});

Somaliland Oo Qorshaysay Inay Magaalo Ganacsiyeedka WAJAALE Kula Tartanto Dawladda Itoobiya Iyo Sababta

Wajaale)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku gudo jirta hawlo ay ku doonayso inay magaalo ganacsiyeedka Wajaale ay ka hirgeliso goobo muhiim ah oo aan hore uga jiran oo u suurto galinaya sidii dhinaca Somaliland uu ula tartantami lahaa dhinaca kale ee isla Wajaale ee ka tirsan Dalkaasi Itoobiya.

Qorshahan Somaliland ayaa ah in Magaalada Wajaale laga hirgeliyo Laan ka mid ah Baanka Dhexe ee Somaliland, taasi oo uu shalay halkaasi uu tegay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baanka dhexe oo ay ka mid ahaayeen Maamulka Gobolka Gabiley, iyo Degmada Gabiley, iyo Madaxda Magaalada Wajaale.

Ugu horreyna, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa ka warramay ujeedada socdaalka iyo waxyaalaha u qorsheysan, waxaanu yidhi, “Waxaanu hore u soo dirnay Guddi farsamo oo daraasad ka soo sameeyey, markii aanu eegnayna waanu ku qanacnay in halkan (Wajaale) laga furo laan baanka dhexe ah”.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe waxa kale oo uu soo indha indheeyey heerka iyo tirada Baananka ka furan dhinaca kale ee Magaalada Wajaale ee ka tirsan dalkaasi Itoobiya, “Waxaan soo maray dhinaca Itoobiya ee Magaalada Wajaale waxaana ka furan afar iyo toban Baan, markaa fili maayo in dhinacan Somaliland na ay ka furan yihiin Baanan kale ee waxaan u mallaynayaa inay ka furan yihiin laba Baan oo kala ah Dahabshiil iyo Daarasalaam, markaa shaqada ay qabanayaan labadaasi Baanankaasi Itoobiyaanka ahi oo aad arkeyseen sida ay u camirnaayeen, taa mid la mid ah ayaanu ku talo jirnaa in aanu xageenana ka furno oo waanu sameynay nashqadii ee waxa inoo hadhay farsamadii oo aynu ka wada hadalnay oo marka ay inoo dhammaatana waynu billaabi doonaa”.

Dhinaca kalena, Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa isna sheegay ahmiyadda Baananku u leeyihiin magaalo ganacsiyeedka Wajaale, “Madaxda Baanka dhexe ee Somaliland aad ayaanu u soo dhaweynaynaa socdaalka ay ku yimaadeen Gobolkan ee ugu kuurgalayaan xaaladda Baananka iyo Xaaladda Dhaqaale iyo hawlaha ay Qaranka u hayaan siday uga socdaan Gobolka Gabiley”.

Intaasi kadibna Maayirka Degmada Gabiley ayaa soo bandhigay baahida ay Baananka u qabto Magaalo ganacsiyeedka Wajaale, “Wajaale waa Magaalo ganacsiyeedka ugu weyn ee Somaliland, markaa baahi weyn ayey u qabtay in loo sameeyo Baan oo uu Qaranku ku yeesho oo waanu kaaga mahad celinaynaa guddoomiye”.

Ugu dambeyntiina, Maayirka Magaalada Wajaale Xaashi Maxamuud Geedi iyo Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Indho-Ballac ayaa iyaguna si weyn ugu mahad naqay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland isla markaana si diiran u soo dhaweeyey in Magaalada Wajaale laga furo Laanta Baanka dhexe ee Somaliland.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Halkan ka Daawo Wariye Dalmar Oo London Ka Yimid Hargeysa Live Ku Soo Galay Iyo Waxuu Ku Arkay..

You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.