});

Dawlada Sucuudiga Oo Shaacisay Wadan Aan Muwaadiniintiisa Loo Ogolayn Xajka Sanadkan.

Dawlada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday wadan ku yaala qaarada Afrika oo ay sanadkan ka joojisay in muwaadiniintiisu ay gutaan waajibaadka xajka.

Dawlada Sucuudiga ayaa sheegtay in muwaadiniinta dalka Koongo aanay sanadkan ka mid noqonayn dadka gudanaya waajibaadka Xajka isla markaana laga joojiyey fiisayaashii ay ku soo gali lahaayeen dalkaasi, ka dib markii uu ka dilaacay cudurka Ebolla.

Warqad ka soo baxday wasaarada arimaha dibada ee dalka Sucuudiga oo la gaadhsiiyey safaarada dalka Koongo ee magaalada Riyaadh maalintii arbacadii ayaa lagu sheegay in dawlada Sucuudigu ay go;aansatay inaan xujaajta wadanka Koongo loo ogolaan inay sanadkan ka mid noqdaan dadka gudanaya waajibaadka Xajka, waxaana warqada lagu sheegay in talaabadaasi ay tahay mid lagu ilaalinayo caafimaadka malaayiinta xujaajta ah iskugu tagaya wadankaasi.

Warqada ka soo baxday wadanka Sucuudiga ayaa la sheegay inay daba socotay warbixin ay hay;adda Caafimaadka aduunka ee WHO ay soo saartay bishii hore, warbixintaas oo daaha ka qaadaysay in cudurka Ebolla ka dilaacay bariga dalka Koongo kaas oo ay u dhinteen dad gaadhaya 1700 qof.

Warqada ka soo baxday dalka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in go’aankani uu saamaynayo qof kasta oo ka imanaya dalka Koongo kuwaas oo ay ku jiraan dadka aan u dhalan.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail
You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.