Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wasiirkiisa khaarajiga, ayaa Dalka kusoo laabtey

Hargeysa (TVSLE)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wasiirkiisa khaarajiga, ayaa ka warbixiyey natiijada safar ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta oo qaatay muddo 8 maalmood ah.

Madaxweyne Siilanayo iyo weftigiisa oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Hargeysa maanta, waxa uu si kooban uga hadlay safarka ay ku tageen Imaaraadka Carabta, waxaannu yidhi; “Farxad weyn ayey noo tahay in aannu ku noqono dalka hooyo, annaga oo nabad qabna iyo dalka oo nabad qaba, aad ayaanan idiinku mahadinaynaa sida fiican ee aad noo soo dhawayseen, waxa aannu dalka ka maqnayn muddo 8 maalmood ah oo aannu tagnay dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalooyinka Dubay iyo Abu Dubay, taas oo aannu la kulanay masuuliyiintii madaxda ka ahayd halkaas, kana wadahadalnay danaha labada dal iyo wixii wad wada qabsi ah ee inaga dhexeeyey.”Waxa kaloo uu sheegay in masuuliyiinta ay kula kulmeen dalka Imaaraadku ballanqaadeen in wefti ka socda dalkoodu safar ku iman doono Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa jirtay inay ballanqaadeen mashaariic iyo waxyaabo badan oo inaga dhexeeyey, iyadoo aann si fiican uga wadahadalnay, isla markaana mashaariicda aannu ka wadahadlay dadka madaxda ka ah ay u iman doonaan Hargeysa sidii loo fulin lahaa, loona horkici lahaa, arrintaas oo ay ka shaqayn doonaan haddii Ilaahay yidhaah.

Waxa aannu aragnay sheikh Mansour oo ah Wasiirka Madaxtooyada dalka aynu jaarka nahay, waxaanan ka wadahadalnay cilaaqaadka inaga dhexeeya iyo waxyaabaha labada dal danaha u ah iyo wixii mashaariic ah ee ay inoo fulinayaan, iyadoo aannu aragno in aannu si fiican ugu soo guulaysanay safarkaas.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa weftiga madaxweynaha, ayaa isaguna ka warbixiyey natiijada safarka ay u tageen dalka Imaaraadka Carabta, waxaannu yidhi; “Waxa aannu la kulanay madaxda shirkadda la yidhaah DP World, wuxuuna safarkayagu ahaa mid guul weyn soo dhaliyey, waxaanan ka wadahadalnay arrimo badan oo la xidhiidha dhaqaalaha, biyaha, laydhka, dugsiyo waxbarasho, cusbitaalo, jidadka iyo hawlo badan oo ku lug leh nabadgelyada, qaxootiga badan ee Yemen iyo sidii labada waddan u yeelan lahaayeen iskaashi, iyadoo mashaariic ay hore inoogu ballanqaadeen aannu daba soconay iyo qaar kaloo cusub oo aannu hadda ka wadahadalnay, waxaanan qabnaa inay yihiin mashaariic hore u marinaysa waddanka Somaliland.

“Waxa aannu la kulanay madaxda shirkadda DP World oo aad u xiisaynaya inay maalgashadaan dekedda Berbera, waxaana jira xiiso badan oo loo qabo dekedda Berbera oo ay shiraddo waaweyn oo caalamka ah dannaynayaan, waxaanna ka mid ah shirkadda Faransiiska ee Bollore African Logistics, DP World oo Imaaraadka ah, Mediterranean shipping company oo xaruntoodu tahay dalka Switzerland iyo dad badan oo kale ayaa aad u xiisaynaya, waxaanan qoranay dad khubaro ah oo inaga eegaya shirkadaas, iyadoo aynu ka qaadan doono shirkadda ugu muhiimsan ee dantu ugu jirto dalka,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.