Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wasiirrada Ganacsiga,Dibu Dajinta Iyo Duulista Iyo Hawada Oo Markii Ugu Horeysay Kulan La Qaatay Ganacsatada Shidaalka Soo Dajisa

Hargaysa(Tvsle)- Aroornimadii Hore ee saaka ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo wasiiro uu hogaaminayo ay xarunta wasaarada arrimaha gudaha shir kula yeesheen ganacsatada shidaalka soo dajisa.
shirkani dhexmaray wasiirada iyo ganacsatada soo dajisa shidaalka oo uu shir guddoominayey wasiirka arrimaha guduhu ayaa lagaga wada hadlaayey sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha shidaalka oo beesha caalamka hoos uuga dhacay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa shirkan ay ku wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Muuse Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Dib u Dajinta Cali Siciid Raygal iyo Wasiirka Duulista Iyo Hawada Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani) ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Shir Kula Yeeshay Ganacsatada Soo Dajisa Shidaalka Kuwaasi oo ay kala Hadlayeen Sidii Hoos loogu dhigi Lahaa Qiimaha Shidaalka.
Shirkani oo saaka 9 Subaxnimo Ka Furmay Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku bilaabmay Jawi degan oo ay isku qaabileen masuuliyiinta xukuumada iyo ganacsatado shidaalka soo dajiya waxaana goobtaasi lagu gorfeeyey sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha shidaalka ee gaadiidleyda laga iibinayo.
Ganacsatada ayaa ka hadlay qiimaha ay dalka ku keenan shidaal iyo qiimaha ay ka siiyaan Kaalmaha shidaalka ee iyagu kasii ganacsada sidoo kale waxaa ay ka hadleen qiimaha shidaalku ka marayo wadamada carabta oo ay shidaalka kasoo qaataan.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Muuse Qaasim oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ganacsatada kala hadlay sababaha uu hoos ugu dhici la yahay shidaalku maadaama uu wadamada ay kazoo qaataan aad hoos uugu dhacay.
Ugu danbayntiina wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hello shidaal jaban isla markaana ganacsatada looga fadhiyo sidii hoos loogu dhigi lagaa qiimaha shidaalka.

Tvsle.net

12651159_204333136586494_4966658769362609407_n

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.