Somaliland: Geel ba’aw yaa kule Qormadii Dr. Saeed Sheikh Mohmed

Hordhac

Tan iyo maalintuu Madaxweyne Siilaanyo doraashada ku guulaystay ila hadda waxan la daba taaganaa talo iyo toosin aan war baahinta u marinaayey. Shanta Sanadood ee u madaxweynaa ahaa, marqudha indahaygu may qaban, Hargaysana waan joogay. Isna iimayeedhin, anna umaan tagin. Qodob qudha oo talooyin kaan u gudbiyey ka mid ahaana ka muuqadan. Talooyinka is daba jooga ah ee aan u gudbinaayey, anigu waaji Siilaanyo kaga maan doonayn iyo inuu meel ii magacaabo, ee waajib wadanku igu leeyey ayaan gudanaayay. Waxan rumaysnay haduu warqadaan u soo qorey ee ugu horaysay ee dheereeyd ee aan Somaliland waaya heed ka lafa gurey, mashkalad kastoo jirtana xal keedii miiska u saarey, hadu dhaqan galin laha, in maanta Somaliland waji kale yeelan lahayd. Barnaamij yada aan u soo jeediyey Madaxweynaha waxay ahaayeen wax aan aqoon sare u leeyahay. Anigu waxan ahay nin khabiira oo ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha iyo horimarinta bulshada, cilmina ka gaadhay Shahaadada PhD (waa shacaadada u saraysa ee Jaamacadi bixiso) waxna ku bartay wadanka Fransiiska, oo dhul muslim iyo mid gaaloba ka soo shaqeeyey, iyadoo waliba wadama qaarkood ay ahaayeen qaar daagalo ka dheceen oo burburey; aniguna waxan ka noqday hormood qorshaha dib u dhiska. Dhawr jaamacadood oo Canada ku yaalaana bare ayaan ka noqday, Qaramda Madoobayna hawl wadeen caalamiya ayan u ahaa ( International Consulatant).

Siilaanyo xukuumadiisu gefkay la kawsatay, wuxu ahaa ahayd sidu mar qudha cidlada ugaga dhaqaaqay madaxdii xibiga Kulmiyey ee la soo halgamay ee aanuu la aantood talabo qaadi kareen, iyo sida qaldan ee uu soo xulaay wasiirada. Waa arrin ugub ah in wadamada dimuqraadiga ah, in marku xisbigu goolaysto, in laga dhaqaajiyo maamulka dalka, madaxdii xisbiga halbowlaha u ahayd, oo dad kale oo aan xisbiga ku abtirsan, xukunka gacanta loo geliyo. Hadayse taasi la hagaag sanaatey, waxay ahayd inuu go’aan xisbi oo la isla qaatay uu ahaado.

Mar walba waxa loo baahnaa inuu xukuumada u magacaabo dad khubara ah wasaarad kasta iyo hay’ad kasta, sii wadanka hore ugu maro. Taa inuu yeelo daayoo, kuwa ugu dhadhawi ee uu tala wadaaga la leeyahay, qaar baan tacliin hagaagsanba lahayn. Aqoontuna maaha sida af Somaliga loogu kala aftahan sanyey, iyo sida loo kala dhiiran yey marka bulshada lala hadlaayo, ee waa takhasus, iyo xeel-dheernimo iyo xirfad meheradeed (Professional skills). Maantana, maamul kii wuxu gacanta u galay, dad uu qolo, qaraabo, iyo xididnimo uu intooda badan ku soo xulay oo maansabyo waaywayn oo aqoon sare iyo xeelad u baahan ku taxay. Wadanka siday u galeen iyo halkay Siilaanyo dhigeen waa loo wada jeedaa. Muse Biixi’na waxay ka qabsatay, xukuumad aanuu arrin iyo tala waadaag la lahayn, inuu, sidii dhidir onkad kiciye, qalad kasta ku taageero. Waxa se xaqiiq ah in maamulka Siilaanyo intuu jirey, wixii Somaliland ka lumay, ama qalad loogu takri falay oo dhan, Madaxweynahaa kaligii ka masuul ah, if iyo aakhiroba. Kuwa uu soo dhawaystey ee uu gacal moodayaa magac xumo iyo ceeb ayey intooda badani la dul tuman yihiin.

Siyaasigii waynaa ee reer Lubnaan, Rashiid Karaami Alle ha u naxariistee, waxa loo magacabay inuu noqdo Ra’iisal Waasare markii magaalada Taif lagu soo gabagabeey shirkii nabada iyo heshsiinta 22/10/1989. Rashiid Karaami marar badan ooh ore ayuu dalka Ra’iisal Wasaare ka noqday, hase yeeshee markan xaaladu way ka duwanayd. Xil kii markii loo dhaariyey, khudbadii uu akhriyey wuxu yidhi: “ Lubnaan maanta way burburtey. Dalku wuxu u baahan yahay dad isku duuban, oo u hawl gala dib udhiska wadanka. Maanta xukuumad looma baahna ku salaysan diinaha ka la duwan ee reer Lubnaan. Waxan dhisayaa xukuumad khubara ah oo wadanka dib u dhiskiisa dardar gelisa”. Rashiid Karani wuxu u magacaabay wasaarad kasta waasiir ku xeel dheer xilka loo egmeday. Toban Sanadood oo qudha dabadeed Lubnaan waxay dhaaftay heer kii ay joogtay dagaal ka hortii. Siilaanyo waxa laga filaayey inuu noqdo Rahiid Karaamiga Somaliland, mu se garan.

Khilaafka wayn ee ka dhex oogan Golaha Wikiilada waxa wax laga saarayaa maamul kiisa. Arrinka la isku hayaana kuma koobna hamaha shidaalka oo qudha ee baroortu ceesaanta kayweyn. Waxa la rabaa sharici lagu xalaalaysto boobka badheedhka ah ee maamulka Axmed Siilaanyo uu ku hayo hantida umada iyo sooyaalka hiddaha, kuman yaalka sano ku xabaalaa carrada Somaliland. Wadan fayow ayuu Axmed Siilaanyo lagu wareejiyey. Maxaa shantii sano ee wadanka uu xukumaayey inoo hirgaly ee uu inoo qabtay; maxa baaba’ay, maxa la lunsaday; maxa la bililiqaystay; maxa inoo hadhay ee weli fayow ee hadda garida lootomayaa.

