Hargeysa oo lagu daah-furay dugsi loogu magac daray Dayah College Of Engineering And Industrial Science oo lagu baran doono farsamada gacanta

Hargaysa(Tvsle)- Munaasibad lagu daah-furay dugsi cusub oo lagu baran doono farsamada gacanta, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargaysa. .

DSC_1876(1).JPG

Dugsigan cusub oo loogu magac-daray Dayah College Of Engineering And Industrial Science ayaa lagu baran doonaa Xirfada Farsamada Gacanta waxaana furitaankiisii ka soo qayb-galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Hawlaha Guud , Ganacsade Aadan Axmed Diiriye, Cabdilaahi Hargaysaawi oo ah La Taliyaha Wasiirka Warshadaha Somaliland iyo Marti-sharaf Kale.

DSC_1857.JPG

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdilaahi oo ah Maamulaha Dugsigan Cusub ee Farsamada Gacanta ee dayax waxaana uu ka waramay sababihii ku dhaliyey Aas-aaska Dugsigan waxaana uu yidhi:-“Waxa aan jecelahay in aan guud mar ku sameeyo asbaabta aanu u aas-aasnay kulliyadan iyo ujeedooyinkeeda, sida aad la wada socotaan adduunka dalalka ay dhaqaalahoodu dhisan yihiin waxa sal u ah warshadaha, wax soosaarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ,kaabayaasha dhaqaalaha iyo warshadahana ma suurto-galaan haddii aan la helin xirfadlayaal sare oo takhasusaad kala duwan leh ,Somaliland ahaan waxa aynu ogsoonahay halka aynu ka taaganahay waxaana la inagu tiriyaa dalalka ku hooseeya aqoonta xirfadaha iyo tignoolajiyada inta arintaasi jirtana waxa adag in aynu barwaaqo gaadhno balse si taasi inoogu suurto-gasho waxa la inooga baahan yahay in aynu noqono bulsho xirfadlay ah oo gaadhi karta isku filnaansho dhaqan dhaqaale waxaana ay ku suurto-gali kartaa inagoo samayna jaamacadihii iyo dugsiyadii laga hirgalin lahaa xirfadahaasi”.

DSC_1898.JPG

Sidoo kale Maxamed Cabdilaahi Maamulaha Dugsiga Cusub ee Farsamada Gacanta ee Dayax waxa uu ka hadlay isbadelka uu dugsigani ku keeni karo baahidii bulshadu u qabtay dugsiyada farsamada gacanta waxaana uu yidhi:-“Kulliyadan aanu maanta halkan ku furayno waxa aanu ugu talo-galnay in ay bar bilow u noqoto hayaanka cusub ee Somaliland aynu doonayno in aynu ku dhisno xaga xirfadeed ,xaga aqooneed iyo xaga tignoolajiyadeedba , shaqo la’aanta waddankeena ka jirta fursadaha shaqo oo yari kaliya may keenin ee waxa keenay xirfad la’aan”.

DSC_1874.JPG

Eng Xuseen Cabdilaahi oo isna ka mid ah Macalimiinta dugsigan cusub ee farsamada gacanta oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabaha lagu baran doono dugsigan isagoo xusay in lagu baran doono aqoon fara badan oo la xidhiidha barashada xirfadaha gacanta.

DSC_1935.JPG

Cabdilaahi Cabdi Ciise Hargaysaawi oo ah la Taliyaha Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland sidoo kalena ah khabiir dhinaca warshadaha ah ayaa geestiisa bogaadiyey dhanliyarada la yimi fikirka aas-aaska dugsigan isagoo geesta kalena ka waramay faaidada warshaduhu ay leeyihiin iyo isku filnaanshaha dal kastaa gaadho marka uu warshado yeesho.

