Shirkada Isgaadhsiinta SOMTEL Oo Dalka Somaliland xafiisyo Ka Furtey.
Shirkada Isgaadhsiinta SOMTEL Oo Maanta Mar Keliya Lixda Gobolka Ee Somaliland Si Rasmi Ah Looga Furay
Hargeysa (TVSlE)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xasan Axmed Ducaale, ayaa maanta si rami ah xadhiga uga jaray Shirkada Isgaadhsiinta SOMTEL oo iyadu noqonaysaa shiradii shanaad ee isgaadhsiineed ee ka jirta Somaliland.
Xafladii furitaanka oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin
Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, Shirgudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland [Guurtida iyo Wakiilada], Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato, Culimo Salaadiin, Aqoon Yahano iyo dadweynaha aad u faro badan oo iskaga kala yimid degmooyinka caasimadu ka kooban tahay, kuwaas oo si niyad sami leh u soo dhaweeyey shirkeda cusub ee Somtel iyo tartanka horeta leh ee u dhexeeya shirkadaha isgaadhsiinta somaliland.
Guddoomiyaha Shirkada Isgaadhsiinta ee SOMTEL Md. Xirsi Cali X Xasan oo munaasibadan ugu horeyn ka hadlay ayaa tilmaamay in guud ahaan dalka oo dhan maanta si rami ah xaga looga jarayo shirkada.
Waxaa kale Md Xirsi uu xusay in shirkada Somtel la aasaasay sannadkii 1998-kii iyada oo wakhtigaas laga hirgaliyey magaalooyinka ay ka mid yihiin, Burco, Berbera, Laascaanood iyo Buuhoodle.
Sida oo kale waxaa uu tilmaamay Gudoomiyuhu adeegyo cusub oo casriya oo ay shirkadu macaamiisheeda allaabada ugu furayo waxaanu yidhi “Waxaanu ku soo kordhinay Shirkada Adeegga cusub ee loo yaqaano GSM-ka iyo adeegyo kale duwan oo casri ah oo uu ku jiro Internet-kii oo aad qiime jaban oo macquul ah aad ku helaysid, sababta keentay in SOMTEL ay dib u habayntan samaysay isla markaana bulshadu ay u baahan tahay tartan ganacsi oo xalaal ah oo ku salaysan Ganacsiga Xorta ah, sidaasi ayaanu u damacnay inaanu soo kordhino adeegyadan. Anagoo ka duulayna in loo baahan yahay qalab tayo leh oo aan ahayn qiimahiisa ayaa jabane’e soo iibso,”
“Qalabka malaha cida ugu horreysaa waa dunida reer galbeedka qalabkayagan waxaanu ka soo iibsanay shirkad Faransiis ah oo ku jirta kuwa ugu horreeya. Waxaanu adeegan dadweynaha ku siinaynaa qiime macquul ah oo duruuftooda la jaan qaadaysa. Telefoonkayagu maanta laga bilaabo waxa laga heli karaa Laascaanood Illaa Lawyacaddo.” Guddoomiyaha Shirkada SOMTEL Md Xirsi
Waxaanu intaas raaciyey “Waxaanu bulshada Somaliland ugu bushaaraynaynaa inaanu bilownay adeeg cusub oo kala ah Mobilo laba kaadh leh oo kaadh aad u isticmaali karto SOMTEL midka kalena shirkada aad adigu jeceshahay.waxaanu keenay Mobilo cadceeda ku shaqeeya.Internet deg deg ah oo aan filayo in baahidiisii laga haqab beeli doono oo isugu jira GPRS-ka, Wireless, kaadhka yar laga geliyo Kombuyuutarka iyo kuwa kaleba waxaana qofka isagoo dariiqa maraya inuu adeega Internet-ka uu galo.Ma jiri doono waayiro Telefoon oo aanu dhulka u qodayno iyo kuwo aanu dusha marinaynaa.waxaanu isticmaalaynaa adeeg kale oo ka casrisan oo ah nadaxyo guryaha la dhiganayo . ”
