Wasiiro Xukuumada Somaliland Ka Tirsan Oo Hay’ado Caalami Ah Shir Muhiim Ah La Yeeshay
Hargeysa (TVSE)- Wasiirka Wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland oo ay weheliyeen afar wasiir oo ka tirsan xukuumada Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta xarunta ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah ee Magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan Somaliland.
Wasiiraddan kulanka la yeeshay Hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan Somaliland, ayaa waxa ay Hay’adaha shirka ka qayb galay u soo bandhigeen sidii ay caawimo deg deg ah ula gaadhi laahayeen dadka ku waxyeeloobay roobabkii dhawaan ka da’ay deegaanada Gabiley, Alleybaday, Wajaale iyo magaalo cad, kuwaas oo dhammaantood ay wasiiradu ku soo mareen kormeer si ay u soo qiimeeyaan dhibaatada gaadhay xadigeeda.
Wasiiradan oo kala ahaa Wasiirka Qorshaynta Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare), Wasiirka Dib u dejinta Md. Maxamed Yuusuf Cismaan, Arrimaha Gudaha, Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Ganacsiga Md. Abiib Xasan Filfil iyo Guddoomiyaha Hay'ada aafooyinka dabiiciga ah Md. Maxamed Muuse Cawaale, waxayna dhamnaatood hay’adaha kala hadleen oo ay ku booriyeen sidii dadka daadadka ku waxyeeloobay gurmad hordhac loo gaadhsiin.
Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed, oo warbaahinta la hadlay kulanka ka dib ayaa sheegay in xukuumaddu si deg deg ah gurmad raashin ah u gaadhsiin doonto deegaanadii ay tobaadkii hore kormeerka ku soo mareen ee kala ahaa degmada Wajaale, Allaybaday iyo Magaalo Cad.
Wasiirku wuxuu tilmaamay inay Hay'adaha ugu yeedheen si ay ugu gubiyaan macluumaadka khasaaraha ka dhashay roobkii khasaarahaasi oo uu carabka ku dhuftay inuu isugu jiro baro kac, Guryo badan oo dumay iyo Xoolo badan oo ku le’day.
"Waxaanu Hay'adaha ka dalbanay inay si deg deg ah u baxaan oo ay indhahoodana ku soo arkaan baaxada khasaaraha ka dhashay roobabka, ka dibna ay si deg deg ah dadka roobabkaasi ku baro kacay u gaadhsiiyaan raashin, waxaanay bari Hay'aduhu u kala baxayaan Gobolada Saaxil, Awdal, Gabilay iyo Maroodi Jeex,"ayuu yidhi Md. Cali Sanyare.
Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dib u dejinta oo iyaguna ka hadlay khasaaraha khasaaraha roobabku geysteen ayaa tilmaamay in hawsha gurmadka dadka ay wada fulin doonaan Hay'ada Aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD iyo Badhasaabada gobolada.
warka 2aad
Boorama: Ciidanka Amaanka Ee Borama Oo Gacanta ku Dhigay Nin xalay Khaarajiyey xaaskiisa Oo Uur Lahayd.
Borama (TVSE)- Ciidamada booliska ee ka hawl-galla caasimada gobolka Awdal, ayaa gacanta ku soo dhigay nin gacan ku dhiigle ah oo xalay saqdii dhexe haweenay uu qabay ku dilay Magaalada Boorama. Ninka gacan ku dhiiglaha ah oo aan ilaa hadda magaciisa si rasmi ah boolisku u shaacin ayaa la sheegay inuu xaaskiisa oo uur lahayd dilay ka dib markii uu muran dhex maray isaga iyo gabadhiisa.
Gacan ku dhiiglaha oo markii uu falka gaystay u baxsaday dhinaca xadka ay wadaagaan somaaliland iyo Itoobiya ayay ciidamada amaanka ee gobolka Awdal isla-markiiba gacanta ku soo dhigeen, waxaanu hadda ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, iyadda oo hadda lagu guddo jiro baadhsita sababta keentay ninkani uu dilo afadiisa.
Qaybta ciidanka booliska ee Gobolka Awdal ayaan iyagu ilaa hadda si rasmi ah uga hadal dilkan iyo waxa keentay toona. Qaar ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Boorama ayaa sheegay in ninkani aanu maskax ahaan caafimaad qabin, iyaga oo ku sababeeyay isla-markaana sheegay inuu ninkani shalay qaybiyey dhammaan hantidii maguraanka ahayd ee uu ku lahaa Magaalada Borama, isaga oo tilmaamaya inuu sadaqo ula baxayo.
Dilalka noocaan ah ayaa inta badan ku soo badanaya magaalooyinka waawayn ee Somaliland, iyadda oo la xasuusan yahay labadii dil ee ugu dambeeyay ee ka dhacay Hargeysa, kuwaas oo ilaa hada ciidamada dambi baadhistu ku hawlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen sababta dhalisa is-maandhaafka lamaanayaasha is qaba ee keena dilalka noocaan ah.
Warka 3aad
Guddoomiyaha Guddi Joogtada Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Si Adag Hadlay Hadalkii Cambaaraynta Ahaa Ee Loo Soo Jeedhay Ku-xigeenka Baa Baarlamaanka Kenya
Hargeysa (TVSE)- Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Joogtada ee Golaha Gurtida Somaliland Muxumed Aw Axmed iyo Ku-xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug, ayaa si adag u naqdiyey hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Mr Wattangula ee uu ku dhaliilay safarkii uu sannadkii hore uu yimid Somaliland Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalkaas.
Waxaa ay ka dalbadeen baarlammaanka dalka Kenya inay u yeedhaan oo wax ka weydiiyaan Wasiirka Arimaha Debeda Kenya, hadalkaas uu eedaynta ugu soo jeediyey Md Faarax Macallin.
Gudida joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland waxaa si dhab ah uga codsadeen Baarlammaaka Kenya inay baadhaan ku sameeyaan sababta keentay in Wasiirku uu cambaarayn iyo eedayn aanu gayin uu dusha uga tuuray Md Macalin, waxaanay tilmaameen inay hadal ka soo horjeedaan guud ahaan shacab, xukumad, Goleyaal iyo asxaabta-ba. Ugu dambayntii waxay sheegeen in uu hadalkaas ka soo yeedhay Wasiirka uu ka soo horjeedo madaxbannaanida Somaliland, islamarkaana meel-ka-dhac ku yahay shacabka xoriyadooda u soo dagaalamay ee dhiiga badan u soo horay sidii ay madaxbanaanidooda u heli lahaayeen. Isla markaana ay xuseen in sida ugu dhakhsaha badan ay jawaab adag uga soo saari doonaan hadalkaas.
labada xildhibaan waxay sheegeen in goluhu hiil iyo hooba la garab-taaganyihiin Faarax Macallin iyo cidkasta oo danaynaysa amma ka hadasha horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland.