Wasiirka Gaashaandhigga Oo Beeniyay Warqad Lagu Faafiyay Baraha Bulshada

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Caateeye, ayaa bartiisa Twitterka ku beeniyay warqad baraha bulshada lagu faafiyay. Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa wuxuu beeniyay warqad la sheegay in uu isagu saxeexay wakhtigii uu joogay wasaaradda cadaaladda taas oo lagu amray in lagu soo xidho mid kamid ah ganacsatada Somaliland. Wasiirka Cabdiqani Caateeye ayaa waxa uu sheegay in ciddii warqadaa qortay ay cadow ku tahay jiritaan Somaliland.













