Dhul-gariir Culus Oo Xalay Ku Dhuftay Qeybo Kamid Ah Dalka Soomaaliya

Bareeda)-Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul-gariir.

Khubarrada dhinaca Dhul-gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul-gariirkaas cabbirkiisu uu ahaa 5.0magnitude .
Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland.
Dhul-gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM.
Waxaa uu saameeyay 10km isku wareeg ah, waxaana jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah.












