Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo sheegtay in howl galadii Xasilinta uu sababay in hubkii cuslaa uu ka yaraado Magalada Muqdisho

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xaalada amniga ee magaalada Muqdisho, iyadoo mar kale ugu baaqday shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si looga hortago falalka amni daro.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Sayid Carab ayaa sheegay in howl galada xasilinta ee ka socday magaalada Muqdisho uu suura geliyay in hubkii cuslaa ee lagu watay magaalada la uruuriyo, isla markaana laga soo saaro amaro culus.

“Magaalada Muqdisho hubkii faraha badnaa ama qoryihii cuslaa, sida BKM iyo baabuurti ciidamada waa yaraadeen, waxay taas ku timid howl galada ciidamada xasilinta oo lagu uruuriyay hubka sharci darada”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu soo hagaagay, isla markaana Wasiirada qaar ammaankooda ay ilaaliyaan labo askari kaliya sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Gobolka Banaadir inay ku baraarugaan in Shabaabka ay duulaan ku yihiin, isla markaana cid walba ay u siman yihiin inay dilaan, loona baahan yahay inay kacdoon wadajir ah sameeyaan, si Shabaabka looga soo horjeesto.

Wasaaradda Amniga ayaa horay u sheegtay in howl galada xasilinta Caasimadda uu qeyb ka yahay hub uruurinta, iyadoo muddooyinkan uu magaalada ka yaraaday qoryihii iyo ciidamadii faraha badnaa iyo gaadiidkii dagaalka ee magaalada lagu wadan jiray.

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.