Dimitar Berbatov Oo Kooxdiisii Hore Kaga Digay Iney Iibiso Paul Pogba & Muxuuse Ku Sifeeyay Dhibta Heysata Xiddigaan

Xiddigii hore Man United Dimitar Berbatov ayaa uga digay kooxdiisii hore iney iibiyaan Paul Pogba, isagoo u arka qaladkii ugu weynaa oo ay kooxdiisa sameyso muddooyinkaan.

Xiddiga reer France wuxuu Old Trafford ku yimid 89 Malyan oo Pound, saddex sano ka hor ayuuna noqday xiddiga ugu qaalisan kubadda cagta walow markii dambe lagala wareegay, hadana wuxuu kooxda ku hogaamiyay guulo la taaban karo.

Paul hadda wuxuu doonayaa inuu ka baxo kooxda, sida lagu qoray warbaahinta Ingiriiska wuxuu si aad ah u doonayaa inuu ku biiro Real Madrid.

Dhawaan ayey aheyd markii la wariyay inuu saaxiibadiis u sheegay inuu ka baxayo kooxda, sidoo kalana wuxuu diiday inuu xareysto dal ku galka Shiinaha si uu kooxda ugu wehliyo safarka ay July ku aadi doonaan bariga fog.

Si kastaba Berbatov ayaa wargeyska The Sun la hadlay, wuxuuna difaacay Paul Pogba, sidoo kalana wuxuu maamulka kooxda u sheegay ineysan sameyn qaladka sidaas u weyn.

“Waa maxay sababta uu dhibaato u yahay Paul?” ayuu yiri Berbatov.

“Waxey dhaleeceeyaan qaar ka mid ah ciyaartoyda in ka badan kuwa kale, taasna maahan cadaalad. kama badbaadeysid dhaleeceynta marka aad hal qaab ku jirto, dhamaanteen waxaan heysanaa taleefoon, sidoo kalana waxaan ku jirnaa baraha bulshada”

“Xitaa hadii aad tahay qof maskax ahaan u xoogan, dhaleeceyntu waa mid madaxaaga ka guuxeysa, balse marka uu qof walba ku weeraro adiga, dhamaanteen waxaa nahay beni’aadam, wey saameyn kartaa ciyaartaada”

“Ma ahan mashiin, balse hadii aadan dareemin wax mahad celin ah, maxaad sameyneysaa? inaad aado meel kale”

“Balse inuu baxo waxey noqon doontaa qalad, waxaan si dhab ah u rajeynyaa in Ole uu u sheegi doono Pogba inuu dhinacyadiisa ku dhisi doono koox xoogan si ay u siiyaan kalsooni uu kusoo bandhigo wanaagiisa”

Dhanka kale Berbatov wuxuu ka dhawaajiyay inuu arkay farsamada iyo tayada xiddigaan markii uu aadka u yaraa, sidoo kalana uu ogaado iney qasab tahay inuu mar walba saameyn ku yeesho kooxda.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail
You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.