Siilaanyo maanta majoogo meel uu xukunka iskaga dhajiyo. Waqtigii la doortey wuu dhamaaday. Arag iyo itaalna wuu gabay oo da’ baa u run sheegtay. Maalintii dhawayd ee uu shirkii deeq bixiye yaasha uu furayey, wax ka muuqatay inuu aad u indha dareeyey oo wax hagaagsan akhriy karayn. Warqaduhu akhriyaay bog walba jumlad qudha oo loo waaweyneeyey ayaa kuyalay, oo muraayadiisii qarada wayneed waxba way ka tari wayday laleemada indha kasaran. Maadaama idhaha u ka liitana, maamul uu hanan karaa majiro. Arrin kiisu maanta waa wax dheg looga sheego iyo wax laga sexeexdo. Birna kuma gooyn ee waa intaan ka arko iyo garaad kay. Shacabku se waxay xaq ugu leeyihiin madaxweynaha inuu caafimaad kiisa ka war bixiyo. Sidaana waxa yeeli kara mid xilka culays ee uu shacabka u hayo dareensan, dad kiisana ixtiraamaaya. Alle waxan ka baryayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo ku sifoobow sida.

  • Hantida la iibiyey
  •  Maguurto
  • Guryaha iyo Dhulka Dawlada

Weynu ka wada dharagsanay hantidii dawlada ee ma guurtada ahayd, dhismo iyo dhulba, sida loo xaalufiyey iyadoon shacabka loo soo bandhigin sababta loo iibiyey, sharciga lagu iibiyey, cidda laga iibiyey, qiimaha lagu iibiyey, lacagtii halka ay ku dhacday, iyo hadii wax lagu qabtey iyo hadii kalaba xisaabteedii. Xataa Khayriyadii ayaa la iibiyey oo ah goob taariikheed ah oo aan qof wadanaka lexjo ka qaabaa inuu cid gaar gacanta u galiyo aanay ka suurtowdeen. Waa goob marku hore dadku leeyihiin oo aany dawladu shaqo ku lahayn. Waa meel faras magaalo ah, oo ku haboon in sar wayn laga dhiso oo iskugu jirta maktabad, iyo qolol waa wayn oo shirarka lagu qabto (Convention Centre).

  • 2. Warshadaa Laydhka:

Waxa la iibiyey warshadii laydhka ee Hargaysa iyo Berbera. Sababta loogu wareejiyey cid kale xukuumaduunba oog. Xeer dajinta, Garsooka, iyo odayaal iyo aqoon yahan midna lagalaama tashan. Hantida meesha taaley qiimaheeda iyo wax lakala siitay cidina Xukuumada lama oga; lacgtii waxa lagu qabtayna iyo meel mariyey laga ma war hayo.

Waxa la yaaba, xukumadu hantida qaranka ee faraha badan iibsay, inaanay mar qudha sifo sharciga waafaqsan oo caad saareen u marin. Xukuumadu waxay isu aragtaa in wax alaaliyo waxay iyadu rabtaa inu Sharci yahay, xataa haduu sharciga khilaafsanyey; waxa xukumadu diidaana uu sharci daro yahay. Dhaqanka cayn kaas ah waxa loo yaqaan xukuumadaha kali-Talis ka ah madaama aanu shacabku, oo ay metalayaan hay’adaha bulshadu iyo hay’adaha dawlada oo uu ugu horeeyo xeerdajintu, aanuu talo kulahayn falalka xukuumadda.

Xukumada Siilaanyo oo haatan ku caan baxday malafisiga hantida shacabka waxay cuskataa qodobka 12aad oo sidan u dhigan:
QODOBK 12AAD
HANTIDA-GUUD, KHAYRAADKA DABIICIGA AH
IYO WAX-SOO-SAARKA WADANIGA AH

  • Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas’uuliyadiisana Dawladdaa leh.
  • Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaafta iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer.
  • Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti-guurto ama ma-guurto ah, inay ubsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.
  • Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo xeer ayaa qeexaya.
  • Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa’iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.

Hadaba Hantida guud ee dastuurku ka hadlay:

  • Faqrada 1aad waxay leedahay wax ka musuul ah dawladda. Dawlada waxa lagu macneeyaa inay ka kooban tahay Shacabka, Xukuumadda, Xeer Dejinta iyo Garsoorka. Markaa Xukuumaddu uma laha awood gaarah.
  • Faqrada 2aad waxay leedahay daryeelka iyo ilaantia … waa wajib ka saaranyey Dawlada iyo muwaadiniinta; loo ma baahnayn in halkan muwaadiniinta lagu qoro maadaama ay ka mid yihiin Dawladda. Waxayse muran madoon ka dhigtay inaan ilaanta hantida Xukuumadda oo qudha sarayn, ee ay waajibtahy Shacabku inaanuu Xukuumad iyo cid kale toona ku halayn oo uu had goor fojignaado. Sidaa soo kale ayaa waajib u saaran yahay Xeer Dajinta iyo Garsoorka foojignaan looga fadhiyaa;
    Faqrada 3aad Xumuumaddu waxay awood u leedahay tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan. Halkan Dastuurku
    Wuxuu Xukuumadda awood u siinayaa tasaruf kasta oo Sharciga Waafaqsan. Maadaama aanyuu jirin sharci la waafajiya, taasaruf kasta oo Xukuumaddu ku kacdaa waa xaaraan dastuurkana ma waafaqsana;
  • Faqrada 4aad waxay sheegaysaa in khayraadka dabiiciga ah Dawladda-dhexe musuul ka tahay. Halkan waxa loojeeda inaan dawladda hoose shaqo ku lahayn khayraadka dabiiciga ah. Waxse Dawladda ka mid ah sidaynu horoba u sheegnay Shacabka, Xukuumada, Xeer Dejinta iyo Garsoorka.

Sidaa awgeed xil gaara oo kaligeed Xukuumadda ka saraan hantida guud iyo khayraadka. Garsoorka ayaa waajib ka saaran yahay inuu is hortaago.

Dastuurku wuxu qeexayaa inuu dhaqalaha Somaliland yayahay mid furan. Macnihiisu wuxuu yahay in uu ganacsigu yahay mid ka madax banana xukuumada, kuna salaysan yahay tartanka xorta ah sida qodokani sheegaayo.

QODOBKA 11AAD
DHAQAALAHA DALKA

  • Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantida wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.
  • lyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.

Daqalaaha xorta ah waxa sees u ah tartan furan oo dadkoo dhami fursadaha u siman yihiin. Sida se xukumada Siilaanyo hada wax u wada waa si aad uga duwan habka suqa xorta ah oo dastuurka Somaliland khilaafsan. Marka druufi keento in hanti qaran la iibiiy, waxa laga maarmaah ah in la xaraasho, iyadoo cid kasta oo danaynaysa ay ka qayb qadan karto is xor ah oo xalaala, oo waliba Garsoorkuna goob joog yahay.

