Akhriso “Ninkii Muslimiinta Ku Laayay New Zealand Oo Dood Cusub Abuuray.

New Zealand)Ninka lagu eedeeyay inuu fuliyay weerarkii toogashada ahaa ee ka dhacay masjidka magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa markii maxkamadda lasoo taagay abuuray muran ku saabsan dhaqanka internet-ka iyo fikrad xagjirnimo ah. Brenton Tarrant, oo 28 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu Jimcadii weerarro ka fuliyay 2 masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 ruux, oo ay ku jireen carruur. Waxaa maalintii xigtay ee Sabtida ahayd la hor geeyay maxkamad, isagoo lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil. Markii ugu horreysay ee uu kasoo muuqday maxkamadda, Tarrant ayaa la arkayay isagoo gacantiisa ka muujinaya astaanta “SAX”, taasoo ah marka uu qofka isa saaro suulkiisa iyo farta xigta isagoo faraha kalena fidinaya. Astaantan ayaa markii siyaabo kala duwan loo eegay lagu qeexay calaamad ay isticmaalaan dadka caddaanka ah ee jinsiyadaha kale neceb, balse waxaa kale oo suurta gal ah inuu dadka dareenkooda kusoo jiidanayay. Dhanka kale, calaamaddaas waxaa adeegsada kooxaha xagjirka ah iyo sidoo kale xisbiyada muxaafidka, siyaasiyiinta midigta-fog iyo hay’adaha aruuriya farriimaha xagjirnimada ah. Waligey kuma dhawaaqi doono magaciisa Dhacdadaii toogashada ee lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo tukanaya ayaa noqotay mid si weyn looga falceliyay guud ahaan dunida. Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa wacad ku martay inaan afkeeda laga maqli doonin magaca ninka falkaas geystay oo la xaqiijiyay inuu u dhashay waddanka Australia. “Waxyaabo badan ayuu ku raadinayay falkiisa argagixisanimada ah, balse mid ka mid ah waxay ahayd inuu caan noqdo, waana taas sababta aydaan waligiin iiga maqleynin anigoo sheegaya magaciisa, waa argagixiso, waa dambiile, waa xagjir. Ku dhawaaqa magacyada dadkii halkaas naftooda ku waayay intii aad xusi lahaydeen magaca ninkii laayay”, ayey tidhi Ms Ardern oo khudbad qiiro leh ka jeedineysay baarlamaanka New Zealand. Waxay sheegtay in isagu laga yaabo inuu caanimo raadinayay, laakiin dowladda New Zealand aysan waxba siineynin, oo xitaa magaciisa aysan u aqoonsaneynin marnaba

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail
You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.