxuu guul weyn u yahay hanaqaadka aqoonsi raadiska iyo madax banaanida Somaliland oo garawshiyo ka hellay qaybo kala duwan oo bulshada caalamka ah, wallow shirkani aanay xukuumadda Somaliland cidina uga matalaynin marka laga reebo ergayga u fadhiya xukuumada South Afrika Mr. Iqbal Jazby oo isagu shirka ka qayb gallay haddana waxaa laga dheehan karayey dedaalka mucaarid iyo muxaafidba ay u galleen isku keenidda khubaradani.