2. Mareegta Isgadhsiinta badyaal ka ah
Fadeexada ugu wayn ee dul hoganaysa xukunka Siilaanyo, waa fursadii wayneed ee dahab ka ahayd ee ina soo martey tan iyo intay Jamuuriyadda Somaliland jirtay, marka laga eego xag daqaale, xag awoodeed, iyo xag maamuusba, ee uu sida fudud u lumiyey. Fursadaasi waxay ahayd mareegta telefonka bad yaalka ah (Fabre Optic cable) ee markii hore loo qorsheeyey in Mogdishu lagu talaalo, dabadeena gobalada Somalia/Somaliland oo dhan looga sii talaalo. Hase yeeshee waxay hay’adii caalamiga ahayd ee hawsha u xil saarayd qaraar ku gaadhay in Berbera lagu talaalo, dabadeena gobalada Somalia/ Somaliland loga sii talaalo madaama Moqdisho aanay ahayn nabad.

Jabuuti marku hadal ku soo baxay in Berbera mareegta la soo dhigaayo, waxay geed dheer iyo geed gaabanba isugu taagtey in arrinka la baajiyo, oo iyadu u talaasho keeda Somaliland. Ina Aw Siciid oo taagero balaadhan ka haysta Madaxweynaha Jabuuti ayaa u xil saarna in lagu qanciyo madaxda Somaliland inay arrinkaa aqblaan, maadama aanay jabuuti miisaan culus oo ay isku hortaagto ku lahayn Caalamka.

Madaxweyne Rayaale waay u cuntami wayday, inuu aarinka Berbera ku siman uu cid kale marti uga noqdo. Waxa la sheegaya inuu ina Aw Siciid ku yidhi hadaad maal gashanayso, mareegta Berbera ayaan kugu wareejinayaa, laakin Jabuuti marti uga noqon mayno isgaadhsiinta caalamiga ah ee qolqol kayaga taala. Shirkado ay kamid yihiin Dahabshiil iyo Telesom aya dareen mugle muujiey, waqtigii Rayaale. Shirkadaha wadaniga ah oo aqoon iyo awood dhaqaaleba ule inay arrinka ka soo baxaan, ayaa dalbaday in iyaga lagu wareejiyo maamulka iyo maal gashiga mareegta Berbera si wadankoo dhan loo gaadhsiiyo. Jabuuti se way u cuntami wayday in Berbera looga talaalo mareegta Somalia/Somaliland, iyo in shirkadaha Somaliland lagu wareejiyo baahinta mareegta wadanka gudihiisa.

Arrikii oo halkaa taagan ayuu Siilaanyo xukunka la wareegay. Shirkadii wadaniga ahaa arrinkii ka may hadhin ee Siilaanyo waxy ka dalbadeen inuu ku soo wareejiyo hawsha mareegta Berbera. Ina Aw Siciidna iyo xukuumadii Jabuutina olele ayay soo qaadeen. Siilaanyo arrinkaa wuu ka badheedhay; waxaanu doorbiday in mareegta isgaadhsiinta Jabuuti la soo gaadhsiiso Somaliland. Maamul keediina iyo baahinta mareegtana wuxu fara ugaliyey reer Jabuuti. Berbera arrin keediina daaqada ayuu ka tuuray. Shacabka uu muuso bandhigin waxa ku kalifay inuu sidaa yeelo.

Somaliland nasiib daroda ugu wayneed ee ku habsatay waxay ahayd markii meel mugdiya Siilaanyo ku sexeexay in mareegata isgaadh siinta caalamiga ah Somaliland looga soo jiido Jabuuti. Halkaasanay ku go’day Berbera iyo qorshe heedii. Waxa la yaab le waxa Rayaale arkaayey ee uu mashruucaa Jabuuti ku diiday, iyo waxay Jabuuti arkaysay ee ay ku doonaysay inaynu iyada u daba fadhiisano mareegta caalamiga ah, ee ay Siilaanyo iyo xukuumadiisu arki waayeen. Ma dano gaara oo laga laha ayaa ka xoog badatay, danta qaranka Somaliland oo dhan ee u Siilaanyo u dhartay inuu dacad iyo hufnaan ku maamulayo.

Waa yaab! Axmed Siilaanyo oo ku eedayn jiray Rayaale inuu iibinaayo hantidii umadda sida haamaha shidalka mareegta telefoonka, dekeda Berbera, iyo dhismayaasha qaranka, waxa ku dhacay ee isbedelka intaa leeg Madaxweynihii dhamaa uu mar qudha raadkiisii u dib uga noqday. Shalay marku mucaaradka ahaa wiixii xaaraanta uu ku sheegi jirey maxaa maanta xalaaleeyey. Hadii la wado oo la wado, loo heli maayo qiil lagu maxlalo.
`
Mareegta Isgaadhsiinta calaamiga ihi waxay ahayd fursadee ugu qiimaaha badnayd ee weligeed ina soo marta, iyo talabadii ugu mudnayed ee ictirafka inoo soo dhawayn lahayd. Hadii Berbera lagu talaali laha mareegta, Somaliland baa u talaali lahayd Somalia oo dhan iyo Ethiopia ka iibin lahayan. Awood badan oo anynu ku gorgortano ayay ina siin lahayd. Dakhli badan baa inaga soo geli lahaa, isgaadh siin madax banaan oo caalamiyana oo jaban ayay nu lahaan layn.

Xaalku sida uu hada yaha dawlad yar ayuu Siilaanyo gacanta inoo galay oo jiritaan ka Somaliland ka ba’aysa. Maalin qudha haduu afku inaga xumaado, Jabuuti way inaga xidhi karta xidhiidhka aduunyada oo dhan. Waxa dadkeena ka degi waayey, Somaliland mareegtaynu dawladaha jaarka aynu ka kirayn lahayn ayaa maanta Jabuuti inaga kiraysay. Jabuuti baynu maanta qool aan Alle ina baadin u galay. Waxa hanti ah ama mashaaric kale ah oo muuqda oo la inoogu soo badalyna majirto. Wax hoos loo kala qaatay se mooji. Shacabkuna waa wada indho iyo aqoon. Godobta intaa leeg ee wadanka laga galay marnaba kama saamixi maayo Siilaanyo iyo kuwa ku xeeran ee arrinkan ku taliyeyba.

Falka caynkan oo kale ah, ee ka hor imanaaya danaha istraatiijiga ah ee wadanka, waaxa lagu fasiraa khiyaamo qaran. Waxana waajib ah in baadhitan horle la sameeyo si wax badan looga oogaado duruufaha ku xeerna ee kalifay inuu Siilaanyo talaabadan qaldan qaado.

