Masar Oo Diiday In Baadhitaan Madax-banaan Lagu Sameeyo Sababta Uu U Dhintay Maxamed Mursi

Masar ayaa maanta ku eedeysay QM inay siyaasadeeneyso geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi, ayada oo ku baaqeysa “baadhitaan madax-banaan” oo lagu sameeyo sababta uu u dhintay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha diebdda Masar, Ahmed Hafez ayaa “sida ugu xooggan” u cambaareeyey baaqa afhayeenka guddiga QM ee xuquuqda aadanaha, Rupert Colville oo dalbaday in si madax-banaan loo baaro geerida Mursi oo Isniintii ku dhintay maxkamad ku taalla Qaahira.

Hafez ayaa sheegay in tani ay tahay “isku day ula kac ah oo lagu siyaasadeynayo geeri si caadi ah ku timid.”

Colville ayaa talaadadii dalbaday in la baaro haddii xaaladda xabsigii uu lixda sano ku jiray Mursi ay hoggaamisay dhimashadiisa.

“Geeri kasta oo deg deg ah waa inay daba socotaa baaritaan deg deg, cad, oo dhex-dhexaad ah, oo uu sameeyo guddi madax banaan” ayuu yidhi Colville.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Masar ayaa sheegay in Morsi oo 67 jir ahaa uu Isniintii ku dhacay maxkamadda Qaahira oo lasoo taagay kadibna uu geeriyooday.

Waxa uu intaas ku daray in Morsi uu u muuqday qof dhiifoon markii uu maxkamadda la hadlayey, hase yeeshee uu miir belay shan daqiiqo markii uu hadlayey kadibna uu dhacay.

Teleefishinka dawlada Masar ayaa sheegay in Mursi markiiba loola cararay cusbitaalka, laakin markii la geeyay uu u geeriyooday wax u muuqday wadnaha oo istaagay.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail
You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.