Maxkamadda ICJ Oo Shaacisay Xilliga Dib Loo Dhegeysan Doono Dacwadda Badda Soomaaliya Iyo Kenya

Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ ee magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa la filayaa inay dib u bilowdo dhegeysiga Kiiska Dhegeysiga Dacwadda ay Kenya ku sheeganayso qeyb ka mid ah Xuduud-baddeedka Soomaaliya.Dhegeysiga Dacwadaasi ayaa bilaaban doonta bisha September 9-da ee sannadkan 2019-ka, waxayna socon doontaa muddo 4 maalmood oo ku eg isla bisha September 13-da.

Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ waxay shalay oo Talaado ahayd baahisay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi, iyadoo Dowladda Kenya ka walaacsan tahay Go’aanka la filayo inay Maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo, kaasi oo loo badinayo in Somalia loo xukmin doono xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.

Maxkamadda ICJ waxay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi ku sheegtay in maalinta Koowaad ee Dhegeysiga Dacwadaasi ay Somalia hor imaan doonaan Xeer-beegtida ICJ, iyadoo Kenya la filayo inay Maxkamadda hor tagaan bisha September 11-da.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay mar kale hortegi doontaa Maxkamadda iCJ isla bisha September 12-da, halka Kneyana la filayo inay mar kale hortagaan Maxkamadda isla bisha September 13-da.

Dowladda Somalia waxay dacwad ka dhan ah sheegashada Kneya u gusbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ bishi iAugust ee sannadkii 2014-kii, iyadoo ku eedeysay inay Dowladda Kenya sheeganayso boobna ku hayso qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail
You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.