  • 3. Haamaa Shidaalka

Xukuumadu sifo sharciga waafaqsan umay soo marin inay wareejiso Haamaha Shidaalka. Golaha Wakiiladu aqlabiyad ayey ku soo saareen sharci is hortaagaaya Haamaha in la wareejo. Golaha Wasiradu waxay iska daba mareen inaanu inaanu Goloha Wakiiladu awood dastuuriya u lahayn oo uu isku hortaago wareejinta haamaha. Xukuumadu waxay cadaysatay inaanaay xurmo u ahayn Dastuurka dalka. Waxay xalaashadeen “la taagaa banana, la jiifiyaana banana”. Marku dastuurku xukuumada garsiinaayo, isagay cuskadaan. Marka kalana dan kama galaan ee way ka dulboodaan. Runtuna waxay tahay inuu Dastuurku Xeer Dajinta awood u siiyey in mashruuc Sharci oo kasta oo xeer dejinta aqlibiyad ku ansixisaan uu noqonayayo sharci, madaxweynuhuna ku qasbanyey inuu mudo 21 dharaarood ah ku saxeexo is loo dhaqan geliyo. Haduu Madaxweynuhu saxeexi waayo sidiisa ayuu u dhaqan geleyaa. Awood Dastuurku siiyey Dastuurku Xeer Dajinta ayaa waajib ka dhigaaya inuu Golohaa Wakiladu masuuliydiisa qaato.
QODOBKA 53AAD
AWOODDA IYO WAAJIBAADKA
GOLAHA WAKIILADA
2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax-ka-sheegista, celinta oo
sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.

3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

Hadaba, faqrda 2aad waxay sheegaysaa inuu Goloha Wakiiladu awood u leeyahay in barnaamij kasta oo Xukuumadu wadato gudo iyo debedba innuu ansixiyo intaan la dhaqan gelin.

Faqrada 3aad waxay iyaduna Goloha Wakiilada awood u siinaysaa inuu ansixiyo barnaajimj kasta oo Xukuumadu wadato oo culays maaliyadeed le. Maadama Haamaha Shidalku ay yiihiin il dhaqaale oo muhim ah oo soo saara $24 million sandkasta, waxa laga maarmaan ah in ogalaanshe laga helo Goloha Wakiilada. Xildibaanada Goloha Wakiiladu awood dastuuri ah ayey uleeyeen inay mashruuc sharci goloha keeni karaan, dawladu haday raali katay iyo hadii kaleba. Talaaba kasta oo xukumadu qaado oo khilaafsan dastuurka iyo sharuucda Somaliland waa xaraan lagumana dhaqmi karo.

Hase yeeshee xukuumda siilaanyo habkan aay wuxu wadaa waa sidii lagu yiqiin xukuumadaha hantigoosad (feudalism) ka ah. Waanaa tii galaafatay Boqor kii France Louis XVI ee shacabku marqudha intay ku gedooday xukun tuuray Sebtembar 22, 1792. Halkaana wax ka dhalatay Jamhuuriyadii u horaysay aduunyadoo dhan oo dadku si dimuqradiya u maamulaan, oo barlaamaan koodii ku doorteen . Shacabka reer Somaliland maanta waxa la gudboon inay gadoodaan iyagoo isku duuban oo ay is hortaagaan hamaha iyo dekeda la wareejinaayo, iyagoo sharcigana dhawraaya. Taa macnaheedu kama dhigna in Qasarka Madaxtooyada xoog lagu galo, ee siyaabo badan oo kale oo sharcigu ogol yahay ayey arrinkaa wax uga qaban karaan.

  • 4. Dekeda Berbera

Somaliland halbawla heeda dhaqaale waa dekeda Berbera. In daneheena aynu ku ilaashanaana waa waajib. Inagoo aan ictraaf haysan in cid kale lagu wareejiyaana ma haboon. Sababtoo ah, awood dhaqaale iy mid diblomaasi yadeed oo haduu khilaaf yimadu aynu kula gorgortami karnaa majiro. Horta. Mark ugu horaysa Madaxweyne Siilaanyo waxan ku la talinayaa inaanu, Somaliland oo maanta qool ugu jirta Somalia oo inagaga gudban ictiraafka, inaanu qool kale ina gelin oo dhaqaale. Somalidu waxay tidha “Geeljire ka caanee ayuu ku caanu waayaa”.

Mida kale shirkadan la yidha Dubai Ports World (DP World) inkast oo shirkad wayn ay tahay oo 65 dekadood oo calamiya ay maamusho, Dakhli geeduna yahya inka badna 3 billion oo dollar, waxa xaqiiqa inaanay inoogu iman inay innga danteena fuliso. Dan ay gobolka Geeska Africa, Badweynta India iyo Bada Cas ay ka leedahay aya inoola soo gashay. Xukuumada Siilaanyo arrin ay abaabul keeda lahaydna maaha. Shirkada oo soo adeeg satay xukuumada Imaaradka Caraabta ayaa arrinka wadatay. Dan iyo muraad inga maylahayn Shirkadu markii horeba ee markay Xukuumada Jabouti soo kala boodeen ee Jabouti maxkamad caalamiya dacwad ka fortay si heeshiis laba dooda u dhexeeyey loo buriyo ayey inaga dan ina mooday.

shirkada Dubai Ports World 65 Dakadood ah ee ay maamu shu gobol kan aynu ku naalo waxay ka maamusha oo qudha dekeda Jiddah iyo dekeda jabuuti oo qudha. Inta kale way ku yaalaan dawlada waaweyn oo haday mini mini ay ula timaado badda ka waraabinaaya oo awood iyo dhaqaleba u le inay maxkamad caalamiya soo taagan.

Dekeda ka Jidda ee ay maamusho Dubai Ports World, wax maal gashiya ku may samayn. Sacuudigu isaga maal gashigiisa iska wata. Waanaa wadan weyn oo aad u dhismaaya dhaqaale xoogana le. Marakiibta wadanka wax u sida ayaa meel ay kala istaagaan any jirin. Dubai Ports World Saudigu uga ma baahna inay markiib u soo jiidan iyo inay maal gashi ku sameeyaan uga ma baahna ee maamul qudha ayey u dhiibteen.

