Madaxweyne Xaaf Oo Shir Deg Deg Ugu Baaqay Horjoogayaasha Maamulada Soomaaliya Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada soomaaliya inay iskugu yimaadaan shir deg deg ah.
Madaxweyne Xaaf oo war qoraal ah ka soo saaray xafiiskiisa ayaa sheegay in dawlada federaalku ay ku mashquulsan tahay burburinta maamulka Galmudug, isaga oo xusay inay ka jartay taageeradii dhaqaale ee ay siin jirtay.
Warka ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in dawlada federaalka ahi ay ku fashilantay hawlihii loo igmaday isla markaana ay hada ku foogan tahay burburinta nidaamka federaalka ah ee dalka ka jira, isaga oo xusay in maamulkiisa Galmudugna lagula jiro dagaal toos ah oo kaga imanaya dawlada dhexe.
Warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka loogu baaqay madaxda maamulada soomaliya uu ka dhici doono magaalada Dhuusamareeb, iyada oo beesha caalamkaa loogu baaqay inay il gaar ah ku eegaan xaalada dalka soomaaliya.Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan magacaabida Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo dhowaan uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey












