news
all videos
Contact us
tvsle.com
Tuesday, 9 March 2010
Roobab Dhibaato Soo Gaadhsiiyey Dawga Sheekh Iyo Warar Kale.
Roobab Dhibaato Soo Gaadhsiiyey Dawga Sheekh Ee U Dhexeeya Berbera Iyo Degmada Sheekh

Hargeysa (TVSE)- Roobab xoogan oo maal mihii ina dhaafay ka da’ay buuralayda u dhexaysa magaalada Berbera iyo Sheekh, ayaa sababay in daadadkii faraha badnaa ee ka dhashay inay Dawga buurta dagmada sheekh ay ku xidheen dhagaxaan iyo ciid, kuwaas oo daadadku ka soo rideen buurta guudkeeda.

Dhacdadaas ayaa caqabad ku noqotay maal mahan ugu dambeeyey gaadidkii faraha badnaa ee isaga kala gooshayay Gabolabada Galbeedka iyo kuwa bariga ee Somaliland, halkaas laga dareemayo dhibaartada xoogan ee soo food-saartay noocyada Baabuurta, iyada oo dhagaxaantaas waawayn ee ka soo dhacayay buurta sheekh guudkeeda iyo ciiddas tirada badan oo ay daadadku keeneen ay gabi ahaanba xanibeen isla markaana gooyeen wadada dawga sheekh ee ay isticmaalaan gaadiidku, inkastoo ay tibaaxuhu sheegeen in dariiqaasi dhagaxaanta badankoodii laga guray hadana aanu wali dariiqa aan laga nadiifin dhagaxaanta iyo ciida ay keeneen daadadka ka dhashay roobabkii da’ayey

Waxa ay wararku intaas ku darayaan inay socdaan dadaalo xoogan oo lagu doonayo sidii dhag-xaantaas waddada looga safayn lahaa, isla markaana loo fududayn lahaa isu-socodka Bagiidka ee u kala socdaala Gobolabada Somaliland.

Waxaana halkaas xalay fiidnimadkii gaadhay Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Siciid Sulub Maxamed oo ay wehelinayeen koox injineero ah iyo cagafyo gurmad ah, ayaa la sheegay inay xalay fiidkii u kuuro galeen gobolka Saaxil iyo deegaanka dagmada sheekh, oo guud ahaanba dariiqaasi buurta sheekh googooyeen dhagaxaan iyo ciid buurta ka soo shalwaday oo ay buurta ka soo rideen daadadkii ka soo rogmaday roobabka guga ee dalka ka curtay, oo todobaadkan u danbeeyey ka da’ayey guud ahaanba Saaxil iyo gobolada dalkaba.

Warka 2aad

Xukuumadda Jamhuuriyada S-land Oo Saddex Qodob Oo Shuruudo Ah Ku Xidhay Dawlada Maraykanka

Addis Ababa (TVSE)- Dawladda Maraykanka, ayaa la sheegay inay xukuumadda Somaliland ka codsatay sidii ay gacan uga siin lahayd xallinta colaadaha ka holcaya mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan wadanka Somaliya oo laga cabsi qabo in khatarta ka jirtaa saamayn xun ku yeelatao beesha caalamka.

Ma jiro war rasmi ah ka soo baxay dhinaca xukuumadda oo shaaciyey codsiga Maraykanku ku dalbanayo kaalmadda Somaliland, hasayeeshee wefti u hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa Sabtidii Toddobaadkan hudheelka Sharaton ee magaaladda Addis Ababa kula kulmay wefti ka socday dalka Maraykanka oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Kaaliyaha xogyahaya arrimaha dibedda Maraykanka, isla markaana qaabilsan arrimaha Geeska iyo badhtamaha Afrika Mr. Karl E. Wycoff.


Shirkan oo socday muddo saacad iyo badh ah, ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay inuu ahaa mid loogu googol xaadhayo wefti ka socda dawladda Somaliland oo la filayo inay dhawaan u baqoolaan waddanka USA, kaasi oo ka kooban xukuumadda Somaliland iyo golayaasha Baaralamaanka oo marti-qaad buuxda ka helay dawladda dalka Maraykanka.


Waxana lagaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Maraykanku doonayo caawimo uu ka helo Somaliland iyo gacan-ka-siinta xallinta khilaafaadka ka aloosan Geeska Afrika, siiba arrimaha Somaliya oo wakhtigan la doonayo in wax laga qabto kooxaha argagixasadda ah eek u dhuumaalaysanaya gudaha Somaliland, kuwaasi oo laga cabsi qabo in dhibaatadoodu ku faafto dalalka dunida.


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo weftigiisa, ayaa shuruudo adag ku xidhay meelmarinta hindisaha Maraykanka, iyaga oo ku adkaystay in marka hore Somaliland arrimaheeda iyo danaheeda “Mutual Interests” loo fuliyo hadday doonayaan in ay Somaliland wax la qabato Maraykanka, iyada oo shuruudaha ay Maraykanka ku xidheen ay ka mid ahaayeen saddex qodob oo kala ah;


1- In aqoonsi buuxa la siiyo Somaliland

2- In gacanta looga soo galiyo xukuumadda Somaliland Jeneral Maxamed Cali Samatar iyo gacan-ku-dhiiglayaasha kale ee jooga dalka Maraykanka

3- In deeq iyo gargaar buuxa lagu taakuleeyo Somaliland sida dib-u-dhiska iyo ballaadhinta qaybaha hay’adaha kala duwan ee dawladda.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha weftiga Maraynkanka Karl E. Wycoff oo u xaqiijiyay wasiirka in Maraykanku aad ula dhacsan yahay hoggaanka maamul ee Somaliland iyo xidhiidhka wax-wadaqabsi ee ka dhexeeya shacabkooda, isagoo caddeeyay in xidhiidhka labada dal yahay mid aad iyo aad isu soo tarayay muddo dheer lana gaadhay wakhtigii xididada loo sii adkayn lahaa iskaashiga labada waddan oo ku dhisan (Mutual Interests).

Waxa kaloo uu intaa ku daray in kulamada soo socda ay noqondoonan kuwo midho-dhal ah. Sidoo Kale Mr.Karl waxa uu sheegay in joogtaynta kulamada labada dal noqon doonan kuwo sii socda.

Kulankaas waxa wasiirka Arrimaha Dibedda ku wehelinayay kulanka uu la yeeshay Karl E. Wycoff, Mudane Ayaanle Salaad Diiriye, Safiir-ku-xigeenka Safaarradda Somaliland ee Addis Ababa, Ambassador, John Yates, Safiirka dalka Maraynkanka u fadhiya Ethiopia iyo Mr. T. Kirk McBride oo Safaaradda USA u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha.


published on Tuesday, 9 March 2010
Headlines


Sept 2010 Wareysi Salmon Tomay Siyaasda Wabiga NIIL Ee Geska Africa





Muqaal Somaliland National Anthem



Ogs29MuqalTV Wareysi Amir Sidoo kale warar Sland Iyo Barnamuj Ramadan



22 Ogst-2010 Muuqaal Tv Axmed Silaanyo Oo Kawaramaya Tariikhdii SNM