Jabuuti iyada dhaqaalaha ugu weyni wuxu kasoo gala dekeda sideena oo kale. Jabuuti waxa u hunguri taa geysey inay Dubai Ports World tayeysiiso dekeda una hawl gasho inay u soo jiido markiib badan oo bada cas iyo bada India ka goosha. Dubai Ports World hanti bay galisay oo dekeda hore loogu marinaayo. Shirkada Dubai Ports World iyo xukuumada Jabuuti wayse isku af garan waayeen maamul ka Dekeda. Jabuuti dheef badan kamay helin, sida muuqatana waanay ku hungowday himaladeedii ay ka lahayd maamul kay wareejisay.

Xukuumada Jabuuti oo ka calool waydsan sida ay wax u wado Dubai Port World, hadana dhanka sharciga aan waxaba ka qaban karayn, waxay markii hore ga’aan satay inay dhisato dekedo kale maadaama ay aduunyada deeq iyo amaah ka heli karto illayn waa dawlad la ictiraaf sanyahay, tii hore na u dhaafto Dubai Ports World intay dekedaa cusuni u dhamaanayaan. Sadex dekadood oo cusub ayaa u suura galay inya disato. Qaarna waa dhamaad, qaarna hawshoodii aya gacanta lagu hayaa. Dubai Ports World iyo xukuumda Jabuuti maxkamad bay hada iskula jiraan, oo Jabuuti waxay doonaysa in uu maamulka dekadu mar labaad gacanteeda uu soo galo. Waxa loo badinayaa in Dubai Ports World oo maamusha Dekedaha Raashid, Jabel Cali iyo Fujeera oo sedexduba ku yaalaan Imaaratka, iyo Dekeda jabuuti inaanay si siman wax ugu qaybin markay noqoto jihaynta markiibta. Taasina waxay keentay in Dekedada Jabuuti noqota mid sugta wax ka soo hadha labadaa dekadood ee kale, oo waliba dadkada Fujayraa ee

Dekedaha Berbera, Jabuuti, Cadan, Jidda, Ruseyl (Cumaan), Port Sudan, iyo dekedaha Imaaraatka Carabta (Jabel Cali, Port Rashid iyo Fujeera) waxay ku wada yaalaan gobol qudha marka xaga badda la eego. Marakiibta ka timaada Japan markay ku soo dhawaadan badda Cumaan, oo bariga Cumaan kaga began, ayuun buu markabka khalijka u socdaana galbeed woqiyi u kaca, ka xaga Badda Cas u socdaana hawd galbeed u kacaa. Marka wax lala yaabo maaha haday Dubai Ports World mudnaata koobaad siiso dekedaha wadan keeda ku yaal. Jabuuti oo dawlad ah shirkaday ay is af garan waayeen, , ma inagay hadh inoo jiidaysaa oo aan ictraaf haysan. Somalidu waxay tidha “Ninka hooyadii dilay, habar yartii ma bixiyo”. Hababa waa inay xukuumada Siilaanyo wax ku qaadataa isha Jabuuti ka laalaada. Hadii se xukuumadu ay dan moodayso in Dekeda Berbera cidkale gacanta loo geliyo, waxaan ku talinayaa inaan lagu degdegin. Waxan aad u qawad sanay aqoonta ay u leeyiin dekeda iyo badaha gudida Madaxweynuhu u xilsaary arrinkan.

Qadar Petro-chemical Co. (QAPCO) ayaan u shaqayn jirey sagaashanaad kii. Waxan la kulmay iyadoo in la balaadhiyo hawsheedii lagu jiro. Sedex shirkadood oo kala ah Italy, France, iyo Norwege ayaa u diyaar ahaa inay maal gashadaan oo la shuraakoobaan QAPCO. Wada xaajood kii shirkadaha ayaan la bilaabay. Annagu waxaanu ahayn gudi shan khabir ah iyo laba garyaqaan oo caalamiya oo ku takhususay howshaanu wadnay aanu soo kiiraysanay. Sedexdii shirkadood ee kalana waxay ahaa yeen ila shan khabiir iyo laba garyaqaan oo caalamiya oo Maraykan ah. Markaanu in badan doodno ee aanu qodob isku ogolaano, ayay garyaqaanadu ku qorayeen af iyo sifo qaanuuniya. Iyaga laftoodu waqtibay ka qaadanaysay intay isku af garnayaan ereyada iyo siiqada loo qoroyo. Garyaqaandu waxay ka wada dambeeyeen garyaqaan aanu wadanay oo Sudan u dhashay, oo kontanaad kii ka qalin jabiyey Jaamcada Cambridge, UK. Markay murugtana isagay ka codsanayeen inuu u yeedhiyo si ay tiisa u qortaan. Heshiis kaasi wuxu socday muda afar sanadood iyo siyaada ah. Mudadaa dheer waxay u qaadatay, waxbaa la kala jiidanayey. Inagana heshiisyada Somaliland lagasho shisheeya cidii ina mataylsay si loo soo xulay la garanmaayo, wax lagu heshiiye lalama oga, dantii dalka in sii fiican loo badbaadiyey in la ina dhacay lagama baaran degin, oo khubaro inaga caawisa loo ma bandhigin sexeexa hortii. Golaha Wakiiladana loo ma soo gudbin. Arrin keenu waa sir maqabe Alla u sahana. Alle wuxu ku caawinayaa markaad adigo hawasha inta kugu soo aadan aad si tayale u qabsatid.

Wax kasta oo laba dhinac ku heeshiiyaan, hadaan garyaqaan ku takhasuusay arrinka la isku hayo aanaad wadan, waxa xaqiiqa in heeshis kaa adigoo soo taagan wax badan lagu waasiin karo. Garyaqaan aan maadada laga xaajoonayo aan ku xeel dheereyni kuma anfacaayo. Waxa waajib ah in la isla helo garyqaano wacan iyo khubarada arrinka laga wada xaajoonayo takhasuska iyo waayo arragnimo dheer ule. Waxa se ii muuqda in wax alaaliyo wixi waanwaana ama heeshiisyah Somaliland iyo cid kale dhexeeya in gacanta loo geliyey gudiyo Xersi Xaji Cali Xasan ka kaw yayhay, hady tahay Dekeda Berbera, Somaliland/Somalia, iyo ictiraaf raadinba. Hadaan Dekeda Berbera ku soo noqdo waxa ay u badantay kuwa Somaliland metalayaa inaanay intooda badani bad waxba ka aqoon, ama se aanay waligood maqal (Berth, Dead Weight, Ocean Going Vessel, Charter Party, Demurrage, Dispatch Money, E.T.A., Packing List, Container Terminal, Transshipment, Maritime Law.. iwm.

