Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Lix Bilood Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Maxamed Sidiiq Dhamme

Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa 6 bilood oo Xabsi ah ku xukuntay gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq dhamme, oo xabsiga ku jiray in ka badan 50 maalmood. Maxkamadda ayaa ku heshay dambi ku saabsan Af-legaaddo Madaxwayne. Xeer ilaalinta Somaliland ayaa Racfaan ka qaadatay Xukunka maxkamadda. Masuuliyiinta xisbiga waddani ayaa dhankooda isku dayaya inay dammaanad in lagu sii daayo guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee xisbigooda.












