Muqdisho:Guddoomiyihii Hore Ee Xisbiga Midnimo Qaran Oo Xilkii Ku Wareejiyey Guddoomiyaha Cusub

Muqdisho (Tvsle)- Waxaa Si Wada jir ah Shir Jaraaid ugu  qabtey magaalada Muqdisho Gudoomiyihii hore  Xisbiga Midnimo Qaran Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow) iyo Gudoomiyaha  Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran  Cabdirisaaq Cabdulaahi Waaberi , wuxuuna Shirkaas Jaraaid ujeedkiisu ahaa Xil Wareejin .

Ugu Horeyn Waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyhii  hore Xisbiga Midnimo Qaran Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow)    oo sheegey in aad ugu Faraxsan yahay in uu Xilkii Xisbiga Midnimo qaran uu ku Wareejiyo Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Cabdirisaaq Waaberi oo uu ku tilmaamey Shaqsi  Hogaamin kara  Xisbiga lehna Khibrad iyo Waayo aragnimo. “Xil Wareejintaan waxay ku tuseysaa sida Xisbiga uga go’an tahay in Hogaanka uu noqdo mid Dimoqaraadi ah oo la wada leeyahay “ sidaa Waxaa yiiri Gudoomiyihii Hore ee  Xisbiga Midnimo Qaran Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow) oo u soo  jeediyey Gudiga Fulinta , Golaha dhexe iyo Taageerayaasha in ay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Cabdirisaaq Waaberi.

Waxaa isna halka hadey Gudoomiyaha  Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran  Cabdirisaaq Cabdulaahi Waaberi  oo u Mahadceliyey Gudoomiyihii hore Cabdiraxmaan Baadiyow oo uu ku tilmaamey Shaqsi doonayey in Isbedel lagu sameeyo Xisbiga isagoo halkaa ka balan qaadey in uu Xisbiga ku hogaamin  doono  Wado sax ah oo ummada Soomaaliyeed Wax tar u ah .

“  Marka hore Xilka waa uu adag yahay  wuuna Guda Balaaran yahay hase yeeshee waxaa looga bixi karaa  Wada tashi iyo in lala yimaado hal-abuur si Xisbiga uu u gaaro ujeedooyinkiisa “Sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha  Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran  Cabdirisaaq Cabdulaahi Waaberi oo sheegey in Xisbiga Howlahiisa  u dardargelin doono.

Xisbiga midnimo Qaran wuxuu si farxad  iyo reyn reyn leh u soo dhaweynayaa Gudoomiyaha  Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran  Cabdirisaaq Waaberi ,wuxuuna u rajeeyey  in uu ku Guuleysto Xilkaas loo idmadey sidoo kale Xisbiga wuxuu u  Mahadcelinayaa Gudoomiyihii hore  Dr Cabdiramaan Baadiyow oo noqdey Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Madasha Wadaniga

Gudoomiyaha  Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran  Cabdirisaaq Waaberi  waa aqoonyahan muddo ka shaqeynayey Urura bulshada rayidka kana soo mid noqday Xisbiyada waaweyn ee Dalka  Sweden isagoo sannadihii (2010- 2014) ka mid noqdey Baarlamaanka Wadanka Sweden.

Tvsle

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.