Madaxweyne Siilaanyo oo laba danjire u kala magacaabay dalalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Iyo Shiinaha

Hargaysa (Tvsle)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China
2. In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

madaxweynaha

Tvsle.net

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.