Markab Nooca Kulluumaysiga Ah Oo Laga Leeyahay Dalka Masar Oo Laba Muwaadin Oo Reer Somaliland Ku Daadiyay Badwaynta Iyo CIidamada Booliska Saylac Oo Arinkan Dad U Xidh-xidhay

Hargeysa(Tvsle)- Ciidamada amaanka ee degmada Saylac ayaa xabsiga dhigay nin uu magaciisu yahay Axmed oo ay qaraabo dhaw yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo masuul ka ahaa markab nooca jaraafka ah oo laga leeyahay dalka masar kadib markii ay markabkaasi soo dacweeyeen labo muwadin oo reer Somaliland ah oo waqti ay ka shaqaynayeen markabkaasi ay goor habeenimo ah bada ku tureen kalluumaysatadaasi masaarida ahi.

Labadan muwaadin oo lakala yidhaahdo Aadan Xaashi Badar oo ka tirsanaa Ciidanka Bada iyo Faarax Xaashi Aadan oo ka tirsanaa wasaarada kaluumaysiga ee Somaliland,waxana ay uxilsaarnaayeen inay markabkaasi asy ka hawlgalayeen ka ilaaliyaan xadka kaluumaysatada maxaliga ah ee reer saylac.

Maxamuud Cali oo ka mid ah kaluumaysatada reer Saylac oo labadan muwaadin kula kumay Saylac ayaa  uga waramay sida ay labadaasi muwaadin badda kaga soo badbaadeen oo ay uga sheekeeyeen, waxana uu yidhi

“Waxa ay igu yidhaaheen, wax walaba waxa ay dhaceen goor habeenimo ah, oo aan hurudnay, waxa aan ku baraarugnay buuqa iyo sawaxanka na hareereeyay iyo rag labadayadiiba kor u qaaday oo noo sii wada dhinaca markabka jambigiisa, hadalba nama aysan siin ee bada ayay nagu tureen, waxana aan ku badbaadnay tii ilaahay iyo dabaal aan ku nimid xeeliga Saylac, hadii ay ahaan lahayd masaafad fog, labadayadaba la nama arkeen, balse Saylac ayaa noo muuqatay, qorigii ciidanka ee ay naga faramaroojiyeena way sii qaateen”

Maxamuud waxa uu intan ku daray “Waxa jirta dareen isa soo taraya oo ka dhan ah xil gudasho la’aanta masuuliyiinta Kaluumasiga iyo Ciidanka Bada ee Saylac,sabata oo ah, marka horaba markaakiibta Jaraafka ah waxa loogu talo galay in ay fuulaan afarqof oo ay labo yihiin laba Inspector oo ka socda Wasaarada Kaluumaysiga iyo Labo nin oo ka socda ciidanka qaranka si ay isku badalaan oo isku nasiyaan, indhahana ugu hayaan hawlaha uu markabka Jaraafka ah ee la saaray uu hayo”

“Taasi ma dhicin oo markabkan waxa ay masuuliyiintii ay khusaysay saartay laba qof oo kaliya, halka labadii kale ay lacag ahaan ku qaateen, waase yaabe laba nin oo aan indhaha isku qabanayn habeen iyo maalin side ayay u ilaalin karaan markab dhan oo hawlo badwaynata ka haya, waxana nasiibdaro ah in Masuuliyiintu ay kala shaxaaday shaqadii ay umadan u haysay”

Inkasta oo labada muwaadin ee markabkan Masriga ahaa uu bada ku tuuray ay wanaagsan yihiin ayaa hadana dacwadan ka dhanka ah markabkan ee ay furteen ay tahay mid salka ku haysa ugu yaraan sidii loo heli lahaa Qorigii ciidanka ee ay Masaaridu qaadatay.

Si kastaba ha ahaatee Markabkii Ajaanabiga ahaa ee falkan gaystay ayaan la garanayn jiho uu u dhaqaaqay mana jiraan wax hawl gal ah oo ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland ay qaadeen.

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.