});

Hordhac: Dortmund vs Barcelona – Blaugrana Oo Tijaabo Adag Mareysa, Shaxda Macquulka Ah, Saadaasha Iyo Xogta Kulanka Xamaasada Leh Ee Champions League

Barcelona ayaa caawa mareysay tijaabadii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkooda marka ay garoonka Signal Iduna Park ku booqdaan kooxda Jarmalka ee qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee Borussia Dortmund kulanka ay ku daahfurayaan wareega group-yada Champions League yadoo labdaan kooxood ay wada tirsan yihiin Group F.

Waa markii ugu horeysay ee ay labada kooxood isku arkaan Champions League iyadoo kulankoodii ugu horeeyay uu ahaa UEFA Super Cup oo ay ciyaareen sannadii 1997 markaasoo ay Barcelona labadii lug ee la ciyaaray ay ku badisay 3-1.

Hordhac: Dortmund vs Barcelona

BVB wax gool ah ma aysan dhalinin labadii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada UEFA ee ay ku ciyaarta gurigeeda halka kooxda Blaugrana aan laga badinin 14 kulan oo ay ciyaareen wareega group-yada Champions League.

  • Hordhac Borussia Dortmund vs Barcelona
  • Champions League 2019/20 
  • Goobta: Signal Iduna Park
  • Taariikhda: 17ka September, 2019
  • Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika
  • Garsoore: Ovidiu Haţegan (Romania)

Lionel Messi ayaa tartan ugu jira inuu ciyaaro kulankii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan ka dib markii uu tababarka buuxa ku soo laabtay Axadii.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa dhaawac kubka ah la maqnaa tan iyo xagaagii laakiin waxa uu qeyb ka noqday xiddigaha Barcelona ee u safray dalka Jarmalka.

Ansu Fati ayaa la bedelay saacad markii ay sootay kulankii Valencia ee horyaalka La Liga ka dib qaab ciyaareed fiican uu soo bandhigay, waxaana la filayaa in fursad kale la siin doono isagoo ka garab ciyaaraya weerarka Antoine Griezmann iyo Luis Suarez.

Lama filayo in tababare Valverde uu ku soo bilaabi doono Messi kulankaan madaama xiddiga reer Argentina uusan ciyaarin xitaa hal daqiiqo xilli ciyaareedkan, haddii uu taam yahay waxay u badan tahay inuu kursiga keydka ku soo bilaaban doono.

Suarez ayaa ku riyaaqay ka soo laabashadiisa dhaawaca isagoo labo gool ka dhaliyay Valencia, waxaana la filayaa inuu weerarka afka hore ka bedelo Carles Perez.

Ousmane Dembele iyo Samuel Umtiti ayaa dhaawac ku seegaya kulanka caawa.

Shaxda Macquulka Ah:

Dortmund (4-2-3-1): Burki; Hakimi, Akanji, Hummels, Guerreiro; Witsel, Delaney; Sancho, Reus, Brandt; Alcacer

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Jordi Alba; Busquets, Sergi Roberto, De Jong; Griezmann, Suarez, Fati.

Saadaasha: Dortmund 1-1 Barcelona

Xitaa isagoo uu ka maqan yahay Messi, Barcelona waxa ay shan gool ku xaaqeen kooxda Valencia, iyadoo Ansu Fati uu si fiican u ciyaarayo, waxaana ay kooxda Catalans ay isku dayi doontaa inay seddexda dhibcood dib ugula laabato Catalonia.Advertisements

Laakiin sidaasi uma sahlana oo waxa ay booqanayaan caawa garoonka Signal Iduna Pak iyadoo Borussia Dortmund ay dhalisay sagaal gool labadii kulan ee ay gurigooda kula ciyaareen Augsburg iyo Bayer Leverkusen xilli ciyaareedkan, halka weeraryahankii hore ee Barcelona Paco Alcacer uu qaab ciyaareed aad u fiican ku jiro.

Barcelona waxay aad ugu fiican tahay kubad-heysashada iyo kubadaha rogaalceliska ah laakiin Borussia Dortmund waxay ka faa’ideysan karaan daafaca Barcelona oo xilli ciyaareedkan goolal badan laga dhalinayo.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Halkan ka Daawo Wariye Dalmar Oo London Ka Yimid Hargeysa Live Ku Soo Galay Iyo Waxuu Ku Arkay..

You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.