DSC_1895.JPG

Cabdilaahi Hargaysaawi waxa uu intaasi ku daray in dalkeenu baahi weyn u qabo helida warshado wax-soosaar oo uu kaga baxo baahida uu u qabo in dibbada uu wax kala soo dago. DSC_1952.JPG

Xaaji Aadan Axmed Diiriye(Aadan Baradho) oo ka mid ah ganacsatada Somaliland oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu ka soo qayb-galo munaasibadan lagu furayo dugsiga farsamada gacanta ee dayax waxa uu sheegay in waxbarashada maanta ka hana-qaaday dalkeenu aanay u habaysnayn baahida taala dalkeena balse ay u habaysan tahay sidii gumaysigu inoogu dhigay waxaana uu yidhi:-“Tacliinta aynu baranaa uma habaysna inaga baahideenii iskuuladeena iyo jaamacadaheena isku dar waxay u habaysan tahay gumaystihii dalka xukumayey baahidiisii uu isagu markaa u habeeyey, isaga markaa baahidiisu waxa ay ahayd in uu helo karaaniin wax u qorta iyo turjumaano, markaa sababta uu ingiriisku iskuulada inoogu sameeyey may ahayn baahideena ee isaga ayaa baahidiisii u samaystay ilaa maanta tacliinteenu waxa ay u habaysan tahay sidii”.

DSC_1868.JPG

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriyr (Aadan Baradho) waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la helo tacliin ka turjumaysa baahida bulsho ahaan aynu qabno waxaana uu yidhi mar kale:-“Waxa aynu u baahanahay in waxbarashadeena loo habeeyo qaab wax-soosaar oo ay noqoto mid ka jawaabaysa baahideena oo dhan , waa ilaahay mahadii aadna waan ugu amaanayaa dhanliyarada soo fikirtay ee arintan la timi ee iyagu maanta bilowga taagan ee wixii ka jawaabayey baahideena maanta inoo bilaabay”.

DSC_1922.JPG

Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryeynta oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in dunidu ay tix-galin siiso dugsiyada lagu barto farsamada gacanta dal ahaana la inooga baahan yahay in aynu dhiiri-galino furista dugsiyada farsamada gacanta oo aynu baahi weyn u qabno waxaana uu agaasimuhu yidhi:-“marka aad aragto shaqada waddanka sagaashan boqolkiiba farsamo gacan ayey u baahan tahay sida biyo galinta, dabka dhamaantooda waxa loo baahan yahay qof khabiir ku ah oo haysta aqoontii rasmiga ahayd”.

DSC_1867.JPG

Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud waxa uu u Mahadnaqay dhalinyarada aas-aastay dugsigan farasamada gacanta waxaana uu balan-qaaday in ka wasaarad ahaan ay garab istaagi doonaan.

DSC_1902.JPG

Abiib Axmed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa mahadnaq uu u jeediyey maamulka dugsiga cusub ee Dayax waxa uu ka waramay baahida dalku uu u qabo helida dugsiyo lagu barto farsamada gacanta isagoo sheegay in aanay dalkeena ka jirin shaqo la’aani balse ay ka maqan tahay xirfadii farsamada gacantu waxaanu uu yidhi:-“Machadkan farsamada gacantu maaha mid farsamada gacanta oo kaliya lagu baran karo waxa laga baran karaa marka aad doonayso in aad dadkaaga xirfad u abuurto waxa aynu leenahay dad fara badan oo xirfado leh oo aan waxna qorin waxna akhriyin intuba waxa ay u baahan yihiin in la baro wax akhriska, qoraalka iyo xisaabaadka si ay farsamadoodani hore ugu sii socoto”.

DSC_1890.JPG

Mar Abiib Axmed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland uu ka hadlayey sida xirfadaha gacantu ay uga qayb-qaataan shaqo abuurka dhalinyarada waxa uu yidhi:-“Waad ogtihiin iyadoo dalkeena la leeyahay waxa ka jirta camal la’aan ayaa haddana waad aragtay yamanidii ayaa ka shaqaysanaysa , haddii gurigan loo baahdo in maanta la qurxiyo dad kale ayaa loogu yeedhaa meeshii aad loo qurxinayo waxaad garataa markaasi in gaabkaasi farsamada gacantu inaga maqan yahay, qof haddaad maanta lacag siiso wax uu ku sameeyo garan-maayo , haddii xirfadu maanta inagu badan tahay dadka badankiisu qof kastaaba shaqo ayuu abuuri lahaa”.

DSC_1793.JPG DSC_1817.JPG DSC_1824.JPG DSC_1862.JPG DSC_1941.JPG

DSC_1874.JPG  DSC_1904.JPG DSC_1908.JPG   DSC_1937.JPG

Tvsle.net

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.