Waxan maqlaayey maalin uu warbaahinta Somaliland la hadlaayey isago jooga Dubai oo le: “shirkado dhawr ah ayaanu is aragnay. Dhamaantood Dekedeena way rabaan, laakin wali shirkad naqancisa mahayno”. Waa layaabe, maxa Wasiir Xirsi qancin lahaa ee uu ka yaqaana dekeda caalamiga ihi siday u sheqeeyan, marakiibta bad ka gooshtaa habka shaqadooda ugutaan, ama xeerka bada u yaala iyo fayowga bii’ada.

  • Macdanta

Macdan badan oo qaaliya ayaa wadankeena ku jirta. Macdantaa si se tayle looga faa’daysto, waxa loo baahanyey in boobka laga ilaaliyo hore iyo horaanba. Shirkado waaweyn oo magacle ayaa raba inay macdantaa am la soobaxaan ama iibsadaan. Laakin sharci bay u baahantay dawliya iyo heshiisyo caalamiya oo hadii la isqabto lagu kale bixi karo. Waxase imika soo ifka baxday in shirkado been abura loo samaystey, oo iyadoo Xukuumada Siilaanyo xogtooda ogtey hadana heshiis hoos hoosa lala galay. Hada waxa xayga ka cadaatay shirkada la yidhaa African Resources Corp. oo uu ninShiina ihi hormood ka yahay. Shirkadani dhawr goor ayey dhoofisay macadan qiimahoodu badantey; lacagta meel lagu shubay iyo sida loo kala qaybsaday la garanmaayo. Isla markaa lama yaqaan Shirkadan meel ay ka diwaan gashantay, heshiiska lala galay, iyo saamaynta ay ku leeday fayawga dadka iyo deegaanka laga qodo macadantu. Imaaraadka Carabtu waxay danaynayaan waxa ka mida ah macdanta kala duwan ee faraha badan ee ku duugan buurta Gacan Libaax ( Maqaal gaar ayaan macdanta ku gorfaynayaa dhwaane la soco).

  • Shidalka

Mudu laba sano iyo dheerada, waxaynu maqlaynay shidaal Gobolka Togdheer laga baadhaayo. Cidi ilaa hadda kama war hayso heeshiis ka lala galay. Waxaa se haatan aduun yadoo dhami ka war heshay in Somaliland oo dhan lagu wareejiyey shirkado aan la hubin inay ka go’antey inay dhaqale iska geliyaan Somaliland oo aan la Ictiraafin. Shirkadaha hadda danaynaaya inay ka baadhaan am ka qodaan shidaal Somaliland, waxay u badantay inay xayiraad uun ujeedaan mustaqbal dambe oo fog. Shirkado dilaal ah oo raba inay gacanta ku dhigaan hantida dalka si ay uga iibiyaan shirkadaha waawayn oo caalamiya ama kula shuraakooban marka Somaliland la ictiraafo. Ila hadda wax lagula heeshiiyey, wax damaanada ah oo laga qaaday, iyo mudada la siiyey midna lagma war hayo. Kaba siidarane, lama oga in hadii bitrool la helo, qaranka saamigiisu intuu dhan yahay.
Untitled
Shaxdan waxa ku cad sida shirkada wadanka loogu qaybiyey.

  • Hiddaha Sooyaalka ah iyo Ugaadha

Hadana waxa Maamulka Siilaanyo u soo jeestay inuu hiddaha sooyaalka ah ee Somaliland ee ku taariikhaysan mudo ka badan 5000. Waxaynu ka war haynaa hiddaha buuraha Sheekh iyo Gacan Libax inuu la mid yahay kuwaa maalaayinta qof sanad walba dalxiiska ugu taagaan wadanka Masar ee loo yaqaan hiddaha Faraacinada ee ay Ahraamaadku ka mid yihiin. Faraacinadu waxay qalab adeegsan jireen ayaa iyaguna buurahaa ku xabaalan. Dalxiisaayaasha soo booqda goobaha sooyaal ka ah wax lagu qiyaasay 15 milyan oo qof 2010. Lacgta Masar ay soo geliyeena waa $12.5 oo bilyan (waa 12,500 oo kun oo milyoon oo dollar; waxana shaqo ka hela in ka badan 3 miilyoon oo qof) sanad walba. Haday Imaaradka Carabta iyo Kuwait intaa inoo malgaliyaan, Somaliland qof caafimaad qaaba oo shaqo beelayaa majiro In Shaa Allahu mid zagzaaga mooye. Hada se, wadankan la xaraashayo ee aan ictraafkana haysan, waxay rabaan inay hoos hoos intay u fadhaan wadamadooda gaystaan. Dushana waxay inaga tusayaan inay qasri ay ku raaxaytan meela ha ka dhistaan.
Gacan leebaax ka wayeyn meel Sheekh carbeed loo kaligii seera looga dhigo. Hada waa daqsin, oo xoola dhaqatadu meel kale ay uguuraan mahayaan, hadii aan la rabin hayaan dheer iyo dhul qala ah oo lageeyo. Taasina dadka halkaa deegaan ka u ah maqabato. Hidaha ku aasan ee la doonaayo in hoos loo kala ibsadaan waa mid qaaliya oo wiilka weel kiisu ka fakhriyeyn ila inta uu Alle uunka rogaayo. Waa mid Somaliland oo dhami u aayeyso. Wa mid inaga badan oo intaa Af Somaliaga ku hadashoo dhami ka faa’daysanyso. Waa mid magac iyo maaqaam sare inoogu jiro.