“Waxaanu soo kordhinay adeeg telefoon oo isku xidhaya Saldhiyada Booliska ee gobolada dalka. Waxaanu bulshada u soo kordhinay oo aanu daymo gaar ah u leenahay dadka dhaqaalahoodu hooseeyo sida ciidamada qaranka waxaana aanu ka qaadi doonaa qiime gaar ah. Waxa intaasi dheer waxa jirta in had iyo jeer lacag uun lagu bilaabee mudada tijaabada ee tijaabadu socoto oo aanu hubinayno in qof waliba ku qancay nidaadka Isgaadhsiintayadda waa lacag la’aan. Waxaanse Ganacsatada dhigayaga ah ugu bushaaraynaynaa inaanaan suuqa soo gelinin dagaal qiimaha ah (Price war) haddii nala kalifo waa meesheeda,” Guddoomiyaha Shirkada SOMTEL oo faah faahin ka bixinayay adeegayada ay u soo kordhiyeen bulshada reer somaliland
Md. Xirsi Cali oo ka hadlay telefono bilaasha oo ay ugu talogaleen musharaxiinta madexweynenimo waxaa uu yidhi “waxaan ugu bushaaraynayaa, isla markaana ogeysiinayaa dadweynaha reer Somaliland in shirkada Somtel ay ugu talogashay sadexda murashax ee jagada Madaxweynenimo ee Somaliland Telefoonada dadka soo garaacayaa waa bilaash,”
Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Shirkada Dahabshiil Md, Maxamed Siciid Ducaale oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen shirkadaha DAHABSHIIL iyo SOMTEL, waxaanu tilmaamay inuu dalka horumarkiisa ka sii shaqayn doono. Md, Maxamed Siciid wuxuu xusay inaanu ku faanayn dugsiyada, Biriijyada iyo Cisbitaalada uu dadkiisa u hirgaliyay.
Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Xasan Ganay) oo isna munaasibadan ka hadlay ayaa u mahadceliyey shirkada Somtel iyo milkiilaha shirkada ahna Guddoomiyaha Shirkada Dahabshiil Md, Maxamed Siciid Ducaale waxaanu yidhi abwaan Ganay “Waxaan leeyahay ummadda Somaliland waar danta gaarka ah waynu naqaanaa ee ma naqaano danta guud, waxaan leeyahay dadweynaha waar imika ayaa doorasho la galayaaye’e xusuus qor yeesha oo waraaqihiina u hubsada. Waxaan odhan lahaa Gobanimadu wax gunti la geliyo ka weyn,”
Ugu dambayntii waxaa isna halkaas ka hadlay sheekh Somaliland Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta shirkada Isgaadhsiinta ee SOMTEL ee ku soo biirtay adeegii Isgaadhsiinta waxaanu illaahay uga barayay inay noqoto mid tisqaada oo ay ka wada faa’iidaystaan bulshada Somaliland oo dhammi.
“Waxaan soo dhawaynayaa shirkadan cusub ee SOMTEL ee ku soo biirtay shirkadihii Isgaadhsiinta waa wax ilaahay loogu mahad naqo waxaan garanayaa xili Telefoonada loo tagi jiray Diridhaba iyo Jabuuti, waxaase waxay inoogu hirgaleen nabadgelyada ka jirta dalka,” ayuu yidhi Sh. Dirir
Sh Diriir waxaa uu masuuliyiinta Shirkada Somtel ka codsaday inay sadex sheekh-na bilaash uga dhigaan telefoonada ay ku hadlayaan, maadaama oo ay musharaxiinta madweynayaasha bilaash uga dhigeen waxaanu yidhi “Waxaan odhan lahaa waa mahadsan tihiine’e haddii aad tidhaahdeen sadexda Murashax Telefoonka lagala soo hadlayo waxaanu ka dhignay bilaash, waxaan odhan lahaa Anigoo aan ku hinaasayn dee sadex wadaadna iyaba dhinacii diinta ayaa lagala soo hadlayaaye’e bilaash ka dhiga.”
Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland ay faa’iido aad u weyni ugu jirto dhinaca tartanka ganacsiga waxase uu shirkadaha Isgaadhsiinta uga digay inaanu tartankoodu noqon mid hadha oo is dumiya. Waxaanu shirkadan cusub ku ammaanay in Mulkiilaha Dahabshiil ee shirkadan soo kordhiyay uu ummadda ka kasbaday kalsooni iyo ammaano xafid mudadii ay shirkada Dahabshiil Soomaalida u shaqaynaysay.