});

Dibadbaxayaal Cadheysan Oo Toogasho Lagu Dilay

Ciraaq)-Ciidammada ammaanka Ciraaq ayaa xalay dilay ugu yaraan 14 qof kadib weerar ay ku qaadeen dibad-baxayaal ku sugnaa magaalada Karbala.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in boqolaal kale la dhaawacay, ayada oo banaan-baxyada ka dhanka ah dowladda ay galeen maalintii shanaad oo xidhiidh ah. Dibad-baxayaasha ayaa jebiyey bandow cusub kadib markii mas’uuliyiinta Ciraaq ay shacabka amreen inay iskugu bixi karin waddooyinka, laga billaabo saqda dhexe illaa 6 subaxnimo. Saddex qof oo kale ayaa Isniintii lagu dilay, ayada oo boqolaal lagu dhaawacay isku dhac dhex maray booliska iyo dibad-baxayaasha. Tallaabo baarlamanka uu qaaday oo lagu ansixiyey sharci joojinaya mudnaanta iyo lacagaha gunnada ah ee la siiyo siyaasiyiinta sare, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaan waxba ka tarin inuu dejiyo dibad-baxayaasha. Ardayda iyo dibad-baxayaasha kale ayaa ka carreysan musuq-maasuq lagu eedeeyey dowladda, kobac la’aanta dhaqaalaha iyo adeeg xumada dowladda, inkasta oo Iraq ay qani ku tahay saliidda. Warreegii ugu dambeeyey ee dibad-baxyada ee Baqdaad iyo magaalooyinka kale ee Ciraq ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 86 qof tan iyo Jimcihii. Tiradan ayaa ku kordheysa ku dhowaad 150 qof oo kale oo la dilay horaantii bishan.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Halkan ka Daawo Wariye Dalmar Oo London Ka Yimid Hargeysa Live Ku Soo Galay Iyo Waxuu Ku Arkay..

You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.