Dad Qurbe-joog ah Oo Beer Bilicda Ka Qaybqaadanaysa Hargeysa KaFuray

Hargeysa (Tvsle)- Beer casriga oo qurux badani ka muuqato ayaa maanta laga furay xaafadda New Hargeysa ee magaalada Hargeysa. Halkaas oo lagu soo bandhigay dhir iyo khudrad kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Kaffeeyga, tufaaxa, tamaandhada, iyo weliba ubaxyada qurxoon  ee guryaha iyo jidadka bilicdooda kor u qaada.

Beertan oo ay ku shuraako ku yihiin dad qurbe-joog ah loo bixiyey Bilicsan Garden Hargeysa, ayaa xaflad xadhiga lagaga jarayey  ka qabsoontay barxad ku dhex-taala beertan. Waxaana ka soo qayb-galay mulkiilayaasha beertan iyo weliba masuuliyiin ka socda wasaarada beeraha somaliland iyo marti sharaf kala oo aad u tiro badan.

Baashe Jaamac Muxumed waa mid ka mid ah mulkiilayaasha beertan casriga ah ee laga furay magaalada Hargeysa, gaar ahaana xaafada New Hargeysa, iyadoo dhinaca koonfureed kaga beegan huteelka baar waraabe,beertan ayaa lagu magacaabaa Bilicsan Garden,waxaana lagu iibinayaa dhirta noocyadeeda kala duwan iyo ubaxyo aad u qurxoon.

Xafladda furitaanka Bilicsan Garden oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay maamulaha sare ee shirkadda Bilicsan Garden Faysal Jaamac Muxumed waxaana uu ka hadlay waxyaabihii ku kallifey inay furan shirkaddan,ayaa waxaa uu yidhi “Waxaanu halkan k a furney shirkad la yidhaahdo Bilicsan Garden oo nagu kalliftay markii aanu aragnay magaaladu siday bilicdeedu tahay inaanu u furno shirkad la yidhaahdo Bilicsan Garden,oo ay ka hawl-galaan dad badan oo shaqaale ah oo dhallinyarada immika tahriibeysa ah aanu u aas-aasney in aanu barno sida wax loo soo saaro sida wax loo biliceeyo”Ayuu yidhi maamulaha sare ee shirkadda Bilicsan Garden Faysal Jaamac Muxumed.
Dhinaca kale maamulaha sare ee shirkadda Bilicsan Garden Faysal Jaamac ayaa ka hadlay waxyaabaha ay shirkaddani qabaneyso iyo faa’iidada ay u leedahay dalka iyo caasimaddaba “Shirkadda la yidhaahdo Bilicsan Garden waxa aanu ugu talo galney in aan waddanka iyo magaalada caasimadda aanu kaga bilowno oo aanu ku dhireyno,qof walibana gurigiisa hortiisa uu ku beero dhir aad u qurux badan,oo uu iska xaadho dhagaxaanta iyo xashiishkan” Ayuu yidhi Faysal Jaamac Muxumed.
Sidoo kale Faysal Jaamac Muxumed ayaa baaq u diray dawladda iyo maayerka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco inay garab ku siiyaan sidii loo hagaajin lahaa bilicda dalka “Waxa aan dawladda iyo maayerka u gudbinayaa in laga tir-tiro xashiishka iyo dhagaxaanta si aanu dhirtan quruxda badan ugu beerno”Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanday Faysal Jaamac Muxumed ayaa.
Furitaankan ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Agasimaha wasaaradda beeraha Somaliland Md.Cabdiqani Yuusuf Cabdi waxaana uu soo dhaweeyey beertan casriga ah ee laga furay magaalada Magaalada Hargeysa “Waxaanu soo dhaweeyneynaa mashruucan ay bilaabeen ururka Bilicsan,runtii marka loo eego dhinacyo badan ayuu faa’iidooyin innoogu leeyahay aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay,waana wax innga maqnaa”.
Agasimaha wasaaradda beeraha Somaliland Md.Cabdiqani Yuusuf Cabdi ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ku dhiiri geliyey ururka Bilicsan inay sii wadaan dedaalka ay wadaan “Waxaanu jecel nahay hawshan ay maanta bilaabeen inay halkaas ka sii wadaan inay gobolada iyo degmooyinka gaadhsiiyaan aad iyo aad ayaanu ugu bogaadinayey shaqada fiican ee ay qabteen”Ayuu yidhi Agasimaha wasaaradda beeraha Somaliland Md.Cabdiqani Yuusuf Cabdi.
Baashe Jaamac Muxumed ah muwaadin qurba joog reer somaliland, isla markaana ka mid ah mukiilayaasha beertan bicisan Garden oo madashaashi ka hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay cidda ku bahoowday shirkadda Blicisan “Shirkaddan waa shirkad beeraha ah oo aanu dhowr qof ku nahay,kolley waa qurbo joog iyo qol-qol joog labadaba tacab ayaau isku geliney,waa shirkad runtii xagga beeraha,beertan waxaa la yidhaahdaa Bilicsan Garden Hargeysa”
Dhinaca kale Baashe Jaamac Muxumed waxyaabaha kala duwan ee beertan laga heli karo “Beertani dhir badan ayey ka kooban tahay, dhirtii hadhka ee waaweyneyd,dhirtii khudradda ahayd ee ama cuntada ahayd,sida Kaffeeygii,tufaaxii,tamaandhadii Iyo weliba ubaxyo aan hore dalka u oolin oo ah noocyada guryaha lagu qurxiyo”
 Isagoo oo hadalkiisa si wata ayaa waxaa uu yidhi “Waxaa aanu dooneynaa inaanu ka qayb qaadanno xagga hawada sii xumaatay,taasna waxaa sabab u ah ama adduunyadu ku dagaalameysaa waa cunto iyo hawada oo wax laga qabto,waxa aanu dooneynaa inaanu ciiddii dhammaatay dib u soo celino”
Gebo-gebadii ayaa Baashe Jaamac Muxumed waxaa uu ugu baaqay bulshada reer Soomaliland inay ilaashadaan xoolahooda iyo dalkooda “Waxaynu nahay dad xoolo ku nool ah,geelii,adhigii iyo Lo’dii waxa aan ka baqanayaa sidii Libaaxii dalkeenna uga baxay ay xoolaheennu dalka uga baxaan,waxaan jecelahay ummadda Somaliland inay gacmaha is-qabsadaan oo ay la dagaalamaan cadowga baabi’inaya xoolaheenna iyo dhirteenna” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanday Baashe Jaamac Muxumed.
 

Tvsle.net

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.