Untitled1
tan
Mid qudha oo duur joogta ihi wax lagu qiimeeya majiro xataa hadi mid walba loo dhigo $10,000.
Qiima kastoo loo dhigo waxa ka badan waxa laga heleyo ka hadii hormarka dalxiiska loo hawl galo.
_________________________________________________________
Hada Buuraha Sheekh waxa loo hibeeyey, haday tahay hido sooyaala, haday tahay macdan ah iyo haday tahay wixii habar dugaag ah ee aagaa ku nool, nin ka tirsan qayska Amiirka Kuwait. Diyaarad u leeyahay ninka Kuwaitigi ihi ayaa timaada todobaad walba mar. diyaaradaasi la ma baadho markay wadanka timaado iyo marka ay dhoofaysa midna. Si rasmi ah looma yaqaan wadanka waxay soo galiso iyo waxay ka dhoofiso toona. Waxa se aan cidna ka qarsoonayn in Diyaarada lagu guro duur joogtaa iyadoon loo aabo yeelin, iyadoo nool iyo iyadoo hilib ahaan loo iib geeyo. Ma dhaafaan baa layidhi kol ay kutahay doofaar ka isagoo nool iyo isagoo la qalanba. Wax ka daraan hidaha sooyaalka ah ee ku xabaalan buuraha Sheekh ee ayay fadhataystaan. Xabad qudha oo ay la baxaan waxa la kala siitaa aduunyada malayiin dollar. Inagana waxa hoos loo kala qaatay mooyee, Kuwait waxa inga soo gaadhay waa waxa yaree laga qabtay labada garoon ee Berbera iyo Hargeisa iyo xerada agoomaha.
Wafdi heer sare ah oo Emaartaka Carabta ka socda ayaa dawaan wadanka soo gaadhay. Waxa ugu muhimsan ee ay u yimaadeen waa Buurta Gacan Libaax iyo aageeda inay fadhataystaan oo ay hiddo iyo sooyaal iyo taariikhda ku xabaalaan gurtaan oo wadan kooda gaystaan. Waa hanti qaaliya oo hadii aynu hagaajisano ubadka ubadkiisu waligii aanuu ka fakhriyeen sida Masar oo kale. Suldaan kaso jeeda aagaa Gacan Libaax, ayaa maqaal u ku qoray Oodweynenews yidhi: “ Buurta Gacan Libaax wax la iibsho ka wayn”. Wuxu se raaciyey “anagaa ka raaliya in Carabka Gacan Libaax la dejiyo”. Wuxu isagu u haystaa buuta uu Carabku doonayaa inay tahay tii markuu yaraa u naylaha daajin jiray. Waxaanu garan in waxa lakla iibsanayaa inaanay ahayn buurta lafteeda. Haday buur uun tahay waxa la doonayaa, Imaaratka qaar badan baa ku yaala. Waxa loo ham iyo digleeyahay waa waxa sida Laas Geel koor iyo hoosba jira betrool kooda ka qaalisan ee Alle ina siiyey. Waliba Laas Geel laba sababood ayeu degmada sheekh uga ayaan badantay:
1. Dad ka baadhaayey waxay ahayeen professor Franciis ah oo cilmi baadhis waday oo aan dan iyo
murad kale la hayn;
2. Waxay doonayeen sawiro quruumihi hore ku xardheen buuraha hoostooda oo aan laba qaadi karin.
Degmada sheekh se waxa laga baadhayaa waxay tahay wax diyaarada la gurto. Waa dhaxal wareejin sideediiya. Haadii se Somaliland oo dhami, gaar ahaana dadka deeganka ahi hibo u bixinayaan waa arin ugub ah oon hore aduunyada looga arag. Ethiopia 70 sano ayey ku dacwiyeysay in taalo Talyanigu ka fujistey 1935kii oo dib uga tagtay meel Talyaaniga ka mid ah. Bari dhawayd ayey Ethiopia ku guulaystay in taaladoodi dib loogu soceliyo. Inaga se wixii la inaga fadhataystaa badi sooc male. Hadaba inay hideheena, macdanteena iyo ugaadheen hal taalo ka qaalisanaato iyo inkale soo yaalka taarikhda ayaa lagu qori.

  • Dadkii Qiiroon Jirey May! Tolow Maxaa Helay!

