news
all videos
Contact us
tvsle.com
Tuesday, 9 March 2010
Maalinta haweenka Adduunka Oo si Wayn looga xusay Dalka Somaliland
Maalinta haweenka Adduunka Oo si Wayn looga xusay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland.

Hargeysa (TVSlE) - Xuska Maalinta haweenka aduunka oo sannad walba 8-da bisha March laga xuso daafaha dunida ayaa maanta si wayn looga xusay Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaan gobollada dalka.

Xuskan oo ay sanad walba soo qabanqaabiso wasaarada horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada oo kaashanaysa qaar ka mid ah hay’adaha qaramada miidoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin, ayaa sanadkan waxa muuqanayay sida laxaadka leh ee ay haweenku u fahmeen inay maalintani tahay maalin iyaga loo qoondeeyay inay soo bandhigaan waxyaabaha u qabsoomay sanadkii la soo dhaafay.

Munaasibada lagu xusayay maalintan oo lagu qabtay Beerta xoriyada ee Hargeysa, ayaa waxa ugu horeyn hadal ka soo jeediyey agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada Md Cabdiraxmaan Maxamed Maal, waxaanu ugu horeyn hambalyo u diray dhammaan haween waynaha Somaliland, isaga oo sheegay in wasaaradoodu u taagantahay sidii ay haweenka dalka u horumarin lahaayeen “Maanta waa maalin haweenka adduunka oo dhami dabaal-dagayaan, maalintan waxa la cayimay 1977-kii, waxaana loo gartay inay noqoto maalin la xuso sidii xuquuqda dumarka loo dhowri lahaa, waxaana laga xusaa adduunka oo dhan” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada qoyka, waxaanu intaa ku daray “Wasaarada xilkeedu waa inay daryeesho haweenka Somaliland.”

Md Maal, waxa uu tilmaamay in Wasaarada qoysku qaaday talaabooyin ay ku horumarinayso haweenka Somaliland “ Wasaaradu waxay qaaday talaabooyin horumarineed oo wax loogu qabanayo dumarka.” Ayuu hadalkisii ku soo xidhay agaasimuhu.

Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Md Cabdiraxmaan Xueen Cadami oo isna halkaas ka hadlay, ayaa hambalyada uu haweenka u diray ka dib xukumada iyo xisbiyada qaranka ku canaantay in aanay fulin balanqaadyo ay haweenka hore ugu qabteen. “Madexda dalku xukumada iyo xisbiya-ba waxaay ku balan qaadeen in ay dumarka wax la qabtaan, laakiin balanqaadkaasi muu fulin, taasina waxay cadaynaysaa in aanay diyaar u ahayn in gacanta laaban kala furaan” ayuu yidhi

Md Cadami waxaa uu sheegay in wadamo ka mid ah qaaradda Afrika oo dhawaan safar ku tageen ay ku soo arkeen haween 40% iyo 30% iyagu tallada dalkooda haya, sidaas daraateed haweenka Somaliland looga baahan yahay in ay isku ciil kaabiyaan oo ay ku dadaalaan sidii ay heerkaas oo kale u gaadhi lahaayeen

Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Md Jaamac Yaasiin Faarax oo isna halkaas kalamado kooban ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin xuska maalinta haweenka aduunka taas oo uu sheegay in ay tahay maalinta kaliya ee haween weynaha aduunka loo asteeyey.

Md Jaamac waxaa uu balanqaaday in xisbi ahaan in ay mihiimada kowaad siinayaan haweenka maadaama 52% ay ka yihiin umada reer Somaliland waxaanu si gaar ah u xusay in xisbigoodu 20% talada dalka ka siin doonaan haweenka.

Munaasibadan oo ay ka hadleen shakhsiyaad muhiim ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Dhalinyaradda Ciyaaraha Somaliland Md Maxamuud Siciid Muxumed, ayaa waxaa soo gabogabaysay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Qoyska iyo Arimaha Bulshadda, ayaa ugu horeyn hambalyo u dirtay haween waynaha Somaliland. Iyada oo tilmaamtay sida mar kasta wasaarada Qoysku diyaarka ugu tahay daryeelka hooyada iyo dhalaanka.

Xuskan maalintan oo ay qaybqaadanayeen kooxa muusigada ee ciidanka booliska ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo la xidhiidha maalintan iyo heeso muujinaya muhiimada hooyadu leedahay.

Warka 2aad

Hargaysa: Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka A Ee UCID Oo Qayb Ka Mid Xaafada Hargaysa Safar Kor-meer Ah Ku Tegay

Hargeysa (TVSlE)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa galabta komeer ku soo maray xafiiska uu xisbigu ku leeyahay xaafada Qoob-dameeraad oo ka tirsan degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa.

