Hargeysa: Shirkadda Kaah Business Center Oo Adeegyo Casri Ah Ku Soo Kordhisay Qaybta Madadaalada Carruurta

Hargeysa (Tvsle)- Guddoomiyaha guud ee shirkaddaha Kaah Business Center Ibraahin Kaahin Axmed ayaa maanta bulshada Somaliland ku dhaqan u soo bandhigay qalab casri ah oo geeska Africa markii ugu horaysay la keenay taas oo loogu tallo galay in lagu mada daaliyo caruurta iyo faamaliga.

IMG_0035(1).JPG
Waxaana qalabkaas ka mid ah Ferris wheel (giraanta wareegta ) ee dhulka ka kacaysa labaatanka mitir. Qalabkaas oo Shirkadu ugu tallo gashay in ay macaamiisheeda sharafta leh ku qanciso,madaama adeegani yahay mid casriya.
IMG_0045(4).JPG
Ibraahin Kaahi Axmed Ayaa tilmaamay in ay markasta heegan ugu jiraan sidii ay u raali galin lahaayeen macaamiishooda uguna keeni lahaayeen qalab casri ah oo markasta raali galiya waxaana uu fariin u diray bulshada isaga oo ka warbixiyay qalabkan Casriga ah.

IMG_0026(6).JPG

“Shirkada kaah  qaybteeda PLAYGROUND ka ee qaabilsan Ciyaarta kala duwan ee caruurta waxa ay maanta daah furaysaa qaybtii ugu balaadhnayd oo ah ferris wheel ka ama  giraanta wareegta,waana markii ugu horaysa ee ay Somaliland timaado ama geeska Africaba,kaahna runtii waxa ay diyaarisay in hargaysa ama Somaliland ay ka dhigto meelaha lagu ciyaaro lanbar one.

IMG_0032(4).JPG

Waxa uu intaas ku daray isaga hadalkiisa sii wata in ferris wheel ka ay tahay mid casri ah oo ay suurto galisay Shirkadda Kaah in ay u keento sidii dhalinta loogu ciyaar siin lahaa,madaama oo ay tahay giraantani mid casri ah.

IMG_0030(5).JPG

“Geesta kale Ibraahin Kaahi Axmed Guddoomiyaha guud ee shirkaddaha Kaah Business Center ayaa tilmaamay inqofku marka uu fuulo labaatan mitir ayuu kor u baxayaa markaas hargaysa oo dhan ayaad dusha ka arkaysaa adiga oo si dagan caruurtaada iyo qoyskaaguba u soo wareegayso waxaana layidhaahdaa ferris wheel ,waxaanan odhan karaa hargaysa waxa ay nasiib u heshay in ay markasta diyaar u ahaato in lagu soo kordhiyo qalab cusub oo ay hormuud u tahay shirkadda casriga ah ee kaah.

IMG_0025(5).JPG

Guddoomiyaha guud ee shirkaddaha Kaah Business Center ayaa tilmaamay in qalabka casriga ah ee lagu soo kordhiyay ay ku jiran: Pirate ship  “markabka raaxda”l. bounce cars(baabuurta bood-boodaysa), bumper cars(baabuurta isku dhacaysa), gamaes room(gawaadhida electronic gaymka ah mootooyinka iyo  ride ka caruurta  yar-yar 7D cenema waa qayb dadka waa wayn iyo caruurtuba ay wada daawanayaan oo ay kamid noqonayaan actors ka  filimka iyo Pooling table oo ah kubada miiska.

IMG_0034(5).JPG

Shirkadda Kaah ee u taagan in ay bulshada ka haqab tirto adeegyada casriga ah ee madadaalada taas oo ay bulshadooda marbu u soo kordhiyaan wax ay u baahan yihiin,taas oo ay noqotay mid casri ah oo goobtani yaliin adeegyo qaali ah.

Tvsle.net

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.