Laba Kala Bariday Kala War la’. EX: Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

Waxan maanta halkan ku soo gudbinaya,maqaal aan kaga hadlayo arin beryahan ka dhacda somaliland. Taas oo damiirkaygu aad uuga xumaaday, isla markaana aan qarsan kari waayay, go,aana aan ku gaadhay inaan bulshada u soo bandhigo si aan kuwa ka xumaaday ee ila midka ah ula qaybsado dareenkayga. Bal si aan u fahano arintan bal an dib ugu noqdo taariikhda aduunka gaar ahaan dalkeena aan deganahay ee Sweden,

Waxa taariikhdu markii ay hayd 1800kii ka dhacay dalka Sweden macaluul aad u fara badan iyo waxla,aan baahsan taas oo ku kaliftay in malaayiin swidhish ahi ka guuraan waddankoodaa ilaa dalka Amerika. Safarkaasi wuxu qaadan jiray ilaa laba bilood oo doon la saaranyahay, dadkii meeshaas tegay markii ay tageen waxay aad uga qaybqaateen horumarkii iyo cilmiyadii waddankaas ka socday isla markaan waxay noqday bulsho aad wax uga taray waddankii ay tageen, lakiin ta ugu sii muhimsani waxa weeye may illabin waddankii ay ka tageen ee waxay go,aan ku gaadheen inay waddankoodina aad u horomariyaan isla markaanq uu ka mid noqdo wadamada addunka ugu horumarsan, taasian way u rumowday oo dadkii halkaa u qaxay ayaa sabab u noqday inay maanta Sweden tahay dal hodona isla markaana isagu qaabila qaxootiga.

Ugu danbayntii dhaammaan way ka soo wada guureen Amerika waxa maanta kaga hadhay tiro aad u yar , waxay dadkaasi awoodi kara yeen inay xoogaa boqolaal dollar ah bishii reerohooda u soo diraan, sida qurba joogeenu sameeyaan oo kale, isla markaana waxay samayn karayeen inay saddexdii sanoba hal mar yimaadan, laakiin waxay ka door bidaan inay dhibkii iyo macaluusha soo martay ka badbadiyaan dadkooda dalka ku hadhay nolol iyo sharafna u sameeyaan ubadkooda iyo jiilashooda soo socda intaba. Bal hadaba an barbardhigo qurbajooga Somaliland, Qurba joog Somaliland waxan ognahay marka koobaad halka ay ka taaganyihiin ka qayb qaadashada horumarka iyo cilmiyada wadamada ay ku noolyihiin, mana doonayo inaan taas ku dheerado.

Qurba jooga Somaliland waddanka way jirta inaay xooga lacag ah u soo diraan lakaiin maaha kaalintii looga baahna, haddaba tan ka sii darani waxa weeye inay sanadahan danbe caado ka dhigten inay intay waddanka tagaan ay casuumad ku cunaan wixii yaraa ee shacabka dhibaataysan cashuur ahaan looga qaadi jiray, waxan ognahay maalmihii u danbeeyay Hargaysa waxa ka dhacayay mudaaharado shacabku biyo la,aan kaga cabanayeen, galbeedka waxa ka soo baxayay qaylo dhaan abaareed. Intaasba iyadoo ay jirto ayaa dhawr boqol oo qurba jooga casuumad aanay u bahnayn ku cunayeen hargaysa. Waxa iga yaabisay waxa weeye horta mare diinta islamaka taasi waa ku xaaran, teeda kale wadamada aan joogno waxan ku baranay inay bani aadamnimadi taasi aqbalayn, qurba joogi aan doonaynay dadka inaay dhibka jira maanta gaashan uga noqdaan iyaga ayaan noqday kuwo u taga dalka in la casuumo,iyaga oo ku abaal sheeganaya waxoogaga ay dalka u diri jireen.

Waxa taasi i fahamsiinaysa inaan qurba joogu dareensanayn dhibka dalka ka jira, isla markaana ay u haystaan in dadku ku noolyihiin sidii wadamadii ay ku noolaayeen.waxan xasuustay xikmada soomaaliyeed oo odhan jirtay. Habartii degelkeeda iyo duleedkeeda roob helay Dadka wada hel moodoo daad wararac bay tidhi.

11721446_968765869851043_1257939613_n (1)

Ex: Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

Sweden

1 Comment on Laba Kala Bariday Kala War la’. EX: Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

  1. NAA GABADHEEY DADKA FADEEXADDA KA DAA WAAD KHALDAN TAHAY, WAXAANAD TAHAY DADKÁ TAHRIIBKA DHIIRI GELIYA, MANA AHA IN AAD ARAGTIDAADA KU SALAYSID WADDANKA REER YURUB EE AAD QAXOOTIGA KU TAHAY, QURBA-JOOGA IYO XUKUUMADDUNA WAA KHASAB IN AY KULMAAN OO LA IS WACYI GELIYO, WAX LA CUNAYNA MA JIRAANE DADKA SHARAFTOODA MEEL HA UGA DHICIN, WELIBA ADIGU QOF DUMAR AH BAAD TAHAY EE XISHOOD

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.