Madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay inuu albaabada ka xidhtay Musharaxiintii is bedel doonka

Musharaxiintii is bedel doonka aheyd ee qeybta ka aheyd guushii Madaxweyne Farmaajo ka soo hoyay doorashadii 8-da Febraayo ayaa kulamo wada tashi uga socdaa magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in aakhirka kulamadan laga soo saaro war murtiyeed.

 

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Jowhar.com, Musharaxiintii hore ayaa ka careysan hab dhaqanka cusub ee uu la soo baxday Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, isagoo albaabada ka xirtay.

Kulankii Madaxweyne Farmaajo markii la doortay uu Hotelka Jazeera kula yeeshay qaar ka mid ah Musharaxiintii is bedel doonka aheyd ayuu u sheegay in aanu noqon doonin sidii Madaxweynihii isaga ka horeeyay, oo xilligii doorashadii 2012 kaddib albaabada ka xirtay Musharaxiintii xilligaas qeybta ka aheyd guushiisa.

Mid ka mid ah Musharaxiinta oo la hadlay Jowhar.com ayaa sheegay in ka hor doorashadii Madaxweynaha ee 8-da February ay Musharaxiintii is bedel doonka ay isku dhaarsadeen in Musharaxa ugu cododka badan ee u gudba wareega labaad ay ugu shubaan cododka ay helaan wareega labaad, taasna ay sameeyeen.

Hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay in hada uu la soo baxay hab dhaqan cusub iyo in markii uu la wareegay Villa Somalia albaabada ka xirtay.

Waxaa heshiisyada horay loo wada galay ka mid ahaa in Musharaxiinta is bedel doonka ahaa qeyb ka noqdaan dowladda cusub, tiiyo haatan muuqata in aanay xubno ku yeelan doonin Wasiirada cusub ee la magacaabi doono.

Musharaxiinta is bedel doonka ayaa haatan shirar ku leh magaalada Muqdisho, iyagoo ka fikiraya inay soo saaraan war murtiyeed ay uga hadlayaan xaalada dalka uu marayo iyo balamihii ay horay u wada galeen Madaxweyne Farmaajo, ka hor inta uusan xilka ku guuleysan.

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.