Ciidanka C.I.D-da Oo Caawa Xaruntooda Uga Yeedhay Maamulka Sare ee Wargeyska Ogaal

Hargeysa (Tvsle)- Taliska Ciidanka Dembi-baadhista, ayaa caawa fiidkii xaruntooda ugu yeedhay maamulka sare ee wargeyska, halkaas oo ay wax kaga waydiiyeen warar ku saabsan mawduuca Haamaha shidaalka oo warar la xidhiidha wargeysku ka Qoray.

Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir oo weriye ka tirsan shabakadda Somalilandpost.net wax ka weydiiyey arrintan, ayaa sheegay inay Xarunta Wargeyska yimaaddeen ciidamo ka tirsan Laanta Dambi-baadhista gelinkii hore ee maanta oo aanu isagu ku sugnaynd Xafiiska, balse ay caawa Fiidkii yimaaddeen Xarunta, kuna wargaliyeen in looga baahan yahay Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista si wax looga weydiiyo wararkaas Wargeysku Qoray.

“Hadh soo korkii ayaa la ii sheegay in xafiiska Ogaal ay ciidanka C.I.D yimaadeen, kaddib waan la xidhiidhay, waxaanan waydiiyay waxay u socdeen, waxay ii sheegeen inay doonayaan maamulka, markaa ma nasoo mari kartaa ayay igu yidhaahdeen, aniguna waxaan u sheegay in aan u iman doono berri, haddii kale ay galabnimada noogu yimaadaan xafiiska.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir.

Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi gudoomiyuhu; “Fiidkii caawa ayaa sarkaal ka socda C.I.D noogu yimi xafiiska, wuxuu sitay warqad yeedhmo ah oo maxkamaddu soo qortay. Markaa anagoo wada joogna ayaa sarkaal ka sareeyay nala soo xidhiidhay, waxaanay naga codsadeen in aanu xafiiskooda u raacno, siday doonayeen baanu u yeelay, markaan tegay xafiiskoodana waxay wax iga waydiiyeen warar wargeysku ka qoray arrimaha wareejinta haamaha iyo kartoonka Carraale Waddani ee wargeyska ku soo baxa, aniguna waxaan ugu jawaabay wixii wargeysku qoray waa intaa aad haysaan.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Ogaal oo arrintan aanu wax ka weydiinnay.

Gudoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in arrintoodu baadhis kiis la xidhiidho, isla markaana uu xog ku helay in dacwaddani ka timi dhinaca madaxtooyada oo ay la xidhiidho warar iyo dareenada shacabka ee la xidhiidha mawduuca Haamaha oo uu baahiyay.

Wargeyska Ogaal ayaa todobaadkii hore baahiyey Xogo la xidhiidha in xukuumaddu ku wareejinayso Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera shirkado gaar loo leeyahay oo qaarkood lagu xidhiidhiyey inay iska leeyihiin ama Saamiyo ku leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta Cod Aqlabiyad ah ku hor-joogsaday in Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo shirkado gaar loo leeyahay, ka ddib markii shalay Golahaas laga hor-akhriyey warbixin daboolka ka qaadday Musuq-maasuq ka jira Haamaha iyo maamulkooda oo ay soo diraayeen Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka.

Wasiirka Ganacsiga oo isaguna maanta ka hadlay arrintan, ayaa sheegay inuu jiro heshiis qorshihiisu qabyo yahay oo Xukuumaddu ku doonayso inay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera kaga kirayso isla markaana maamulkooda ku wareejiyo Shirkadaha dalka keena shidaalka oo markii hore laga qaadi jiray khidmadda Haamaha iyo Cashuurta ku waajibtay.

Xigasho: Somalilandpost.net

Muuse-Jaambiir1

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.