Afar ruux oo loo raadinayo dilka Kim ‘sirdoon bay ahaayeen’

Hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa rumaysan in ay basaasiin yihiin afar ruux oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin dilkii Kim Jong-nam.

Hogaamiyha Kuuriyada Waqooyi walaalkii oo ka wayn ayaa lagu sumeeyay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur, sida ay sheegeen booliiska Malayshiya.

Todobada ruux ee ay Malayshiya sheegtay in ay ka shakisan tahay afar ka mid ah waxay ka shaqeeyaan wasaaraada aminiga ee Kuuriyada Waqooyi, sida ay saraakiil ka tirsan sirdoonka Kuuriyada Koonfureed u sheegeen xildhibaanada.

Ma cadda cidda loola jeedo dadka ay Malayshiyo raadinayso ee la sheegay.

Kim ayaa dhintay labo todobaad ka hor ka dib markii ay labo dumar ah ku sumeeyeen garoonka diyaaradaha.

Waxay sheegeen in ay u qaateen in ay ka qaybqaadanayeen barnaamij shactiro ah oo telefishin.

Labo nin oo ay Malayshiya raadinayso ayay ku kala magacawdayn Hong Song Hac, oo 34 jir ah, (kor) iyo Ri Ji Hyon, oo 33 jir ahLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionLabo nin oo ay Malayshiya raadinayso ayay ku kala magacawdayn Hong Song Hac, oo 34 jir ah, (kor) iyo Ri Ji Hyon, oo 33 jir ah

Kim ayaa lagu sumeeyay xaddi sare oo kiimiko neerfaha waxyeesha, xannuun ayuuna u geeriyooday 15 ila 20 daqiiqo gudahood, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Malayshiya Axaddii.

Booliiska dalka Malayshiya ayaa xiray nin ay magaciisa ku sheegeen Ri Jong Chol maalmo ka dib markii uu dilku dhacay.

Lix nin oo kale oo Kuuriyada Koonfureed u dhashay ayay Malayshiya sheegtay in ay baaadigoobayaan iyaga oo uga shakisan dilkaas.

Sources;Bbcsomali

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.