Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Ee Dalka UK oo Si Adag Uga Hadlay Qodobadi Ka Soo Baxay Shirki Golaha Wasiirada Geesta Kalena Talooyin uu Soo Jeediyay

Waxa uu lahaa Warwar badan War saxafadeedkii Madaxtooyada ee Golaha wasiiradu so saareen ee ku wajahna sida loo wajahayo arrimaha Somaliland iyo Somalia. Madaxtooyadu iyo Madaxwaynuba waxay ku baahanyihiin xeel-dheerayaal iyo qorsheeyal siyaasadeed oo curin kara siyaasad mangal ah, qorsheeyashan oo hiigsi leh
.
War saxaafadeed mudhuxsan oo aan hal abuur cusub wadan wadan, wadaadi hore ee Somaliland iyo Somaliyana bal marsan oo nuxur ahaan iyo xajmi ahaa dhaciif ah in uu ka so baxo may haboonay.
Muddane maxaad hore u diiday maxaadse aad aqbashay oo cusub?
Intan qodob ee aad manta so saarteen dhamantood wax ay Somaliland ka dhigi karaan garwaa. Ma wada hadal cusub oo iminka bud dhig ahbaa, maxaa Dastuurka Somaliland iyo goaamadii hore ee ay besha caalamku inugu dhex dhexaadisay oo dhamantood sharci ahaan Somaliland dani ugu jirtay loo baal maray, ileen midna maydan cuskan oo doodina sharci kumaydan fadhisine.
Muddane Madaxwayne inta garbahaaga jooga ee codkoodu marwalba dhagahaaga ku so dhacayan ha ahaadeen xeeldheerayal, wax badan kugu so kordhin karaya, fikir ahaana u madaxbaanan oo wax aad adigu ( Madaxwayne) aad jeceshay aan ku goaan qadan, goaamada aad so saaraysan waa in ay waafaqsanada luuqad siyaasedeedka caalimiga ah, oo hanan karta aduunka aad la hadlaysid, sharci ahaan iyo nuxur ahaanba. lehna yool iyo abaarba sugan.
Goamada aad qaadanayo yaanay ku dhisnaani caadifad iyo waxa markaa jooga ee dadka caadiga ahi arki karayaan. ka saadaali siyaasada iyo godka aad dagayso mustaqbalkiisa irbad daloolkeed.
Afhayeenka Xisbiga KULMIYE UK
Mohamad Abdi Adam.












