});

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuun Axmed Yuusuf

Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Axmed Yuusuf Siciid oo kamid ahaa haldoorka miisaanka ku leh dhex bulshada reer Somaliland, dhawaanna ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay doorkii shariifka ahaa ee uu marxuum Axmed Yuusuf Siciid kasoo qaatay dib-u-dhiskii iyo horumarintii dadka iyo dalka reer Somaliland, waxana uu tilmaamay inuu marxuumku bulshada ugu jiray kaalin mug iyo miisaan leh oo la tebi doono.

Xubno kale oo kamid ah waxgaradka iyo hormoodka bulshada oo iyaguna goobta Aaska hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna marxuumka ku sifeeyey haldoor bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa, kana tegay taariikh wax ku Ool ah oo aan la hilmaami Karin.

Marxuum Axmed Yuusuf Siciid, ayaa kamid ahaa haldoorka reer Somaliland ee sida weyn uga soo qayb-qaatay dib-u-dhiskii dalka, isaga oo sidoo kale kamid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxana Aaskiisa ka qaybgalay badiba labeenta iyo waxgaradka Somaliland.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

HALKAN HOOSE RIIX OO KA DAAWO Xafladi Lodon Ruxday Ee Reer Somaliland Iyo Waxii Lagu Soo Bandhigay

You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.