});

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Maanfa Daah Furay Shirka Horumarinta Tijnoolojiyada. SAWIRO

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Shirka heer qaran ee Cilmiga Tignoolojiyada oo ka furmay Magaalada Hargeysa

islamarkaana socon doona laba maalmood oo lagu lafa guri doono horumarka dhanka IT-ga ee Somaliland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolojiyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa guud ahaanba Shirkada waa weyn ee Isgaadhsiinta waddanka iyo shirkada ka shaqeeya arrimaha Tignoolojiyada , muddadaa uu socdo shirkaasi waxaa laysku waydaarsan doonaa arragtiyaha iyo aqoonta kala duwan ee IT-ga iyadoo la filaayo inuu kasoo baxo War-murtiyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyada hanaanka wanaagsan ee ay usoo abaabushay shirkaasi, sidoo kalena waxa uu ku amaanay Shirkadaha isgaadhsiinta doorka muuqda ay ku leeyihiin horumarinta Tignoolojiyada Waddanka.

Madaxweyne ku xigeenku ayaa sidoo kale sheegay in loo baahnaa shirkan si loogu eego halka ay marayso Tignoolojiyada waddanku iyo halka aynu higsanayno, waxaana uu shirkadaha iyo Wasaaradda u rajayey in wakhtiga uu socdo shirkaasi uu kasoo bixi doonaan qodobo muhiima oo guul u ah Qaranka.

Dhanka kale Madaxweye ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray Carwo loogu talo galay Tignoolojiyada iyo horumarinta IT-ga oo ay shirkadaha kala duwan ee Waddanku kusoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan ee ay bulshada u qabtaan, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka socod kusoo maray dhammaanba goobaha ay shirkadaasi kuoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan.

Wa-bilaahi tawfiiq

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing
Image may contain: 1 person
Image may contain: 1 person
Image may contain: 5 people, crowd
Image may contain: 7 people, people standing, suit and indoor
Image may contain: one or more people, crowd and indoor
Image may contain: 10 people, people standing and suit
Image may contain: 7 people, people standing and suit
Image may contain: 9 people
Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: 4 people
Image may contain: 2 people
Image may contain: 8 people, suit
Image may contain: 2 people, people smiling
Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail
You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.