Duur: “Guurtidii ayaa diiday madaxweynihii, shacabkiinna u sheega! waa xaajo ugub ah.”

Hargesa (GLN)- Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha haddana ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Nuur Carraale  (Duur), ayaa farta ku fiiqay in masuuliyaddii madaxweyanaha ee cadaynta xaqiiqda jirta inay maqantahay, isagoo sheegay inuu ka ka baxay heshiiskii sadexda xisbi iyo xukuumadu kala saxeexeen.

Waxaana uu sidan ku sheegay qoraal uu soo saaray kaas oo u dhignaa sidan: “Waxaan is leeyahay shacabka reer somaliland labo qodob midna kuma cusba , umana baahna sheegid iyo shharaxaad midna:
1. Siyaasada somaliland taalaa waa mid soo noqnoqota sida habeenka iyo maalinta oo ma jirto wax ku cusub marnaba . Waayo ? Waxaan jirin kala duwaanshihii mabaadida siyaasadeed iyo aragti ku dhisan in la eego mustaqbalka fog .
Markaa waa in aynu fahanaa si cad inta aynaan hadlin inay garan karaan waxaynu odhon doono , waayo waxaa ku filan kaad tahay MUCAARAD IYO MUXAAFAD .
Guurtiduna malaa iyada mawqifkeedu waa DIIN DHARAARED .
2 . Dadku maanta way ogyihiin inay maqantahay hogaamintii abuuri lahayd aragti cusub ( hal abuur ) , ama hogaankii keeni lahaa xal waara isagoo soo bandhigaya xaqiiqda jirta.
Waayo ? Waxaa maqan dhiiranaantii lagu dhiiran lahaa runta , waxaa maqan gudoonkii, waxa maqan go’aankii .
Hadaba inta hadashaa een ka midka ahay aan is waydiino fariinta aanu gubinaynaa siday shacabka u gaadhay si togan mise si taban .
Hadaba Madaxweyne fariintii guurtidu na soo gaadhee maxaa nooga baxay ?
A . Waxaa muuqday madaxweyne in masuuliyadii koowad ee hogaamintu ahayd cadaynta xaqiiqda jirta inay maqantahay.
B. Inaad ka baxday heshiiskii sadexda xisbi iyo xukuumadu saxeexeen adoo ka door bidaya danta qaranka maalmaha kooban ee u dhexeeya .
C . In guurtida warkeedii ahaa ii dheha ma dhaafi karo heshiiskiiye .
D . In dhaxalku yahay wax kasta waxooda lagu gudaa ! ( fail to honor people , they fail to honor you).”

Tvsle.net

 

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.