Boqorka Dhaxal Sugaha Dalka Sacuudiga Mohamed Bin Salman Oo Kulan La Qaatay Millatariga Sudan Xukuma

Khartoum) Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wadahadal la yeeshay jeneraal Maxamed Hamdan Dagalo oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha guddiga milatariga ah ee maamula Suudaan.

Kulankaasi wuxuu ka dhacay magaalada Jeddah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga SPA.
Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray “iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhexeeya labadaas dal ee walaalaha ah”.
Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ballan qaaday saddex bilyan oo doolar oo gargaar lagu gaarsiinayo Suudaan, arrintaas oo wax wayn uga dhigan ciidammada xukunka ka maroorsaday madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir 11 bishii Abriil












