Raysal Wasaaraha Somaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka suuban ee ay dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoona soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

“Xiriirka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xoogan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib¬-u–dhiska dalka, kadib, burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo heysta dhalashada Norway ayaa kulankii uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norwey Mr. Børge Brende uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dawladdu ka samaysay dhanka dawlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalkeenna.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Norway Børge Brende ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , wuxuuna tilmaamay in dawladdiisu ay si toos ah u garab taagan tahay lana shaqeyn doonto dawladda Soomaaliyeed.

Norway ayaa ku lug laheyd muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo qeyb ka aheyd qorshaha shidaal baarista ee badda, waxaase la ogeyn in Ra’iisul Wasaaraha oo qudhiisa saami ku lahaa shirkadda Soma Oil and Gas in arrimaha ay wada hadleyn uu qeyb ka yahay arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.