});

Maxaa Keenay In Lacagta Soomaalidu Ku Xajto Ay Ka Badato Mida Lagaga Xajo Wadamada Kale Ee Geeska Afrika?

,


Qaar kamid ah culumada Soomaalida ayaa walaac ka muujiyey qaab dhaqanka iyo lacagaha xad dhaafka ah ee ay qaadaan sharikadaha Xajka ka shaqeeya, xilli ay in badan oo bulshada kamid ah ay isu diyaarinayaan in ay gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Qaar kamid ah Xujaydaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin dhanka socdaalka ah oo ay kamid yihiin qiimaha oo aad u sarreeya aadna uga badan kan ay ku xajiyaan xujayda dalalka kale ee ayaga lamidka ah.

Waxay kaloo sheegeen in ay aad uga dib dhacaan waqtiga xajka ayagoo sheegay in bixitaankooda lagu aaddiyey xilliga uu xajku xirmayo iyo in la geeyo dalal kale oo markaas ay dib uga sii dhoofaaan.

Shiikh Axmed Daahir Xasan Xuseen oo kamid ah culimada Soomaalida oo BBC-da u warramay ayaa yiri: ” Cabashada aan qabnaa waxay tahay marka Soomaaliya laga tagayo waxaa la is galiyaa ciriiri, diyaaradaha ayaa dib u dhaca, mararka qaarna waxay naga tuuraan meelo kale sida Nairobi oo aan markaas dib uga sii dhoofno, Xajka markii la tagana waxaa nalaka tuuraa meelo kale sida Mustalifa halkii nala gayn lahaa Mina”.

daxda dawladda Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha, ayagoo ku baaqay in ay arrintaas soo fara galiyaan oo aanay ku fiirsan sida ay sheegeen sharikado lacag doon ah.

Waxay sidoo kale baaq kaas lamid ah u direen wasaarrada ku shaqada leh arrimaha Xajka.

Dad u dhuun daloola arrimaha Xajka ayaa BBC-da u sheegay in sababta uu qiimaha xajka lagu tago ee Soomaaliya uu qaaliga u yahay ay tahay in hal sharikad oo kaliya ay ka shaqayso arrintaas, taas oo aan lahayn sharikado kale oo tartan kula jira.

Dhanka kale sharikadaha ka shaqeeya arrimaha socdaalka Xajka ayaan u hoggaansamin qiimaha ay dawladdu u jaan gooysay in laga qaado Xujayda aadaysa xajka.

Isbarbardhigga qiimaha Xajka ee deegaanada Soomaalida

1. Jabuuti:Xujayda reer Jabuuti ayaa xajka ku taga lacag gaaraysa 2,500 oo dollar oo ay ku jiraan waxyaabaha uu xaajigu u baahan yahay inta uu gudanayo acmaasha xajka, sida cuntadiisa, halka uu dagi lahaa iyo neefkii uu qali laha, sida uu BBC-da u sheegay Madaxa arrimaha xajka u qaabilsan Jabuuti.

2.Kenya:Qiimaha ay Xajka ku aadaan Muslimiinta kunool dalka Kenya oo ay ku jiraan Soomaalidu ayaa ah 3,000 oo dollar, waxaana qiimahaas kujira dhammaan waxyaabaha ay u baahan yihiin xujaydu, marka laga reebo xaqul jeebka.

3.Itoobiya:dadka Xajka ka aada dalka Itoobiya oo Soomaalidu ay ku jirto ayaa waxaa laga qaadaa lacag gaaraysa 3,500 oo doollar, waxayna lacagtaas ku baxdaa arrimaha socdaalka, hoteellada iyo gadiidka halka aanay ku jirin cuntada qofka xaajiga ah.

Xujayda qaar ayaa marka ay xajka tagaan waxaa la dajiyaa teendhooyin halka kuwo kalena la dajiyo huteello, arrintaas ayay xujayda qaarkood sheegeen in ay ku xiran tahay sharikadaha diyaaradaha oo arrintaas ku kala duwan.

4.Soomaaliya:Dawladda Soomaaliya ayaa qiimaha lagu tago Xajka u jaan goysay in uu noqdo 3,300 oo dollar kadib markii ay cabasho katimid xujayda oo sheegay in laga qaado lacago xad dhaaf ah, hase ahaatee qaar kamid ah culimada oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wali qiimuhu uu aad u badan yahay sharikadaha qaarna ay qaadaan lacago intaas aad uga badan oo gaaraya 4,000 oo dollar.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Halkan ka Daawo Wariye Dalmar Oo London Ka Yimid Hargeysa Live Ku Soo Galay Iyo Waxuu Ku Arkay..

You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.