});

Ilhaan Cumar Oo Loo Haysto Lacag Ay U Adeegsatay Si Gaar Ah

Washington)-Ilhaan Cumar ayaa la sheegay in lagu hayo baadhitaan la xidhiidha inay 6,000 oo Dollar oo loogu talagalay Ololaheeda Doorashadda u adeegsatay si Shaqsiyadeed, iyadoo Kharashkaasi qeyb ka yahay Lacag-bixinta Furriinkeeda iyo Socdaal ay ku tegtay magaalada Boston iyo dalka Estoniya. Saraakiisha Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa ku waramay inay dhammaystireen Baadhitaankooda ku aadan Eedeynta lagu sheegay inay Ilhaan Cumar ku xad-gudubtay Dhaqaalaha loogu tabarucay Ololaheeda Doorashadda. Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo bilihii la soo dhaafay qabsatay shaashadaha bulshada, kadib markii ay dhowr jeer hadal-faalleyn ama Comments ka bixisay Arrimaha Israa’iil. Xildhibaanada oo ah mid ka mid ah Haweenka Muslimiinta ee Novembertii tegtay loo doortay Kongareeska Maraykanka waxay beenisay inay Lacagihii Ololaheeda loogu deeqay ay u adeegsatay Furiinkeeda, waxay kale oo ay sheegtay in dib u celisay 2,500 oo Dollar oo ay ka qaadatay Jamaacdo ku yaalla Gobalka Minnesota. Eedeymaha haatan la baadhayo waxaa Ilhaan Cumar horey u sameeyey Xildhibaan Istefe Darazkowiski oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi, waana markii 3-aad oo Ilhaan Cumar lagu eedeeyo inay si khaldan u isticmaashay Lacagihii Tabarucaadda ee Ololaheeda Doorashadda ee uu horey u soo bandhigay Xildhibaankaasi. Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa la filayaa inay soo saaraan natiijada Baadhitaankooda bisha soo socota ilaa 6 toddobaad, iyadoo Eedeymaha loo haysto Ilhaan Cumar u muuqdaan in la siyaasadeynayo, maadaama ay si qayaxan u soo bandhigto Aragtideeda ay dhibsadeen Maamulka Trump iyo kuwa Israa’iil.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Halkan ka Daawo Wariye Dalmar Oo London Ka Yimid Hargeysa Live Ku Soo Galay Iyo Waxuu Ku Arkay..

You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.