});

Akhriso Xukuumadda Somaliland Oo Soo Jeedisay In La Maalgashado Hay’adaha Saxaafadda Si Loo Xoogeeyo Dhismahooda

Waxaa Qoray Idiris Maxamed dabshid

-Hargeysa)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Saxaafadda dalku ay haysato madax-bannaani iyo xoriyad ay hawlaheeda ku gudato oo dheer tahay dalal badan oo caalamka ka tirsan.

Wasiir Ku-xigeenku wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu shalay ka furay Magaalada Hargeysashir shir laba maalmood ah daneeyeyaasha Saxaafaddu ku falanqeynayeen sidii loo daryeeli lahaa, loona horumarin lahaa xoriyaadka warbaahinta JSL. “Waxaynu maanta isku waafaqsan nahay oo shirkani kulamadii hore kaga duwan yahay inaan dhammaanteen isla qirsan nahay in xoriyadda Saxaafadda Somaliland ay tahay mid ka xoog badan xoriyadda ay haystaan dalal badan oo laga yaabo inay ku faanaan inay yihiin kuwa hoggaaminaya dimuqraadiyadda iyo madax-bannaanida Saxaafadda,”ayuu yidhi Wasiir Cabdinaasir Cumar Jaamac. Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la maalgashado Hay’adaha Warbaahinta dalka, si ay uga maarmi karaan wixii akhlaaqiyaadka Saxaafadda wax u dhimaya. Waxa kaloo uu tilmaamay in kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Suxufiyiintu ay tahay arrin ahmiyadeeda leh oo u baahan in wadajir looga shaqeeyo. Wasiirku wuxuu iftiimiyey in Wasaaradda Warfaafinta ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Hay’adaha warbaahinta iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaanu xusay inay Wasaaraddu dhaqaale ku kabtay kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa, waxaanu caddeeyey inay qayb ka tahay siyaasadda xukuumadda ee la xidhiidha gacan siinta Saxaafadda. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa sheegay in sannadkan sii galbanaya ee 2019ka ay diiwaangeliyeen 28 kiis oo ah khaladaad iskugu jira gefaf ay Saxaafaddu gashay iyo qaar ay masuuliyiin xukuumadda ka tirsani ka galeen suxufiyiinta, waxaanu shaaciyey in kiisaskaas lagu furdaamiyey wadahadal iyo isqancin. Guddoomiyuhu waxa kaloo uu qiray in aanay jirin cid xiligan u xidhan arrin saxaafadeed marka laga reebo hal kiis oo uu xaqiijiyey in xukun Maxkamadeed ka soo baxay

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Halkan ka Daawo Wariye Dalmar Oo London Ka Yimid Hargeysa Live Ku Soo Galay Iyo Waxuu Ku Arkay..

You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.