Dugsiyadda Umul qur’aan oo Hargeysa loogu qabtay xafladda Sannad-dugsiyeedka 2014/2015 yo Macallimiin, Waalidiin Iyo Arday La Maamuusay+Sawirro

Hargaysa(Tvsle):-Xaflad si qurux badan loo soo Agaasimay oo shahaadooyin iyo abaal-marinno lagu guddoonsiinayay Waalidka, Macalimiinta iyo ardayda wax ka barata dugsiyada Umul qur’aan ayaa maanta lagu qabtay hotelka Ambassador ee Magaalada Hargaysa.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Xafladan oo ahayd mid geesta kalena loo qabtay gabagabada sannad dugsiyeedka waxbarasho ee 2014 ilaa 2015 ee qaybaha kala duwan ee dugsiyada Umul Qur’aan ayaa waxa ka soo qayb-galay Culimo, Xildhibaano,Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland, Maamulka guud ee dugsiyada Umul qur’aan, Waalidiin iyo Martisharaf oo kale oo tiro badan.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Maamulaha guud ee dugsiyada Umul Qur’aan Sheekh Maxamed  Yuusuf  Kaahin oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada ay u qabteen munaasibadan waxaana uu sheegay in munaasibadan ay ugu talo-galeen gabagabada sannad dugsiyeedka waxbarasho ee 2014 ilaa 2015 ee dugsiyada Umul Qur’aan sidoo kalena  lagu abaal mariyo munaasibadan ardaydii, Macalimiintii iyo waalidkii dadaalka muujiyey muddadii uu socday sannad dugsiyeedkani.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Maamulaha guud ee  Dugsiyada Umul Qur’aan mar uu la hadlayey waalidiinta ubadkoodu wax bartaan waxa uu kula taliyey in aanay ubadkooda ku badin kolba in ay dugsi geeyaan balse marka hore ay u dooraan dugsi wanaagsan.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Sheekh Xasan Cabdisalaan Cali oo ka mid ah culimada reer Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay qiimaha cilmiga iyo kaalinta diinteena suuban ee islaamku siisay barashada cilmiga, sheekhu waxa uu intaasi ku daray in bulsho ahaan aynu nahay bulsho aan wakhtigeeda uga faaidaysan in ay wax korodhsato ,waxa uu dardaaran u diray Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Umul Qur’aan.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Guddoomiye Ku Xiggeenka Waxbarashada ee Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaana aaga bari Idiris Muxumed Cumar ayaa tilmaamay in waxbarashadu ay tahay aqoon qofka ku hagta horumar dhinac kasta ah isla markaana ka duda caqabado badan oo uu qofku nolosha kala kulmi lahaa ,waxa uu ardayda dugsiyada Umul Qur’aan ugu baaqay in ay ku faro adaygaan waxbarashada.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Xildhibaan Cabaas oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa oo isna Munaasibdaasi ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in waxbarashadii awal hore dalka dibbadiisa loo dooran jiray ay noqotay mid dalka guddihiisa si fudud looga heli karro, waxaana uu sheegay in waalid laga rabo in ay ubadkooda baraan dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Agaasimaha Waxbarashada Gaarka ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Muuse Maxamed Shide oo ka hadlay Munaasibada loo qabtay gabagabada sannad dugsiyeedka waxbarasho ee dugsiyada Umul Qur’aan waxa uu sheegay in inaga oo jidkii rasuulkeenii Suubanaa ee Maxamed NNKH raacayna aynu u diyaar-garownay waxbarashada isla markaana si taas aynu u gaadhno aynu u samaysaynay dugsiyo waxbarasho oo tiro badan, waxa uu intaas ku daray in aqoontu ay tahay mid badasha dhaqanka qofka wax bartay balse xiligan la moodo in ubadkii wax baranayey aanay saamayn ku yeelan wixii la baray isla markaana aad arkayso in ardaygii noqday mid marna xidhanaya shaadhka ardaynimo mar kalena xidhinaya shaadhkii dib-jirka ,waxa uu u soo jeediyey waalidka ubadkoodu wax ka bartaan dugsiyada Umul Qur’aan in ay la saaxiibaan ubadka isla markaana ay ka daayaan habaarka iyo waxyaabaha la hal-maala si aanay u noqon fara laga qaad.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Ugu dambayntii Agaasimaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Muuse Maxamed Shide waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay iyo la dhawro dhaqanka iyo afka hooyo si aynu uga bad-baadno magan aynu u noqono umado kale.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Gabagabadii Guddoomiyaha Ku Xiggeenka Wasaarada Waxbarashada Ee Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaana aaga bari ayaa shahaado sharafyo guddoonsiiyey qaar ka mid ah Macallimiintii iyo waalidkii dadaalka Muujiyey Muddadii lagu jiray sannad dugsiyeedka waxbarasho ee 2014 ilaa 2015 ee dugsiyada Umul Qur’aan Geesta kalena Maamulka Dugsiyada Umul Qur’aan ayaa  Jaaisado kala duwan ku maamuusay  ardaydii kaalmaha hore ka galay sannad dugsiyeedkii dhamaaday.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Tvsle.net

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.