Kormeerkan Gudoomiyaha oo u jeedadiisu sidii uu xisbigiisa iyo dadweynaha ku dhaqan xaafadaasi iskaga xog-waraysan lahaayeen baahiyaha gaarka ah ee ay u baahan yihiin dadweynahaasi.

Waxaanu halkaas kula kulmay taageerayaasha xisbiga iyo guud ahaan dadweynaha ku nool xaafada Qoob-dameeraad, waxaanay Gudoomiyaha u soo bandhigeen waxyaabaha ugu mihiimsan ee ay u baahan yihiin in wax la gala qabto, iyagu oo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ka codsaday hadii uu tallada dalka ku guuleysto in uu wax ka qabto waxyaabaha ay u baahan yihiin, kuwaas oo ay tilmaameen in ay ka mid yihiin sida caafimaadka waxbarashada iyo wadooyinka oo aanay hada haysan.

Dadweynahan ayaa ku xukumada Somaliland ku dhaliilay in ay mudooyin badan u bandhigeen waxyaabaha ay u baahan yihiin. Laakiin aanay xukumada waxba ka qaban cabashadoodii.

Ugu dambayntii waxaa uu Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka UCID Eng Faysal Cali Waraabe, u sheegay dadweynahaas in xisbi ahaan ay aad uga xun yihiin dayac iyo wax qabad la’aanta haysta dadweynaha ku nool xaafada Qoob-dameeraad, isla markaana uu wax ka qaban doono baahiyahooda hadiii uu talada dalka ku guuleysto. “Walaalayaal aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo eego xaafadan la yidhaahdo Qoob-dameeraad, waxaan arkay xabaalo dushiina ah, biyo la’aan idin haysata, caafimaad la’aan iyo wado la’aan dhibaatada idin haysta waa waxa aanu doonayno in aanu bedelno oo aanu wax ka qabano, hadii Alle nagu guuleeyo talada dalka, dhibaatadana waa mid aanu idin la wadaagi doono mar kasta hadii Alle yidhaahdo, waana mid aan aad uga xumahay” Sidaas waxaa yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Waxaa kormeerkan ku wehelinayey Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Mr , Xubno ka mid ah garabka haweenka iyo Xoghayaha warfaafinta xisbiga Mr Cabdinaasir Cismaan Yuusuf [Qodax].


warka 3aad

Wefti Culus Oo Reer Somaliland Ah Oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Jabuuti

Hargeysa (TVSlE)- Wefti ka kooban Salaadiin, Abwaanno, Xildhibaanno iyo xubno kale oo Somaliland ka socda, ayaa shalay u amba-baxay dalka Jabuuti oo ay sheegeen inay marti-qaad ka heleen.

Xubnahan oo ay ka mid yihiin, Abwaannada, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Xasan X. Cabdilaahi (Ganey), Axmed Saleebaan Bidde iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Salaadiinta Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir, Sul. Xasan Sul. Cabdiraxmaan, Sul. Axmed Daahir iyo xubno ka socda Golaha Guurtida oo uu ay ka mid yihiin; Guddoomiyaha guddida joogtada ah Xil. Muxumed Aw-Axmed iyo X. Cabdikariim Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-waraabe) iyo xubno kale, ayaa shalay u amba-baxay Jabuuti.

Xubnahan oo qaar ka mid ah Warbaahinta oo kula kulmeen Madaarka Hargeysa oo ay shalay ka amba-baxeen, waxay sheegeen in ay marti-qaad ka heleen Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Jabuuti, isla markaana ay ka qayb-gali doonaan Casuumad ay Jaaliyadda Somaliland ee Jabuuti u fidiyeen Ugaaska Beesha Ciisaha dhawaan loogu caleemo-saaray magaalada Saylac ee Somaliland.

Waa markii u horraysay ee Wefti culus oo ka kooban hormoodka Shacabka Somaliland ay si wada-jir ah safar ugu tagaan dalka Jabuuti.
published on Tuesday, 9 March 2010
Source: tvsle
Headlines


Sept 2010 Wareysi Salmon Tomay Siyaasda Wabiga NIIL Ee Geska Africa





Muqaal Somaliland National Anthem



Ogs29MuqalTV Wareysi Amir Sidoo kale warar Sland Iyo Barnamuj Ramadan



22 Ogst-2010 Muuqaal Tv Axmed Silaanyo Oo Kawaramaya Tariikhdii SNM