Trump oo kordhinaya kharashka gaashaandhigga

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa doonaya in uu 10% kordhiyo kharashaadka ku baxa gaashaandhigga, isaga oo soo bandhigay hindisaha qorshihiisa miisaaniyadda sanadka 2018ka.

Tallaabadani ayaa ah muuqaalka guud ee hindisaha miisaaniyadda madaxweyne Trump balse waxa ay si cad u muujinaysaa arrimaha uu muhiimadda siinayo, iyo in ay ka go’antahay in uu fuliyo ballan qaadyadiisii xilliigii uu ku jiray ololaha doorashada ee ahayd in uu xoojiyo milatariga dalkaasi.

Miisaaniyadda gaashaandhigga ayaa hoos u sii dhaceysay tan iyo sanadkii 2010-kii, waxa uuna hadda Trump doonayaa in uu arrintaa wax weyn ka badalo.

Miisaaniyaddaasi ayaa hadda lagu qiyaasaa 482 bilyan oo gini, waxaana saraakiisha aqalka cad ay sheegayaan in madaxweyne Trump uu doonayo 43 bilyan oo gini oo dheeraad ah, taas oo ka dhigan in boqolkiiba toban la kordhiyo miisaaniyadda.

TrumpLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Saraakiisha ayaa sheegaya in dhaqaalahan qayb ahaan laga heli doono dhimista kharashka mashaariicda degaanka iyo deeqihii uu Mareykanka dibadda ku bixin jiray.

Balse aqalka kongareeska ayaaa ah ugu dambeyntii cida go’aanka ka gaari gaari doonta miisaaniyaddani, caadiyanna arrintan ayaa ah mid aad loogu gorgortamo koongareeska gudahiisa, haddana durbaba waxaa loo diyaar garoobayaa dood aad u kulul.

In kabadan 120 askari oo hawl-gab ah ayaa waraaqo u diray xildhibaanada waxa ayna ugu baaqeen in dhaqaalo lagu bixiyo dublamaasiyadda iyo horumarka oo ay sheegeen in ay muhiim u yihiin in colaad laga baaqsado.

Sources;Bbcsomali

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.