Madaxweynihii Dowlad Degaanka Amxaarada Iyo Taliyihii Guud Ee Ciidamada Itoobiya Oo La Dilay, Abiy Axmed Oo Ka Hadlay

Addis Ababa)-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxaa la dilay madaxweynihii dowlad degaanka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisa Ezez Wasie kadib iskudey afgambi oo ka dhacay deegaanka Amxaarada.

Dhankiisa ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu sheegay in sidoo kale la dilay taliyihii guud ee ciidamada General General Seare Mekonnen, isaga oo intaasi raaciyey in ay toogteen dad isaga ku dhowaa.
Dadka deggan Bahir Dar ayaa sheegaya iney rasaas maqleen, waxaa kale oo jirta in safaaradda Mareykanka ay soo saartay qoraal la xidhiidha digniin in rasaas laga maqlay Adis.
Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay, balse wararkan ka soo kordha kala soco http://tvsomalilandeurope.net/












