Daawo:Qaabkii Dawlada Gini (Guinea) usoo dhawaysay Weftigii Madaxweynaha JSL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Gini (Guinea). Conakry-2-07-2019 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maalintii shalay safar shaqo waddanka kaga ambo-baxay, ayaa maanta gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport amaba Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea), waxana halkaa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee gudaha madaarka.












