Qofkii 5-Aad Oo 4 Maalmood Gudahood Tooreey Lagu Dhaawacay Magaalada London

-Booliska magaalada London waxay sheegeen in qofkii 5-aad muddo 4 maalmooda gudaheeda tooreey lala dhacay,
isla markaana ay xaalladiisu liidato. Weerarka shalay ayaa la sheegay in nin da’da 30-aadka ku jiray la dhaawacay, lana dhigay Cisbitaalka. Sidoo kale, 4 Dhibane ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay lagu dhaawacay Tooreey
Deegaanka Edmonton ee W/galbeed ee London. Raysal wasaare Theresa May waxay ka qeyb gashay kulan looga xaajoonayey fal-dembiyeedka Tooreyda oo ku soo badanayo dalka Britain. Tiro-koob rasmi ah ayaa muujinaya in 285 dhaawacyo Tooreey loo adeegsaday ay ka dhaceen England iyo Weelis sannadkii hore, waana heerkii ugu sarreeyey muddo ka badan 70 sanno