Qof aqoon iyo dareen badan oo wadankiisa u tudhaaya ayaa qiiro laga helaa. Mid hungri badan oon xaaraanta iyo xalaashu u kala soocnayn baa ayaa wadan koodh haduu helaayo wax yar dhaafsada. Dhangagaluhuna labada dhexdooda ayuu ku dhintaa. Dadku barigii hore way kala soocnaan jireen. Qof waliba meersigu ka haboon yahay ayuu ku eekaan jirey, maamuus iyo abaalna wuu ku qabay. Sheekha caalimka ah diinbaa looga dambay jirey. Qawlkii ka soo baxaana “ qaala Laahu iyo qaala Rusuulu Laahi ayuu ku eekaa”. Xeer yaqaanka, aftahana ku darsaday, markay laba qolo isku dhacdo ee ay ribatu ayaa loo egmanjirey inuu arrinka fardaamiyo; ama se qoladooda uu garyaqaan u noqdo. Gabayaaga, laba beelood markay utuni dhex timaado, kaalintiisa ayuu gudan jirey. Markii loo baahdana waanaag iyo barwaaqo wuu ka gabyi jirey, iyo dhacda kastoo beesha la soo gudboonata oo ku haboon in laga gabyo. Abaan-Duulaha la’aantii weerar la ma qaadi jirin. Fraadinka meel dheer baa looga imanjiey si uu dadka uga faa’ideeyo waxa Alle baray. Dhalin yaraduna hadba hawshii la soo gudboonata ayey si hagar la u gundan jireen. Odayaashana way ka dembayn jireen oo had iyo jeer amar laka siiyo ayey u hogaansinaan jireen. Dumar kana koriska caruuta iyo kobcinta dhaqaale ayaa looga dambayn jirey. Mid waliba dadkaa aan soo sheegay, hawsha uu bulshada u hayo xirfad iyo takhasuus ayuu u lahaa oo waa looga dembayn jirey. Haduu marka loo baahdo safar ku maqanyeyna arrinka waa lala sugi jirey. Mid waliba sidaasuu maamuus iyo sharaf ku lahaa. Makay tahay arrimaha dawlada (Siyaasada, dhaqaalaha, amniga, gaashaan dhiga, caafimaad, tacliin..IWM) dad wax bartey oo jaamaacado ugu soo baxay oo mid waliba takhasus u leeyahay meersiga ku aadan, ayaa looga dembayn jirey. Sidaasay dadka Somaliyeed ku caano maaleen oo dhib kasta oo timaada kaga gudbi jireen.
Maanta hab dhaqankaa waanaagsan waxa badalay is dhex yaac. Bulshadeenii waxay isu badashay mid aan is dhagysan, kalana dambayn. Sheekh Calmka ah waxa hadul kuu yidhdaba ku haysta mid qalin duura ah. Dhakhtarku dawduu qoro, wiilka ama gabdha farmaciga haysaa tuuraysa oo mid kale ugu badalysa bukaanka. Engineer kii dhismaha wastaad baa ku haysta. Siyaasada iyo dhaqaalaha markay noqotana, dadkii jaamicaada uga soo baxay oday aan aduunyada waxba ka ogayn baa ku haysta.
Somaliland maanta wareer baa ka taagan. Sidii qudhaanjo madaxi laga qabtay baynu isku meeraysanaa. Halkii horo mar iyo ictraaf laga higsan lahaa, hamigeenii wuxuu ku soo koobmay (mid yar iyo mid waynba, iyo mid masuul dawladeed ah) “xageed wax ka malafstaa”. Waa halkay ragii hore ka odhan jireen “waad baahantahay looma bahalo cuno. Waxa qudha ee loo wada hamiyo digleeyahay oo la xalaashaday, waa sidii loo dhicilaaha hantida umada ka daxaysa. Siday taasi u suura gasho, hubka ugu wayn ee la adeegsadaa waa waa qabyaalad. Qabyaaladina waa naafo qaran.
Qiiradii wadaninmo way dhimatay. Maamukii subaana wuu dhintay. Dimoqraadiyadii way dhimatay. Wadda noolaantii iyo isu heelaantii beeluhu way dhimatay. Ubad keena maanta waxa lagu ababiyaa waa qabyaalad. Dawladnimadiina aynu ku taamaynayna waa sakaraad. Hadaynaan arrin u kala dambaynayn qarnkaynu doonaynaa muxu yahay? Hadynaan wada tashan karayn, qarnkaynu doonaynaa muxu yahay? Hadaynaan danta guud ka horaysiinayn ta gaar ka ha, qarnkaynu doonaynaa muxu yahay? Hadaanay beelhu isu heelanayn, qarnkaynu doonaynaa muxu yahay? Hadaynaan dhulka wada lahayn, qarnkaynu doonaynaa muxu yahay? Hadaanay ubad keenu caluul fayoobaan ku wada caweyn kareen, qarnkaynu doonaynaa muxu yahay? Wayni maanta taaganahay halkay ragii hore ku maahmaahi jireen “geel ba’aw yaa kule”.
axa wax laga qiirooda ah inay dadkaygu ka dhoy la’yihiin, hantida dhulkeena ku xabaalan ee wax loo dhigaba aanay jirin weerarka lagu hayo, iyo xukuumada oo aan wadanka dhan lexejeclo ka qabin. Waxa layidhi “ama xero ha kuugu jiro, ama xeer ha kuugu jiro”. Labda midna kama hayno wadamada Khaliijka. Waayaabe had may Somaliland dawladaha Khaliijku oradeen inay Somaliland dawlad jirta tahay oo heshiis lala geli karo. Soo kiwii markay gaajoonayeen wan keena badhida wayn aynu u rari jirnay maaha ee inajeclaa. Markay betrool ka heleena soo kuwii ina nacay maaha. Maxay inoogu abaal gudeen ee ay ina tareen. Siyad Barre marku inna laynaayey soo kuwii lacag, hub iyo bitrool la daba taagnaa maaha. Markaynu qaxnay ee dad keenu balan-balaayeen, soo kuwii intii shaqaalaa ahayd iyo xaasas koodii qixiyey maaha. Kay shaqadu dhamaato, iya goo og guri iyo magaalo uu kunodaa aanay jirin, soo kuwii dalal kooda ka saaraayey maaha. Soo kuwigii dadkeenii Khaliijka joogay kiniisada Yrub iyo Marykan ay meciin moodeen mahaa. Waatii la qaxee banan maatidii la lagu qubee, ma inoo soo gurmadeen; teendhooyin ma inla soo gaadheen; dawo iyo dhakhtaro ma inoo keeneen; raashin ma inaga dhargiyeen.
Afweyne markuu dhacay, waatii qaxootigii laga soo noqdee, ee magaalooyin kii oo wada dunsane, wax ma inla qabteen, baco kol ay kutahay ma inoo sheeganayaan. Maxaynu ka galabsanay ee ay inooga yeeli waayeen siday ka yeeleen qaxootigii Afganistaan, Bosnia and herzegovina, iyo markasta oo aafo dabiiciyi ku habsato Pakisatan. Oo inagabaa jaar ah oo waligeen xidhiidh soo jireene inaga dhexeeyee maxay iskaga keen indha tireen. Maantana jeceel inoogu may imane, wadan la xaraashaayo oo rakhiis ah ayey arkoodeen. Maxay inoo ictiraafi waayeen 25 sano ayeynu dawlad iyo nabad ba ahayne, haday wadanka lexe jeclo ka qabaan, ama cidi caradeed in laagoo sharaf ah haday inoo hayaan.
Carabta Khaliijku waxay hore u xaalufiyeen ugaadii. Imikana waxay u soo tafaxayteen intii hadhay inay ku darsadaan, iyo wixii kale ee aan laga ceshan ba. Daka deegaanaada degan waxan ee la iska baal maray waxan ugu boorenayaa inaanay waxba ka dhagaysan kuwa doonaya in la idin dhaxal wareejiyo demanin oo nool. Buurta Gacan Libaax way ka mudan tay meel Carab seero loo ga dhigo. Kalgacayl ka beenta ah iyo hungri yar oo kooban yaan la idinla soo gelin hibada All ka hirqan doontaane.
Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin, talo lagaa reebay
Meel aan lagaa rabin indhaha, lalama sii raaco
Layskuma ridaan rido haddaan, ruuxu ku arkaynin

Somaliland waxba uma arkaan dawladaa Carabeed oo dhami isu wada geeyo.
shacabka Somaliland maanta waxa la gudboon inay gamcaha is qabsadan oo midoobaan sidii hantiida wadanka loo badbaadin laha oo la iskaga hortaagi budhcada weerka ah ee aan waxba inoo dhaafayn. Shacabka Somaliland waa inay qiiradooda mujiyaan iyo wadani nimadooda. Waa inay sameeyaan wax allaaliyo waxay karaan ee sharcigu u ogalyey, oo ay badbaadiyaan hantida umada ka dhaxaysa ee ay ka mid yihiin dhulka, macdanta, shidaalka, iyo hantida hidaha soo yaalka ah ee dhamaantood Alle dhulkeena ku manaystay ee maantaa loo soo fata xaytay in la biliqaysto inagoo nool oo soo ligan.
Gurigiisi nimuu baaba´oo geeli laga qaaday
Oo gaabanoow waran u hadhay guul wax lagu raadsho
Oo soo gurmaday oo guntiga labada low geystay
Hadduu cadow gondihii yuurursado gaadhi waa libine
Raggaa gogosha quudheed dul tuban gabay ku faalleeya
Alle Xaqa ha intuso oo ha inagu gargaaro

Qalinkii: Dr. Siciid Sheekh Maxamed

1 Comment on Somaliland: Geel ba’aw yaa kule Qormadii Dr. Saeed Sheikh Mohmed

  1. Xaar weyne, war muxuu dhuuso ka waregey, muxuu Uga hadli waayey kuwii dalka sii dhacay ee Xataa Digsyada Sii murdiyey, sida, Riyaale faqash, Siciid suub, Cawil mucjiso iyo Madaxdii kale ee xisbigii burburay ee Udubtii Xarku galay, Qabyaalada Nagala aamus, fucking

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.